Markab laga leeyahey dalka Gariiga ayaa maanta gacanta u galey kooxo ka tirsan Burcad Badeeda Soomaaliya kuwaas oo ka qabsadey meel ka yar baxsan Xeebta Soomaaliya.
Burcada ayaa Markabka ula dhaqaaqey dhanka Xeebaha Eyl ee Waqooyi Bari, halkaas oo sidoo kale ku heystaan tiro Maraakiib ah oo ay horey u qafaasheen Burcad Badeedu.
Markabka Gariiga ee Maanta la afduubey waxaa la socda 25 qof oo ka mid ah shaqaalaha marabka, kuwaas oo aan si rasmi ah loo cadeyn dalalka ay u kala dhasheen.
Markabka la afduubey ayaa u rarnaa dalka
Warar dheeraad ah la gama hayo burcadii afduubatey Markabka, iyo sidoo kale shaqaalihii la socdey oo ku aadan xaaladooda iyo halka ay sida rasmiga ah ugu sugan yihiin.
19 Bishan ayaa lagu wadey in markabka la afduubey uu ku xirto magaalada Dekeda leh ee Bambaaso ee dalka
Waa weerarkii 13 oo labadii Bilood ee ugu danbeeyay Burcad Badeeda Soomaaliyeed ka fuliyaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku beegsanayaan maraakiibta is ticmaasha xeebta Soomaaliya iyo tan Gacanka Cadmeed.

Related posts: