Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo baxay Shirka Jabuuti

shirka-jabuuti.jpgShirkii xasaasiga ahaa ee maanta Hotelka Kampiski ee Magaalada Jibuuti uga soconayay Gudiyada Siyaasadda iyo Amaanka ee ay wada yagleesheen DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta garabka Jabuuti ayaa la sheegayaa in laga gaaray horumar qaar ka mid ah qodobadii horyaalay labada Guddi.

  

Inkasta oo aysan jirin qoraal rasmi ah oo si wada jir ah uga soo baxay gudiyada Siyaasadda iyo Amniga ee kala matalaya DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta garabka Jabuuti ayaa waxaa jira warar si hoose uga soo baxaya shirka kuwaas oo muujinaya in isfahan laga gaaray inta badan qodobadii ay labada dhinac qaadaa dhigayeen.

  

Guddiga Amaanka ee ay ku midaysan yihiin labada dhinac ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii horyaalay ka Bixitaanka ciidamada gumaysiga Itoobiya xaafadaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, xabadjoojin laga dhaqan geliyo dalka, isku dhafka ciidamada labada dhinac iyo in ciidamada gumaysiga Itoobiya loo furo jidadka isla mar ahaantaana aan dhibaatooyin loo gaysan xilliga ay baxayaan.

  

Wararka laga helayo xarunta shirka ayaa waxay tibaaxayaan in xubnaha gudiga Amnigu ay ku heshiiyeen ka bixitaanka ciidamada gumaysiga Itoobiya xaafadaha Magaalada Muqdisho taas oo 30ka maalmood ee inagu soo aadan lagu dhaqan gelinayo, in maalinta barrito ah lagu dhawaaqo xabad joojin iyo in ciidamada gumaysigu ay ku faarujiyaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka muddo bil gudaheed ah.

  

Sidoo kale wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in labada dhinac ee DKMG ah iyo Isbahaysiga Jabuuti ay isku mari waayeen Qodobka isku dhafka ciidamada labada garab taas oo aan ilaa iyo hadda la isla fahmin.

  

Q.M ayaa la sheegay in ay isha ku haynayso dhaqan gelinta qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac waxayna sidoo kale daba gal iyo kormeer ku samaynaysaa dhaqdhaqaaqa geedi ee ciidamada gumaysiga Itoobiya sida ay isla garteen labada dhinac.

  

Dhinaca kale Guddiga isku dhafka ah ee loo xilsaaray arrimaha Siyaasadda ayaa asna waxaa uu maanta kawada xaajoonayay qodobo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Maamullada gobolada dalka gaar ahaan gobolka Banaadir, Dastuurka, Arrimaha Bulshada iyo Arrimaha Gargaarka.

  

Gudiga Siyaasadda ayaa la sheegay in ay isku waafaqeen inta badan qodobadii miiska saarnaa kuwaas oo kala aha Arrimaha dhaqaalaha, wax kabadalka Dastuurka iyo Arrimaha Gargaarka waxaana aan wali la’isla meel dhigin qodobka ku saabsan maamul u samaynta gobolka Banaadir oo ka mid ahaa qodobadii ay maanta ka doodeen gudiga Siyaasadda ee dhinacyada ku shirsan Dalka jabuuti.

  

Shirka ayaa u muuqda in uu ku soo gaba gaboobi doono is afgarad balse waxaan la damaanad qaadi karin in uu ka dhaqan geli doono dalka gudihiisa caqabado uga imaanaya dhinaca inta badan Xoogagga ka soo horjeeda Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo DKMG ah kuwaas oo sheegay in aysan dhag jalaq u siinayn waxa ka soconaya dalka jabuuti isla markaana uusan saamayn ku yeelanayn hawlihii dagaalka ee ay kula jireen itoobiya iyo xulufadeeda.

 



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

11 Comment(s)

  1. waxaan taa geersanahay qodobada hordhaca ah oo kasoo baxay shirka jabuuti

    cabdulaahi | Sep 18, 2008 | Reply

  2. asc inaalilaah walayaal ma maqasheen sida ay u galeen xamaas walaalha jayshul islaam oo ay xasuuq u gaysteen walibana ay sixun u garaaceen iyaga oo dhulka ku jiiday,waxaad ogtaan inay xamaas ahayd maanta kahor mujaahidiin,markay tanaasuleena ay ku soo jeedsadeen mujaahidiintii iyaga oo si toos ah ula hashiiyay murtadiinta iyo yuhuuda xasbunalaah,maxaad ka filaysaan shariifyada ilaahay iyo umadaba khiyaameeyay waxaas iyo wax ka daranba weysamayn haday awood u helaan ilaahay ha soo hadeeyo hadii aan loo qorina allah si deg deg ah umada ha uga qabto yaa allah walahi c/laahi yusuf isaga ayaa ka xun oo walibana ka go aan jilicsan c/laahi ayaaba raganimo dhaama hadad garanysaan cidii caqli leh waa ninkii uu yidhi xasan turki, biyo ayuu noogu maqan yahay inta uu yidhi waxaan idiin doonayaa biyo mujaahinta khiyaameeyay ee halkaa ka galay kenya,isna si nabad ah ayaa loo soo dhaweeyay halka mujahidiinta la garaacay,ayaa naf laga sugayaa,hadii la weydiiyo mujaahid xasan turki shirif waxa uu ku odhanayaa waxa uu nogu maqanyahy biyo kkkkkkkk

    haruun | Sep 18, 2008 | Reply

  3. asc

    walaalayaal runtii waxaa maalin walba soo baxaya sharaf xumada qolyahaan jabuuti jooga, fadiilatu alsheykh almujaahid xasan daahir aweys baa waxa uu yiri markii uu ka hadlayay nimankaan jabuuti laysugu geeyay in aynan isku heyn wax shaqsi ah ee ay isku hayaan QADIYAD laxariirta diinta iyo dalka iyo jiritaanka ummadaan.

    anigu waxaan maqlay nimankaan jabuuti kuwo ka mid ah oo yiri WADAAD WARKII XILIGAAN MA SOCONAAYO oo macnaheedu yahay diin islaam ma soconayso iyo kitaab isku xukumidii ,marka runtii wax aad looga yaqyaqsado waxa ay sameynayaa GARABKA MACAANJECELKA AH ee magaca mujaahidiin ku soo caano maalay ,maantana doonaya in ay wax ku darsadaan nimankii alhidaaya culimadii ku layay yirio way is difaacayeen.

    waxaan maqli jira SHIMBARAYAHOW HEESA waxa jabuuti lagu hayana waa heestaas iyo wax ka sii liita

    waxaana dhab noqday sawirkii amin caamir uu ka sameeyay shariifka oo tvga doonaya in uu remote controlka ku joojiyo xabad saa cid uu saaka amar siin karo ma ay jirto

    waxaan aniga iyo dad badan oo soomaaliyeed u arag naa in dadka jabuuti jooga ay ku jiraan dad qeyr aan ku naqaanay laakiin qaldamay walina qaladkii ku indho adag iyaga oo doonaya inay raali galiyaan BEESHA CAALAMKA=YUHUUDA IYO NASAARADA laakiin ALLAHA CAZIIZKA ah baanoo sheegay inaynan raali noqaneyn ilaa aan ka tagno waxaan aamin sanahay oo xaqa ah.

    GABAGABO
    WAR GARABKA MACAAN JECELKA AHOW OGAADA GEERIDUBA MARBAY NOLASHA DHAANTAAYEE , WAR ADINKOO XAQKU TAAGAN DHINTA INTAAD QIYAANO IYO JAAJUUSNIMO LA IDINKU TUHMI LAHAA WAA TII AHLUL XADIITHKA AY ORAN JIREEN QOFKII MEELXUN ISAGA OO TAAGAN LA ARKO YAANU DAGAALIN ILAA NAFTIISA MOOYEE , WAR LUGOOYADA UMMADA JOOJIYA , WAR MUJAAHIDIINTA AAD RAJEYNAYSAAN INAAD QOORTA ISU GELISAAN JOOJIYA, WAR TAN SHAQSIGA KA HOR MARIYA TAN GUUD, OGAADA QOFKII WANAAG SAMEEYA INAY ASAGA DANTIISA TAHAY KII XUMAAN SAMEEYANA IN AY ASAGA U DARAN TAHAY .

    ILAAHOW MARQAATI KA AHOW

    WALAAHU ACLAM WABILAAHI ALTOWFIIQ
    WSC

    XOG-OGAAL | Sep 19, 2008 | Reply

  4. Sc Wr Wb.

    waxaan doonayaa inaan ka hadlo arimo dhowr ah oo aad u muhiim ah.

    Kow Waxaan u tacziyeenayaa eheladii mujaahidiinta jeeyshul islaam oo eey khiyaamo ku dileen si bareer ah dhabarka uga toogteen ururka calmaaniga ah ee xamaas awalna ahaa urur mubtadic ah oo ka falaagoobay ikhwaankii mubatadiciinta asal ahaa.

    mujaahidiintaa meeshaa lagu dilay waa cibro waxaana cibradaa ubaahan inay duruus ka qaataan umada soomaaliyeed gaar ahaan mujaahidiinta alshabaab waa inay iska jiraan ururo badan oo aan lagu kalsoonayn oo magaca jihaadka ku qaraabanaya maanta.

    sideen ku garan karnaa midka ku qaraabanaya magaca jihaadka.

    1: mujaahidiinta caalamka uu uusan ku xirnayn.
    2:mujaahidiinta caalamka uusan u rabin inay dalka ka jihaadaan.
    3: ku dhawaaqida ereyda ah (beesha caalamka. maxkamad caalami ah. wada hadal xilli dagaal socdo gabdhihii la kufsanayo masaajidii music xabashi ku dhageesaneeso iwm).
    4:mujaahidiinta uu daraawo ( yaso) ugu yeero rag deg degaya iwm.
    5:cadawga xabashida iyo murtadiinta uu uu kala saaro.
    6:dowlad ku sheega uu u arko muslimad!!!.
    7:qorshooyinka jihaaadka anfacaya oo ee mujaahidiintu gaaraan uu uu duro sidii qabsashadii kismaayo.
    8:murtadiinta la qabto sii dayntooda iyo in cudur daar been loo suubiyo oo layiraah dhalinyaro lasoo qalday!!! oo dhar loo gado la wareesto kadib lasii daayo.

    hadaba nin walbo oo intaas oo sifo aad ku aragtaan mujaahidiinay iska jira oo ka foojignaada ogaadana inuu kaa yahay midka ee gaaladu doonayaan inay taaj u geliyaan markay ulajeedadooda waayaan waana dhibaatooyinkii afghan burburiyay.

    mideeda kale websiteyada ku caan baxay beenta ilaah haka baqaan oo u nisbeenaayo arimo eesan suubin urur ee iyaku taageersanyihiin.

    waxaan anigu ugu daradaarmayaa walaalaheega alshabaab inay cadawga iyo cid walbo oo lafar iisato isku weel wax ku siiyaan.

    ninkii dastuur iyo ciidanba maanta lagala hadlay walee inuusan waxba dhaamin kuwa la fadhiya bal asagaaba kasii liito ilayn diin buuba sheeganayaaye.

    hadaba nimanka borabagandada beenta ah la daba taagan mujaahidiinta oo xqirayo hajoojiyaan saas ayakee uroontahay.

    hadalkeega waxaan ku gaban gabeenayaa in ilaah laga baqo naftana marbay baxeesaaye aanan xaqa la qarin .

    sc wr wb

    Muslim Dhab Ah insha allah | Sep 19, 2008 | Reply

  5. ASC

    Subxaana Allaah!!! Walaalaha webkan beerdhiga maxaa ku dhacay!!! Miyeey is beddeleen oo mowqif is dhiibid ah miyeey qaateen sida burcada Djibuti Yahuuda kula shirto mise waa khalda madbaciya. Weligood waxay qori DKMG ee gumeysiga ethiopianka la shaqeysa. Maqaalada ugu dambeyeyna waxay caadi ka dhigeen DKMG taasoo micnaheedu yahay in wadanka somaliya dawlad ka jirto!! waa yaabka yaabkiisa.Wixii xigana waa sugaynaa!!WSC

    abu munsif | Sep 19, 2008 | Reply

  6. asc,
    dadkka miyaa khaldan tacliiqiyay qodobadan maxaa ku jabay in la tijaabiyo heshiiska jabuuti haday gaalada balanta ka baxaan ma hubkaa lagaa dhigay mida kale dadka daliil nooga dhigayo al xamaas anaga soomaali baan nahay waxaa noo khaas ah arimaheena sidii xoolihii baan u noolnahay 18 sano marka jaanis hala siiyo wada hadalka ana umaba qabo meelaha qaar oo dadku jecleesanayaan in wax kasoo baxi karaan sida dagaalka oo dheeraada waxaa soo baxaya jabhadii usc da oo kale laakiin magac islaam hoos ku wata oo ku dagaalama nin walba meel ama gobol ama tuulo uu qabsado waxaana daliil u ah kismaayo oo loo qaybsaday 3 qolo hada mujahidiin wada sheeganaysa waxaa kaloo daliil u ah al shabaab jawhar matagaan b/weynana matagaan bay may iskugu soo aruurayn iyo kismaayo marka hadaanan hada xal lahelin ayadoo aanan is dhiiba lahayn hada xal waa muhiim hadii kale u diyaar garoowa dagaalkaas oo wajigaas leh hadii kale wiilashaas xal u keena oo dadku qaran bay rabaan marabaan wax ka badan

    nuur | Sep 19, 2008 | Reply

  7. A/c nimankinan culimada aflagaadaynaaya ogaada in lagu jiro bil ramadaan qabyaalada hala joojiyo sh/sharif wax qalad ah ma samayn dadka masaajida iridoda in lagu dilo diinta ma qabto in magaca diinta dano kale loo isticmaalo ayu didan yahay x/dahirka aad sheegaysidna asagaa marwalba dawlada leh asmarana wadan islaam ah ma aha iyadaa muslinka lagu dhibaateyaa

    Daacad | Sep 19, 2008 | Reply

  8. Runta ragga kama nixiso ayeey soomaalidu tiraahdaa ragga jabuti jooga ee heshiiska la galay xabashida iyo kabaqaadyadooda dadkii ay maskaxda ka xadeen wey arkaan bey ila tahay.

    Mujaahidiinta allaah ha ka dhigo kuwa la yiri:

    *** ALADIINA QAALA LAHUMUNNASU INNA NAASA QAD JAMACUU LAKUM FAKHSHAWHUM FAZAADAHUM IIMAANAN WAQAALUU XASBUNALLAAHU WANICMAL WAKIIL***

    meeshaan Alshabaab iyo Jabiso iyo MMI inta wanaaga iyo jihaadka dhabta ka ahaa ayaa isku soo harayo raga shariifyo iyo calmaaniyiinta ay xukumaanna dhinaca walaalahood bey ka soo jeesanayaan mida kale ogaada raga waxaa lakala bartaa dhibta ugu daran markey jidho.

    jacfar | Sep 19, 2008 | Reply

  9. sc wr wb.

    waxad moodaa in dadku jahwareeray in badan oo ka mid ah taasoo ee sababtay jahliga.

    hadaba eenu ku dadaalno barashada cilmiga sharciga.

    intaa kadib.

    ragaan oranaya culumo baa la aflagaadeeyay bal ha inoo sheegaan culumada la aflagaadeeyay iyo cida ee yihiin iyo cida aflagaadeesayba!!!?.

    rag dhahaayo masjid baa hortiisa dad lagu dilay iwm waa waxyaabaha juhalada ku hadlaan.

    bal masjid baad sheegi hortiise asagoo sujuudsan baa surka laga jarayaa midka xabashida raaca ama u adeega siduu doonaba ha ugu adeegee.

    ruuxaan gaalada u adeegaya oo murtadka ah horta salaad laga aqbali maayo masjidkuna waa daahir wuuba nijaaseeyay waa in laga nadiifiyaa horta.

    maxaa yeelay gaalada uu kal kaashaday buu ku gaaloobay kadib haduu rabo muu tahajud usoo kaco saqdii dhexe asagaa is daaliyay!!!.

    tan kale cadawgeenu waa labo nuuc mid afsoomaaliga ku hadlin iyo mid ku hadlo waa intaas… kan soomaaliga ku hadlo baa haboon in zaa id gowraca loogu badiyo kan xabashiga ahna toogasho uun ilayn waa cadaw daciif ehe kan baa ka qatarsan kugu luqada ah oo waa hore soomaali ahaan jirey lehna magac muslim!!!!.

    mideeda kale kuwa leh hala tijaabiyo wada hadalka maxaa si ka ah!!!!.

    waa xaaraam in la wada hadlo maanta oo gudaheena lagu jiro gabdhaheenii la kufsanayo masaajidii kaare ku dhex jiro oo cadaw gaal ah iyo murtad naheestaan.

    maxaa laga wada hadli?.
    waa nin dhuunta kugu dhegan oo kuleh aan garanno!!!! bal horta dhuunta iidaa kadib beenu gar dhiganeenaaye markaan neefsado!!!.

    waxaa ilaah mahadiis ah in mujaahidiintu diyaar u yihiin dagaal socda quruumo ilaa uu eebe na kala xukumayo.

    ee ha ogaadaan kuwa jabuuti joogo in la ogyahay qorsahahooda eesana usuurtoobi doonin inay fuliyaan waxba.

    kuwa casmara joogana kuwaan bee wax yar dhaamaan iyakuna ma matalaan ilaa naftooda.

    mujaahidiinta ku raaliga ah inay xabad xabashida kula xisaabtamaan baan u hanbalyeenayaa.

    wabillaahi tawfiiq.

    sc wr wb.

    Muslim Dhab Ah insha allah | Sep 19, 2008 | Reply

  10. Asalaamu calaykum
    To.Waraabe yare
    Waraabow waxaan daba joogaa hadal suaalo badnaa oo aad adi isu jawabaysay waxaan filayaa waxaad ogtahay jawaabta dad waynuhu ku sinayo marka adigaa jawaab aad ku faraxdo isa siinaya.
    Horta waraabe anagu adigaa ku weerarnaa iyo fikirkaaga qaldan waxaana kaa difaacna mujaahidiinta ku xad gudubkoda.
    bal ninyahaw intaad dib isugu noqoto bal xisaabtan waxaa kaa magan galay yahuud,nasaara,mulxidiin,cilmaaniyiin,hinduus iyo kufri dhamaantiis waxaa kaa baxsan la’ niman mujaahidiin ah oo ehelkoodi,guryahoodi,xoolahoodi,,shaqooyinkoodi jaamacadahoodi iyo danahoodi oo dhan ka tagay kana doortay waxa allaah agtiisa yaal qaarkood 40 sano ka hor ayaa ehelkoodi iyo guryahoodi ugu danbeeyey mana rabaan inay kusoo laabtaan illaa iyagoo acizaa ah oo islaamkooda uu gacanta sare leeyahay maahane ama saas ay allaah kula kulmaan,ragga sidaas ah ayaad caynaysaa oo kaa baxsan la’ sheekh bal adi is xukun waxaad doonayso anagu kuma naqaane sida daahirka nooga kaa muuqata shareecona ma rabto dawlad aan diin lahayn oo qabilkaagu hogaamiyo un baad rabtaa.
    Horta doodeenu waxay u badantahay shubho siyaasadeed weli nooma keenin wax asal ama farac ah oo ay mujaahidiintu ku qaldanyihiin oo diinta ay ku khilaafeen si aan uga jawaabno warkaagu waa afkaar been abuur u badan anaguna been abuurkaas ayaan kaa saxnaa markii lagaa saxona meel kalaad madaxa saartaa lax gawracane geed kama laabato,xattaa naguma ankirto waxa aan kaa saxnay haddaad ka amustona dabcan waad ku qanacday.
    Arinta aad tiri caalamka oo dhan aya dab la gelinayaa oo jihad lagu iclaansan hadda ka hor waxaan ku malaynayay nin wax fahamsan oo baraarugsan,cajiib xaaladda aan ku jirno iyo waxa aad ka hadlayso wax isu dhawba maaha akhii muslimiinta waqti hore aya la qabsaday haddana jihaadu dafci ayay ku jiraan waa nin la legdey oo dhuunta la hayo o sidu ku baxsan lahaa falankeed ku jiraa waa min baabi dafci saail xili aan wax iclaamino oo jihaadu dalab aan gaarno ma joogno.

    Waxaan aad ku hadaaqayso o ah in dad tuhun lagu dilo kuwa u gargaaraya la dilo in shacabka lo nixin,waxaan waa dacaayaatka warbaahinta kufaarta iyo munaafiqiinta qof mujaahid ah oo allaah nooga dhaw qof muslim ah oo dhiigiisu macsuum yahay ma dilayo,tan dadka umadda wax u qabanaya qofku wuxuu qabanayo aya la fiirinayaa hadduu gaalnimo iyo kufri umadda wax qabadka ugu badalayo waa laga qabanayaa maxaa yeeley (wal fitnatu ashadu minal qatli)sidii baadariyaashii hiiraan lagu dilay school been been ah ayay dadka diinta uga fasahaadinayeen,waxa la mid ah kuwa galay guduuda diinta uga fasahaadinaya,kuwaas iyo Gaalka qoriga ku laynaya shacabka waxba isma dooriyaan dagaalka muslimiinta ku socda ma aha xabad kaliya,wa xabad,dhaqaale,caafimaad aidska ayaa xattaa dadka lagu duraa dhalmada waa laga joojiyaa daawa dhacdaynawaa la siyaa akhii boqol jabahaad ayaa ina ku furan waana in aynu kulli waajahnaa maaha dad qoriga keliya waxaa kaloo jira fikri qazw in laynaka dhaadhiciyo in gaaladu xadaarad leyihiin iyo hurumar tusaale shaatiga indnusia lagu sameyo iyo kan poland lagu sameeyo boqol jeer waxaa qaalisan kan kan poland maxaa yeeley waxa laynaka dhaadhiciyay poland wa dawlah urabiyah Mutaqadimmah polan waa meelaha ugu liita yurub kuwa kale haa sheegin.marka dadkaas waxa ay qabanayaan wa wax baaba’eena ah waana in laga qabto umadda.
    Amaa tan ah shacabka looma turo waayadaan shacabku wuxuu noqday wax qof walba ujeedadiisa ku gaaro sharifyo ayaa lahaa maslaxada shacabka ayaan heshiiskan u qaadanay shacabka waxa ehel u ah una tura qofkii marki cadawgu soo weeraray difaacay e naftiisa u hurey ninkii ka cararay waxba isuma aha ki laynayay ayuu ula mid yahay qofkii ehel iyo qaraabo kuu ah waa qofkii ku garab istaaga marka ad dhibantahay yaa acadw la dhaha yaana sokeye la dhahaa?taas ayaa lagaran la’yahay
    Cadaw waa qofki wanaagaaga ka xumaada dhibkaagana ku farxa allaah aya noo shegey(haddi wanaag aad heshaan way ka xumadaan,haddii dhib idinku dhacona way ku farxaan)
    sokeeyena waa kaas caksigiisa.
    marka waraabow mujaahidiintu iyaga ehel u ah shacabka nin kastana ehelkiisa khayr ayuu la doonaa xumaana wa ka ilaaliyaa.

    Mida aad tiri xoogaga xaq u dirirka in laga saaro saxada waxaan filayaa in mujaahidiintu aysn cid cadaw la dagaalamaysa aysan cadaawad u qabin laakiinwa lakala mawaaqif duwanaan karaa maxaa yeeley xaq u dirirka way kala ujedo duwanyihin midba qabiil ah,midba masalaxadiisa u dagaalamaya midbaa jagadiisi laga cayriyay sida koofiyad dheere Midbaa kitaab ka allaah uun in soomaaliya iyo caalamka lagu xakumo ujeedadisu tahay,waxaas in lagu qasmo xaq maaha raggii isku qasay maanta war waa hayaan .
    waxaad kale oo ka hadashay waxyaalo aan waxba ka jirin sida in dibadda laga amar qaato,in culimada lays kal waynyahay taas waa sheeko caamada loogu sheekeeyo markii la waayay wax mujaahidiinta sumcadooda lagu xumeeyo oo shacab taageersan loogu diro ayaa shubahaatkan la afuufay laakiin meelna ma gaarto oo shacabku caqli iyo indho ayay qabaan meesha xaqu yahay iyo cidda xaq ku dagaalamaysa way yaqanaan.
    Mida khilaafada,khilaafadu waa dariiqii nabiga scw uu nagu ogaa noona dardaarmay in aan khaliifkaas ku daba faylno Asxaabtiisi iyo quruntii fadliga abdnaydna ay kaso baxeen umadduna cizi iyo sharaf ku gaartay markii aynu ka tagnayna aynu dulligaan aynu ka dhaxalnay in aynu dariiqii saxdda ahaa ku laabanona ay waajibtahay,Arintaas inaad wahmi ku tilmaanto waa dacni fiddiin ee Allaah uga towbad keen intii khaliif uusan jirin umaddan boqolaal madaxwayne ay leedahay waa zamanu fitnah sida culimadu cadeyeen.

    Amaa mujaahdiintu culimo malaha waa jahli adi ku haysta oo mujaahidiinta maba taqaan culimona waxaad ka atqaan dhawr xabbo oo fadaiyaatka la keeno oo xukaamta inay wax u feermeyaan shaqadodu tahay,amaa tan mufakir malaha mufakir wax islaamku yaqaanba maaha wa wax hadda gaaladu noo keentay islaamku wuxu yaqaan caalim-daalib-caami,mufakiriin waa turaabe iyo wax la mid ah oo diinta ka ben sheega waana in umadda looga digaa.

    Mida aad tiri jihaadku ghaayo maaha ee wa wasiilah-sax Mujaahidiintu saas ayay qabaan mana jiro cid tiri waa ghaayo wana dacaayaatka aan sal iyo raadba lahayn Car ii keen hal kitaab ama cajilad ay mujaahidiintu arintaas ku qabaan.
    Mida wadaniyada aad xayaysiinayso wadankaaga inaad sheegato ama qabilkaaga islaamkuna ma diidin mujaahidiintuna madiidin Allaah aya shucuub iyo qabaail inaka dhigey Saxaabadi nabigana labada waa loo idaafayn jirey sida Abudar alghifaar waa qabilkiis ghifaar,Salmaan alfaarisi waa dalkiisi,mujaahidiintuna way isu nisbeyaan Muxamad As-soomaali,laakiin wa islaamku mid ayuu diiday waa in la cadeeyo maaha in laysu hoos geliyo sida qabaliyiintu ay dhahaan(unsur akhaaka daaliman aw madluuman)iyagoo u sharixin sidii Nabigu scw u sharaxay.
    wadaniayada islaamku diiday ama casabiyada(qabaliyah)u diidey wa tan aan diinta ku salaysnayn sida laba qabiil uu midna xaq u dagaalamayn sidii soomaaliya ka dhacday in aad qabiilkaaga soo raacdo wa inaad gurigaaga jookta wixii kuugu soo gala iska celi,laba wadan oo mid diinta allaah aan lagu xukumin shaqona ku lahayn ee xududo iyo dhul isku haysta in aad kan aad baasaboorkiisa haysato aad raacdo tusaale maraykan iyo ingiriis inaad mid la sfato ado dhul difaacaya,dhulku wuxuu qiime leeyahay makii sharciga allaah uu ka talinayo markaas waa wajib in la difaaco waxa la difaacayona wa diinta ee ciida maaha,dhulkaagu hadduu gaalo yahay soo maahan in aad ka hijrooto oo ka tagto?.
    Marka dhulka waxa qiimaha iyo qiima la’aanta u yelaya wa hadba xukunka ka jira.
    Nabigascw Nin acraabiya ayaa u yimi wuxuu ku yiri rasuulkii allow nin wuxuu u dagaalamayaa qaniimo hel,midna qabiilkaagu ha guulaysto,midna waa geesi halagu dhaho intaas yaa fii sabililaah ku dagaalamaya?Rasuulku scw wuxuu yiri Ninkii u dagaalamaya in kalimadda allaah kor noqoto ayaa fii sabilillaah ku dagaalamaya,intii kale wa hal bacad lagu lisay waxay ku dagaalamayeen taxt raayatil camyaa waana taas tan madmuumka ah e umadda looga digayo,haddaan dhehno somaliya xornimadeeda uun baan u dagaalamaynaa hadhana doorasho ayaa la qabanaya gaal iyo islaam wixii la rabo halagu xakumo ka waran maxaa lagu dhintay qofka waxa aminsanna muxuu ku dhiman?
    arintaan wadaniyada ama qabaliyada mawduuc gaar ah inaad nooga dhigto baan rabaa insha allaah.

    Waraabaw markaad hadlaysona cadaaladda haka tagin yaysan kaa tan badin colaad iyo xumaan aad u qabto Raggaas markasta xasuusnaw qalullaahi
    (( ? ????????? ????? ??? ??? ?? ?? ?????? ?????? ?? ???? ?????? ))
    wa billaahi tawfiiq

    somali | Sep 19, 2008 | Reply

  11. Somaliyow mar hadii doodeeni noqotey mida dhex marta indhooleyaasha iyo dhegoolayaasha oo aysan jirin wasiilo la wadaago oo wax leysku fahamsiiyo wax hade la sheegaaba ma jiraane aan is deyno.

    Sida ii muuqata rag in wax la fahamsiiyo diyaar u ah ma tihidin, adinkuna waxa aad sheegeysaan iguma socdaan.

    Marse hadii leysku khilaafey ´fahamkii shariicada, caqligii iyo fidradiina qofba meel la aadey, tajaarubtii lasoo mareyna aan isku mawqif laga aheyn, waxaa harey waa inaan sugno wacdiga ilaahey oo ah: ( Walaqad katabnaa fizabuuri min bacdi thikri, annal arda yarithuhaa cibaadiya saalixuun)

    Macaani badan ayey xanbaarsantahay aayadaas. Ardadaasi kownkaana way noqon kartaa, daarta aakhirana way noqon kartaa.

    dhaxalkaasi mid maadiyana wuu noqon karaa oo aduunka dhabooba, mid kale oo al thikrul xasan iyo ciribta danbe iyo aakhirana wuu noqon karaa.

    Adoomada suuban, salaaxaasi taqwo iyo alle u dhawaana wuu noqon karaa, asbaabul baqaa qoladii heysata iney dhulka u hareysana way noqon kartaa.

    Isku soo xoori zamankaa na kala saaraya hadii wax kale oo na kala saara la waayey. Ama tiina ayey noqon oo aniga iyo wixii igu fikir ah qaladkeenu wuu soo bixi, ama adinkaa qaladkiinu soo bixi.

    Adigu inaad xaq ku taagantahay ayaad isku heysataa aniguna sidoo kale. Wax aan ku kala baxnona ma jirto. Kitaabkii isku si uma fahamsanin, caqligiina isku si wax uma aragno.

    Waxaase jirta arin aad ka boodey oodan ka hadlin, waana mida kaliya oo hartey taasoo ah in tajaarubtiini dib loo qiimeeyo. Su,aasheydi waxey aheyd intaasoo dal ayaad murugo usoo jiideene, hal dal ood liibaan iyo baraare usoo jiideen ii sheeg. Waad ka gaabsatey, weliba way taagantahay su,aashaasi.

    Waxaad igu sheegtey inaan dacnun fiddin ku kacey. Dacnun fidiina waa gaalnimo. Sal fudeyd iyo takfiir aan laga fiirsan waa waxa leydinku nacey. Intaadan jazmin hallaa istafsarta? Maad i weydiisid waxaan ula jeedo? Arintaasi miyaa ah arin gasha xifaalo iyo goolka ka dhali oo kufrigu labadeena mid kuma noqonayo?

    Ilaahey xaqa hana fahamsiiyo

    wadaad yare | Sep 19, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo