Spain oo sheegtay in ay Baacsanayso Burcad Badeeda

Published on September 18, 2008 by   ·   3 Comments   ·   print

maraakiib1.jpgXukuumada Spain ayaa go’aansatay in ay u dirto xeebaha dalka soomaaliya Diyaarad Baacsada Burcad Badeeda ka qowlaysanaysa xeebaha Soomaaliya, ka dib markii dhowr mar weerar lagu qaaday Maraakiib kaluumeysi oo ay leedahay dowlada Spain.

Haweynayda ugu qaabilsan Spain wasiirka Gaashaandhiga Carme Chacon oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay “waxaan si deg deg ah u diraynaa Diyaarad nooceedu yahay B -3 Orion iyo koox kaalmeysa oo ka kooban 90 qof xeebaha soomaaliya”.

  

Sida ku cad Bayaan ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Spain diyaaradan waxay Warbixino ka gudbin doontaa Dhaq-dhaqaaqa Burcad Badeeda iyaga oo u gudbin doono koox cusub oo uu Midowga Yurub u sameeyay sidii ay howl-galo uga sameyn lahaayeen xeebaha dalka soomaaliya una ilaalin lahaayeen dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Shisheeye.

  

Shaqada Diyaaradan ayaa la sheegay in Marxalada Koowaad ay ka howl-galayso xeebaha soomaaliya mudo dhan 3 Bilood, waxayna xiriir joogta ah la soo sameynaysaa xukuumada Faransiiska si ay ugu suuro gasho in ay ka howl-bilaabaan saldhigooda ay ku leeyihiin dalka Djibouti.

  

Midowga Yurub ayaa isagu Isniintii la soo dhaafay isku raacay in la sameeyo “koox Nidaamsan” oo shaqadoodu tahay in ay ka ilaaliyaan Maraakiibta Shisheeye in ay afduubtaan Burcadda ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Spain oo sheegtay in Ciidamo u Dirayso Xeebaha Somalia
  2. France: – waan Baacsanayaa Burcad Badeeda Soomaaliya
  3. EU oo Dajinaya Qorshe Burcad Badeeda Soomaaliya Looga hor Tegayo
  4. M.Yurub oo Sheegay in uu la Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya
  5. Burcad-badeed ku Hanjabtay Dil

Readers Comments (3)

  1. cazaam says:

    saliibkii hadlaaba waxuu udhaaran oo kaliya soomalia intaad adinku afka kahadlaysaan mujaahidiinta ururka al.qaeda waxay qorshaynayaan siday maraakiibtooda iyo suuqyadooda intaba dhulka udhigi lahaayeen . inkastoo aanan difaacayn burcada masna maahan in gaalkii kastaa usoodhaarto soomalia

  2. muslimah says:

    ALLAH AYAA SOMALIYA U MAQAN KAAFIIRKASTA HA BOOBO QAYRAADKA SOOLAIYA, QAARNA DADKEEN AH AL LAAYAAN.

    LACNATULLAHU KULLLI KUFAAR

  3. abdalla says:

    waxaan umadda soomaliyed ugu bishaaraynayaa inuu waqtigii saliibiyiintu gabaabsi yahay sidaa darteed waxaa nala gudboon inaan mujaahidiinta jihaadku illahay dartii kayahay ee al shabaab taageerada loo boqol jibaaro cidii aan sidaa yeelina illaahay uma baahna ee ogaada ,alshabaab waa nimankii gumaysiga araxda jabiyay waa niamn aan jihaadkoodu qawmiyad uusan kusalaysnayan ee uu kusalaysan yahay muslinimo waxaa tusaale kuugu filan sida saliibiyiintu unecenyihiin alshabaab ooy u cuna qabateeyaan waa sidii qureesh nabiga scw oola dhaqmi jireen alshabaab waxay raaligaliyeen illaahay markasaa gaalo u carootay ,illaahay inuu raalikanoqdaan rajaynaynaa insho alaah sidaa awgeed qofwalboow calanka islaamka ee saafiga ah kuhoos dagaalan iskana illaali inaad calan qowmiyao ku hoos bakhtido wabillahi tawfiiw illaahow mujahidiinta saxeda garaba xaqa kumidee aamiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Spain oo sheegtay in Ciidamo u Dirayso Xeebaha Somalia
  2. France: – waan Baacsanayaa Burcad Badeeda Soomaaliya
  3. EU oo Dajinaya Qorshe Burcad Badeeda Soomaaliya Looga hor Tegayo
  4. M.Yurub oo Sheegay in uu la Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya
  5. Burcad-badeed ku Hanjabtay Dil

Latest Headlines