Ciidamo isku fidiyay Wadooyinka Muqdisho qaarkood.
By Somalimirror on 20 Sep, 2008 8:31 AM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Ciidamada Booliiska DKMG ah ayaa saaka isku fidiyay Wadooyinka KM4, Maka Al-Mukarama iyo Wadada gasha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo ay hakad galiyeen Dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.
Ciidamadan ayay dadka deegaanku sheegayaa in ay rasaas la beegsanayaan Gaadiidka iyo dadka halkaasi maraya, lamana sheegin illaa iyo hadda khasaare ka dhashay rasaastaasi.
Wadada KM4 ayaa la sheegayaa in ay ku suganyihiin oo kaliya Ciidamada Booliiska DKMG ah kuwaas oo rasaas la beegsanayo cid kasta oo xagooda u soo ruqaansata.
Lama garanayo illaa iyo hadda ujeedada rasmiga ah ee ay ciidamadu wadooyinkaasi u xirteen basle waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo shalay galinkii danbe duqeyn loo geystay garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ka dib markii ay soo caga dhigatay Diyaarad Milatari oo saanad Milatari u siday Ciidamada
Daabaco

waxay iska dhigayaan niman diyaarad imaanaysa amaakeeda sugayaan
jacfar | Sep 20, 2008 | Reply
asc,maxaa keenay in caalamka oo dhan aqoonsado TFG iney tahay dowlad?? anagoo og iney dhabadhilif tahay?? xataa dowlado carab ayaa amainsan sidaa.
10,000 oo somali ah baa dhimatay 2 sano kaliya (badankoodna hawiye ah).
bal kawarama hadey 4 sano la sii joogo ilaahey kama dhigee. dalka allaha dajiyo.
Hadaan Imid | Sep 20, 2008 | Reply