Fataawida Ramadaan (Q.9-aad)

Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo  Dr. Axmed X. C/Raxmaan.          

Su’aasha 24 aad:- Shiikhaw waxaa kawarantaa Salaada tahajudka bidco miyaa sida ay ku andacoodaan Suufiyada mise waa salaad mashruuc ah oo Nabigeena ka sugnaatay SWC ?
Su’aashaas iiga jawaab cimrigaag alle hadheereeye aakhirana janada eebe ha kuu sahlo.

  

Aljawaab:- Salaada tahajudku waa suno sugan nabiguna tukaday umadiisana u jideeyay.
Waxay ila tahay su’aashu in ay tahay taraawiixda hadii la tukaday tahajudkuna muxuu yahay?.
Sida la ogyahay tobanka danbe ee ramadaanka nabigu waa noolayn jiray sida ku cad axaadiista,marka in la tukado tahajud si jamaaci ah dhib malahan siiba qofka aan quraanka xifdisanayn,laakiin makaroofan iyo cod dheer hala joojiyo.

  

Su’aasha 25 aad:- Assalamu caleykum sheekh mahadi hakaa gaarte Waxan joga dal qurbo ah hal mar ayaa laga adimaa 20 daqiqo kadibna wa la’aqima sheekh cunisteyda iyo cabisteyda mawaxay ku egtahay adinkas ah kii hore iyo kidambe ayado tukashadu ay kadhintahay 20 daqiiqo? wabillahi towfiq wassalamu caleykum.w.w

2 anigo salada tarawixda jameecada latukanaya suurado amaba aayado aniga ii gaar ah hoos ma u aqrisan karaa mise imamka ayaan dhegeysa ? Jawabta ilah hakuwafajiyo w.w.w

  

Aljawaab:- Cibradu waa fajarka(goorta salaadu galayso(.
Waxaa jirta in maraakista Islaamku ee qurbada ay qaybiyaan gooraha waqtiyada,ayaga raac,hadii adinku uu ka horeeyo fajarka waa cuni karta hadii uu marka uu galo la adimo wax ma cuni kartid.
2-Imaamka dhagayso,oo adigu faataxada ka badan ha akhrin.

  

Su’aasha 26 aad:- Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuhu.
 Salaan ka dib khayr allaah ha siiyo sheekh Dr Axmed Xaaji iyo bahda somalimirror.com intaas ka dib.

Sheekh Su’asheydu waa salaada taraawiixda ama tahajudka quraan dheer baa lagu tukadaa anigana quraanka oo dhan ma xifdisani sidoo kalena tafsiir ahaan madawada aqaan marka meelaha aan gaarin ama aan aqoon marka la marayo inta badan salaada dhexdeeda waan ku yara caajisaa hurdona waan dareemaa laakiin waan roonahay marka la gaaro meelaha aan fahmi karo marka sheekhow marka aan caajiska dareemayo ma ka mid noqonayaa kuwa la yiri Weylul lil musaliin, aladiinahum can salaatihim saahuun .

 

 

Marka kale aan fahmayo ee aan ku khushuucayose see jaanis u leeyahay inaan ka mid noqdo kuwa la yiri * qad aflaxal mu’minuun* aladiinahum fii salatihim khaashicuun.?

  

Al jawaab:- waa run qofka Qur’aanka fahmahaya la mid ma’ahan kaan fahmayn, lakiin nafta la dirir oo xaadirso in aad alle hortaagantahay,Qur’aankuna macaan buu leeyahay hadii xataa aadan macnihiisa aqoon. 

  

Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:

   Somalimirror@Hotmail.ComSomalimirror@Gmail.Com        

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. Asalamu caleykum w.w. Mahadi haidinka gaarte Adinko raali ah bahda baramijkan soagasintay baramijku mawuxu ku’egyahay ramadanka kaliya mase wusoconaya bilaha kale wasalamu caleykum w.w.

    Cumar | Sep 19, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo