Ciidamada Booliiska DFKMG ah ee la shaqeeya gumeysiga itoobiya ayaa saaka isku fidiyay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir .
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay ka wadaan xaafadaha degmadaasi Baaritaan guri guri ah iyada oo ay dadka deegaankuna sheegeen in aysan garanayn sababta rasmiga ah ee ay ciidamadaasi u baarayaan xaafadahooda.
Lama sheegin illaa iyo hadda dad ay qafaasheen ciidamadaasi iyo qaar ay waxyeelo u geysteen sida looga bartay marka ay sidan oo kale Baaritaan ugula kacaan qeybo ka mid ah degmooyinka muqdisho.
Ciidamada Booliiiska DFKMG ah ee degmada Xamarweyn ayay dadka deegaanku uga barteen Dhac iyo Boob maalinle ah, waxayna ka cabsi qabaan in ay ciidamadaasi kula dhaqaaqaan dhac iyo Boob cusub.
Inta badan Baaritaanada ay ciidaamdu ka sameeyaan degmooyinka muqdisho ayay waxay shacabka soomaaliyeed ugu geystaan Tacadiyo kala duwan oo isugu jira Dhac,dilal iyo xarig.

Related posts: