Gudiyadii Siyaasada iyo Amaanka oo Maanta Shirar Jabuti ku leh
By Somalimirror on 18 Sep, 2008 3:14 PM in Main, Wararka
Wareegii labaad ee Shirka Jabuti oo halkaa shaley dib uga furmey ayaa Maanta waxaa kulamo toos ah leh gudiyada loo kala xilsaarey arimaha Amaanka iyo Siyaasada, kuwaas oo lagu magacaabey kulankii horey isla Jabuti uga dhacey.
Gudiyada Siyaasada iyo Amaanka ayaa si aad ah u wada falan qeybnaya oo Shirar ka leh, ka gun gaarida howlihii loo xilsaarey, sida ku cad heshiiskii labada dhinac ee Isbaheysiga Garabka Jabuti iyo DKMG ah ku kala saxiixdeen kulankii hore ay ku yeeshay isla xarunta Dalka Jabuti ee Jabuti.
Gudiyaga Siyaasada ayaa arimaha uu shirkiisa Maanta iskula falan qeynayo waxaa ka mid ah, gacan siinta howlaha lagu doonayo in raashin lagu gaarsiiyo Dadka ku qaxey dagaaladi ka dhacey Soomaaliya.
Waxa sidoo kale ay ka hadlayaan, arimaha dib u heshiisiinta sidii loo sii xoojin lahaa, loogana sal gaari lahaa, waxa yaabaha lagu wado in ay isla meel dhigaan gudiga Siyaasadu waxaa sidoo kale ka mid ah dib u habeynta Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudiga Siyaasada ayaa sidoo kale Maanta laga yaabaa in ay ka wada doodaan, dib u Unkida ilaha Dhaqaale ee Wadanka.
Dhanka kale gudiga Amaanka ee labada dhinac ka kala socda ayaa dhankooda leh shirar ay ku falan qeynayaan dhowr qodob oo ka mid ah qodobadii dhawaan shirkii Jabuti ka dhacey lagu kala saxiixdey, kuwaas oo ah kuwa muranka ugu xoogani ka taagan yahey oo labada dhinacba isku mari la’yiiin.
Waxaana ka mid ah qodobada ay ka doodayaan, isku dhafka ciidamada labada dhinac, dib u dajinta ciidamada, ka bixinta ciidamada Itoobiya goobaha Rayidka ah ee ay degan yihiin, in fursad la siiyo ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya, iyo in ugu danbeys qodoban la isla garto in la wada saxiixo 19 Bishan oo ay ka bilaabaneyso xabad joojintu.
Galabta ayaa lagu wadaa in labada dhinac soo gebo gebeeyaan kulamadooda, wixii ka soo baxa oo Ducomenta ahna u gudbiyaan gudiga Shirka gacanta ku haya ee ka socda Beesha Caalamka.
Daabaco

Qodobka ah in ciidamada leysku dhafo, waa qodob aan kasoo maaxan maskax fiyow. Ciidamada leysku dhafayo ma mooryaanta bahalowdey oo dhagaraha kala qayb galey Itoobiyaankaa mise waa ciidan kale?
Tan kale ciidanka mujaahidiintaa miyaa waxaas laga dhaadhicin karaa?
Waan la yaabanahay raga Jabuuti jooga sida khiyaalkoodu uusan waasica u aheyn ee ay cadaadiska R/Galbeedka uun iney qanciyaan uu yahay wax qabadkoodu.
R/Galbeedka sidiisaba qofkii wax ka diida ayey wax u ogoladaan oo waa qoom quwada aaminsan. Tan kale qofka asiilkaa oo mabaadi,da leh iyo macdanka bulukaatigaa oo la fasakhi karo cadawgu wuu kala yaqaanaa.
War nimanyahow Jabuuti anagu waan idinla yaabnaye ilaahey ka cabsada oo umadaan labo cadaw ayaa isku celiyeye labadoodaba ha u jebinina, naftiinana eed haka gelina.
wadaad yare | Sep 18, 2008 | Reply
waa tanaazulalaad aan xadlahayn horaan usheegay kaliya meesha ugu danbaysa tanaazulkooda waa inaad mabda,aaga gabi ahaanba ka tagtaa iyo waliba caqiidadaada sida yaasir carafaat iyo aradadiisa uu hada kaabo mooryaanka uyahay abuu maazin sidaa awgeed shariifyada waxaa kudhacay ninba waa markiisee allow mus makulahelay adkaysta tanaazulaadka qaraar oo foosha xun meeshaadkufulinlahadeen ayaa larabaa koleey wuxuu noqonanayaa wax warqad ku qoran maxaa yeelay wadankii waxaa idikaga horeeya alshabaab iyo mujaahidiin aan gaalada waxba la,ahayn oo illaahay lawayn yahay subxaanu watacaalaa
abdalla | Sep 18, 2008 | Reply
Somalimirror.com waxay taageersan tahay garabka Sheekh Shariif sida ka muuqata qoraalada ay u buunbuuniyaan garabkiisa. Maxaa maanta looga waayey websitekan taageeridii uu taageeray afhayeenka rasmiga ah ee MMIS Abdiraxiim Ali Muudeey go’aankii lagu xiray Airportka Muqdisho.
Qowdhan | Sep 18, 2008 | Reply
waa arin fiican heshiis iyo xabad joojin lkn rag ayay dhibaysa oo ka guybana oo ku qarabanaya magac jihaad iyo mujahidiin oo ka been shegayo ala ha ka qabto umadiisa kuwa dadki qowracaya ma ku wasa nabad laga sugaa ilahay ayaa ka qaban doona umadiisa
cadow | Sep 18, 2008 | Reply
HORTA ANIGU DHOWR SUAAL AYAAN QABAA IN AY ISWEYDIIYAAN SOOMAALIDA MASKAXDOODA CAAFIMAADKA QABTO MARKA HORE : YEY MATALAAN C/RAMAAN C/SHAKUUR IYO SXBADIISA SHARIIF XASAN IYO SHEEKH SHARIIF WAQTIGAAN XAADIRKA AH?
GARAB CIIDAN HUBEYSAN MIYEEY LEE YIHIIN ISBAHEYSIGA JABUUTI WAQTIGAN XAADIRKA AH ?, HALKEYSA KU SUGAN YIHIIN OO AY KA DAGAALAMAAN CIIDANKAAS ?
FG; HADABA PLZ KU JAWAAB MASKAX CAAFIMAAD QABTO
WADANI | Sep 18, 2008 | Reply
Asalaamu calaykum
Waa warkii la sugayay in maleshiyada shariifyada mooryaanta fadaradu dhaqan celin u samayso kadibna ay ciidanka daba dhoon ka ah ku darto.
waa tabtii cabdiqaasim siduu dhabarka uga jebiyay maxaakimtii hore oo maleeshiyo uga dhigay kuwaana malez baa sulleeynaya.
waraabe yare wuxuu yiri waxaan la yaabanahay cidda ay wax u saxiixayaan ee ka yeeleysa sheekh waaba laga yeeley oo xabaddii mar hore ayay guruubkan joojiyeen raggii midaanka u joogayna jabuuti ayay fadhiyaan sida m suuleey iyo rag kale oo dhaqaalaha ayay wax ka doonteen in badanna gudaha ayay dhaqan celin kusugayaan laakiin warku waa cadyahay qofkii is dhagoolinayana maalmaha soo socda ayuu ogaan.
somali | Sep 18, 2008 | Reply
ASC
Weli sheekada iyo tanaasulatka madhowa, raggan waa inay saxiixan xuduudka cusub ee somaliya ay yeelan doonto marka ethiopia ay caasimada xamar si nabad ah ay ugu baxdo waa haddibe taas ay dhacdo. Laakin, waxaan hubaa ethiopia inay xabbad maahee baryo iyo tuugtin ku baxeynin. Ogaada walaalyaal ethiopia haddii ay ku baxdo waxa burcada Djibuti ugu yeeraan heshiis oon aniga aan ku magacaabayo qoraalkan is dhiibid waxaa meesha ka baxaysa in Somalia ay Shareecada Islamka isku xukunta. Waana wax aan marna la oggolaan karin. Waxaa naga sugaya waa dagaal dheer oo jihaad ah oon loo kala harin, haddii aan rabno inaan gaarno ujeedadeyni ahayd in Diinta Islaamka na hogaamiso. Kuwa Djibuti joogo waxa sugayaa waxa la yiraahdo Peace Treaty la mid ah kii Camp David looga saxiixday Anwar saadatkii Masar oo ah in Somaliya laga iiba Yahooda Caalamka oo burcada Djibuti u yaqaanan Beesha Caalamka. Laakin, alxamdulilaah burcada djibuti way kashifmeen, meel ay ka soo noqdaan ma joogan. Horena waan u sheegay in taangigii lagu keenay reer embagati ay ku iman doonan oo xabad lagu soo dhoweynayo insha allaah, hadday isku dayaan inay wadanka ku soo laabtaan iyagoo dabadhilif u ah yahooda caalamka. WSC
abu munsif | Sep 18, 2008 | Reply
asc wr horta maalinba waxbaad ogaanaysaa maanta waxaan ogaaday cida sida sax da ah ay u tageerto somalimirror.com kadib markii ay soo qori waayen warkii af hayeenka maxaakimta ee tageerayay walalahooda al shabaab ayna ula soo boodeen kii lagu dhaleecaynayay waxaana halkaa ka muuqda in aad ka qayb qaadanaysaan fikirka shiriifyada waxan idinleenahay ilaahay ka cabsada waalaydin weydiinayaa oo mujaahidiinta waxba haysku dilina umada hatusina weji qaldan shariifyada waa dhacay wakhtigoodii martadiintana waxa u hadhay inyar oo is daba raacin ah insha allah shariifyadana waa lagu dari iyaga iyo waxii la qaata waxa ay umada ugu yeedhayaan xasbunalaah wanicmal wakiil
haruun | Sep 18, 2008 | Reply
asc
walaalayaal runtii waxaa maalin walba soo baxaya sharaf xumada qolyahaan jabuuti jooga, fadiilatu alsheykh almujaahid xasan daahir aweys baa waxa uu yiri markii uu ka hadlayay nimankaan jabuuti laysugu geeyay in aynan isku heyn wax shaqsi ah ee ay isku hayaan QADIYAD laxariirta diinta iyo dalka iyo jiritaanka ummadaan.
anigu waxaan maqlay nimankaan jabuuti kuwo ka mid ah oo yiri WADAAD WARKII XILIGAAN MA SOCONAAYO oo macnaheedu yahay diin islaam ma soconayso iyo kitaab isku xukumidii ,marka runtii wax aad looga yaqyaqsado waxa ay sameynayaa GARABKA MACAANJECELKA AH ee magaca mujaahidiin ku soo caano maalay ,maantana doonaya in ay wax ku darsadaan nimankii alhidaaya culimadii ku layay yirio way is difaacayeen.
waxaan maqli jira SHIMBARAYAHOW HEESA waxa jabuuti lagu hayana waa heestaas iyo wax ka sii liita
waxaana dhab noqday sawirkii amin caamir uu ka sameeyay shariifka oo tvga doonaya in uu remote controlka ku joojiyo xabad saa cid uu saaka amar siin karo ma ay jirto
waxaan aniga iyo dad badan oo soomaaliyeed u arag naa in dadka jabuuti jooga ay ku jiraan dad qeyr aan ku naqaanay laakiin qaldamay walina qaladkii ku indho adag iyaga oo doonaya inay raali galiyaan BEESHA CAALAMKA=YUHUUDA IYO NASAARADA laakiin ALLAHA CAZIIZKA ah baanoo sheegay inaynan raali noqaneyn ilaa aan ka tagno waxaan aamin sanahay oo xaqa ah.
GABAGABO
WAR GARABKA MACAAN JECELKA AHOW OGAADA GEERIDUBA MARBAY NOLASHA DHAANTAAYEE , WAR ADINKOO XAQKU TAAGAN DHINTA INTAAD QIYAANO IYO JAAJUUSNIMO LA IDINKU TUHMI LAHAA WAA TII AHLUL XADIITHKA AY ORAN JIREEN QOFKII MEELXUN ISAGA OO TAAGAN LA ARKO YAANU DAGAALIN ILAA NAFTIISA MOOYEE , WAR LUGOOYADA UMMADA JOOJIYA , WAR MUJAAHIDIINTA AAD RAJEYNAYSAAN INAAD QOORTA ISU GELISAAN JOOJIYA, WAR TAN SHAQSIGA KA HOR MARIYA TAN GUUD, OGAADA QOFKII WANAAG SAMEEYA INAY ASAGA DANTIISA TAHAY KII XUMAAN SAMEEYANA IN AY ASAGA U DARAN TAHAY .
ILAAHOW MARQAATI KA AHOW
WALAAHU ACLAM WABILAAHI ALTOWFIIQ
WSC
XOG-OGAAL | Sep 19, 2008 | Reply