Colka waraf ma lagu dayay? (W/Q: Sh. Bashiir Axmed Salaad)

Published on September 17, 2008 by   ·   47 Comments   ·   print

Dunidu waa imtixaan, sidaas ayaana ilaahay ugu talagay, waxa la isku imtixaana way tiro badan yihiin, waana kala jaad, ummadana waxaa ugu imtixaan badan kuwa ugu wanaagsan oo ugu fadliga badan.

Arinkaan waa waxa sababta u ah cadowga tirada badan oo maanta ay la hardamayso ummadda muslimka ah oo la oran karo: maanta meel u badqabta ma jirto, laakiin waxaa la hubaa in guusha ay leeyihiin muslimiintu, lagana rabo in ay la yimaadaan asbaabtii ay ku mudan lahaayeen yabooha Ilaahay, ugana bixi lahaayeen musiibada haysata, waayo, horaa loo yiri: fadhi iyo fuud yicib laysku waa, waxaa kaloo la yiri: xaglo laaban xoolo Kuma yimaadaan.

Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin ummadda muslinka ah oo imtixaanan, waxaana ku habsaday cadow soojireen ah,oo ugu soo gambaday kuwo ayaga ka mid ah,caalamkana ka helay taageero kala nooc ah, ayna ugu yar tahay in loogu roonaaday aamus.

Musiibadaan waa wax weyn ,waxayse kasii daraysaa haddii uu naga lumo habsami-u-fakarka loo baahan yahay xaaladahaan oo kale, si dhibaatada looga baxo.

Waqtiyada dhibaatada, maskaxdu si fiican uma shaqayso, taladuna iskuma toosto, dadka intooda roon, waxay aad ugu howshoodaan sidii dhibka looga bixi lahaa, waxaana laga yaabaa in ay ku soo koobaan wax yar oo ku salaysan aragti gaaban oo ay ka tan badisay musiibada taagan, ayadoo aan si fiican loogu daadagin waxa taagan, haba sheegin, in dib loo jalleeco wixii la soo maray, ama la odoroso mustaqbalka dhow ama dheer.

Imtixaanka musiibadu, ma aha ,oo kaliya in la kala ogaado qofka sabraya iyo qofka aan sabreen, ama kan ka baxaya iyo kan aan ka baxayn, balse waxaa ka mid ah in la tijaabiyo habka looga baxayo dhibaatada, sida xalka loo raadinayo, iyo wadada loo marayo, ma si shareecada waafaqsan baa, mase waa si kale?, waayo, waxaa jira dad shareecada ku dhaqma waqtiga caadiga ah, kana taga waqtiga dhibku jiro, ama si khaldan u isticmaala shareecada: la jiifiyaana banaan .

Mar haddii muslim la yahay, gaar ahaan lays xejinayo wadada salafka, waa in shareecada loo daayo in ay kala saarto sax iyo khaladka, laguna dheehin dareenkeena ama danteena, aadna looga taxadaro is-dhex-galka arimahaan oo badan, waqtiyada cilmigu yaraado, jahligu bato, fitnaduna aloosan tahay.

Dadka qaar ayaa u malaynaya hanuunku inuu yahay,oo kaliya in la sameeyo waxay ku amartay shareecado, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah: in loo sameeyo sidii ay kuu amartay ,waxaa kale oo ay u malaynayaan in baadidu ay ku kooban tahay dambiyda caanka ah, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah dambiyda diinta u eg.

Haddii dib loo eego taariikhda ummadihii naga horreeyay oo baadiyoobay, waxaa arkaysaa qaar laga raacay diintii oo ay ka tageen, waana yahuudda, iyo kuwo laga raacay camal-fal badan oo aan cilmi ku dhisnayn, waana kirishtaanka, oo u malayn jiray in wax kasta oo nafta dhibaa ay cibaado yihiin, Ilaahayna uu rabo .

Nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waa uu nooga digay wadada yahuudda iyo midda kirishtaanka, waayo waxay keenaysaa carada ilaahay iyo in laga baadiyoobo wadada toosan, sida ku cad tafsiirka suurat-ul-faatixah.

Runtii, waxaa jira dad jecel in ay cibaadadooda shakhsiga ah u fiiriyaan sunnada iyo wadadii salafka, wixii ay ka shakiyaana waydiinaya culimada, laakiin si aan ka-fiirsi badan lahayn ugu dhaqaaqaya cibaadooyinka khuseeya ummadda oo dhan, ayaga oo aan u fiirin sunnada ama siirada nabiga, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, Nabigu, sallallaahu calayhi wasallama, wuxuu la yimid shareeco dhammyastiran, waana uu ka howl galay dhammaan nolosha qaybaheeda kala du’wan, waana in looga daydaa waxa uu sameeyay iyo sida uu u sameeyay.

Ku-dayashada nabiga ,naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waxaa moodaa in lagu soo koobay qaybo ka mid ah diinta ,sida caqiidada iyo cibaadada, lana ilowsan yahay qayba kale oo muhiim ah, sida: habka ummad loo soo saaro, oo wax looga badalo iyo habka loo maamulo loolanka lugula jiro cadowga.

Labadaan masalo, ahmiyad gaar ah ayay noo leeyihiin, waayo, ummaddu waxay u baahan tahay soo-noolayn, kadib markay ka fogaatay diinta, caqiida ahaan iyo camal ahaan, taas oo dhaxal siisay nuxur la’aan iyo daad-xoor nimo baahsan, waana waxa keenay in cadowgu ka il-helo, kana guulaysto.

Ummaddu way jirran tahay, waxaana haya cudurka la yiraa(iimaan yaraan) waana cudurka dhalay dhammaan dhibaatooyinka aan ka cabanayno oo aan kala gaari la’nahay; sidaas awgeed, shaqada asaasiga ah waa la-tacaalidda cudurkaas si ummaddu u soo noolaato, ka dibna ay gudato xilalka badan oo sugaya, kana baxdo dulliga saaran.

Dad badan ayaa ku indha-sarcaada astaamaha ka muuqda bukaanka, kuna qalbi-fuqa taaha ka baxaya, kana il-duufa xaqiiqada jirta, una maleeya in wax kasta lagu daaweeyo asprin iyo kaar-jabiye, ayadoo loo baahan yahay qalliin halis ah.

Ummadda oo aan soo noolaan wax hagaagaya ma laha, kooxo yar yarna ummadda kaalinteeda ma gali karaan, xilkeedana lama wareegi karaan, haddii koox yar oo xul ah wax gaar ah la siinayo, ummadda la’aanteed, waxaa la siin lahaa nabi Muuse iyo nabi Haaruun,naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaatee, laakiin taasi ma dhicin , waxayna la duruuf ahaayeen dadkooda ilaa Rabbi oofsaday, waayo ummad la’aan ayaa haysatay, markiise ummaddu is-badashay oo xilkeeda garatay, way guulaysatay, inkasta oo uu hogaaminayay Nabi aan la darajo ahayn nabi Muuse, balse ahaa ardaygiisii la oran jiray Yuushac ibnu Nuun (calayhimissalaam), markawaxa la fiirinayaa waa ummadda ,ee ma aha qof ama koox; sidaas darteed, ha loo soo jeesto sidii loo daaweyn lahaa, loona noolayn lahaa ummadda, hana la ogaado in ay tahay howsha lama huraanka ah oo aan laga boodi Karin, oo yaan wax weyn la moodin la iskuna iloobin howlaha xanuun bi-inta iyo (kaalmaatiga).

Xanuun-bi’inta qudhigeedu waxay u baahan tahay cilmi iyo in la qiyaaso awooda jirku u leeyahay daawada iyo waxyaalaha ka dhalan kara, waayo, kufkufku waa batay, ummaduna xaq bay u leedahay in ay la xisaabtanto dadkii galiyay isku-dhacyadii badnaa ee aan waxba lagu dheefin, ayna u yaabka badneyd dhacdadii Nahr-ul-baarid iyo masjidkii casaa, iyo kuwa la midka ah.

Marka,colka maa lagu dayo: in ummadda la tacbo, oo la tashiilo dhiigeeda iyo dhaqaalaheeda,oo looga turo talaxumada soo noqnoqotay?.

Jahligu waa ceeb, waxaana ka mid ah adoo jaahil ka ah naftaada iyo cadawgaaga, kaana lunto qiyaastu, kuna kadsooma xamaasad aan xoog iyo xiilad midna lahayn, waana soo dhadhaminay mireheeda, marka colka maa lagu dayo: in laga faa’iidaysto taariikhda, lana fahmo cadowga, lana ogaado in Soomaaliya aysan lahayn buuraha Afgaanistaan oo kale, Pakistaana la daris ahayn, Bushtuuna daganayn, iyo in wax loo dirsado dadka cilmigeeda leh, ummaddana ay ka fariistaan kuwa fashilkooda la soo taabtay.

Waxaa la yiraa; caqligu ma aha midka mushkiladda looga baxo,ee waa midka looga hortago . Runtii waxaa moodaa in dadaal badan aan lagu bixin sidii dhibka la isaga ilaalin lahaa, oo uusan u dhaceen, balse, lagu kacay waxyaalo culayska kordhiya, cadawgana marmarsiyo siiya, isku-dhacana soo dadajiya, taasoo khilaafsan siirada iyo sunnada nabiga (sallallaahu calayhi wasallam), kana hor imaanaysa sida kownka ilaahay ugu talagalay, oo ah: in ay wax kasta tabartooda tillaabsadaan, geeluna uu laba jir soo wada maro. Marka maa colka lagu dayo in la yar yaraysto ka-hortagiisa, lana joojiyo cadowga caalamiga ah oo la kicinayo, ka dibna caruurta laga horgaynayo.

Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida u baahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo.

Waxaa jira jaah wareer badan, iyo su’aalo isasootaraya oo oranaya: maxaa socda? Yaase wada? waayo wadanku wuxuu noqday bahalo-galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan, si sumcadda looga dilo islaamka, marka, colka maa lagu dayo in wixii lillaahi wataa dhan isu raacaan, bareerahoodana dhiibtaan, waxa ay mas’uulka ka yihiina caddaystaan, wax aan ceeb lahayna ay ku midoobaan, si wixii laqdaba wada loo arko, waayo, Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa.

Muslimiintu waxay ku guulaystaan raaligalinta Ilaahay, waxayna ku xiran tahay ayadoo la raaco shareecadiisa, taasna waxaa xaqeeda leh oo xadidi kara culimada, marka, maa colka lagu dayo in Ilaahay loo soo noqdo, wax kastana lagu jaangooyo shareecada, ayadoo looga dambaynayo culimada, lana joojinayo gacan-dhaafka, si looga badbaado wadada uu tilmaamayo xadiiska oranaya: haddii arinka loo dhiibo dad aan mudnayn, saacaaddii qiyaame sug.

W/Q:

Sh. Bashiir Axmed Salaad



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (47)

  1. Abu-jacfar says:

    Masha-allah

    Allaha ku barakeeyo….shekheena sheekh bashiir ahow…..allaha kaa dhigo kii raaca wadadii nabigenii muxamed ahaa naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee…

  2. ibnu_saxwah says:

    A/c
    Bacda salaam ciid wanaagsan marka hore shiekh bashiiir iyo walililjamiicil ikhwah, waxaan leeyahay sheikh bashiir jizaakalahu khayran,waxaan dhaliilay rag cullimadda Reer Puntland kamid ahaa oo kahadlay Arimahan hadda soconaya ee islaamnimaddda laysaga saarayo rag badan ilaahay hortii ay qaadidoonaan dhiig muslimka ee lagu degdegayo welibana fatwadda lasaarayo,waxaan Cullimadda Reer puntland ku dhaliilay in waqtiga ay hadlayeen aanay munaasib ahayn loona baahna inay dhalinyarradda towjiihiyaan mar hore waxaanse maqlay rag badan oo leh waanu sheegnay waxaase nalagu yidhi Raali ahaada odayaal calaa kuli xaal.
    Waxaase ii muuqday maanta in waxay Cullimaddu Reer Puntland ka qaylinayeen ay durbaba soo baxday oo ah in lays walaalihii AmiirMuminiin ku sheegi jiray walaalaha qaarkood ay maanta isgaalaysiinayaan,laysuna sheeganayo rasaas Badar iyo waxaan sagaaro kabiiqin iyadoo kumaankun shuhadda ah aan ku waayay Jihaadka markaa (allaahumustacaan) meeyay ikhlaaskii aaway salaamatu sadrigii aaway in walaalkaa adigoo uhelaya walaalkaa sagaalwanaag uu leeayahay og inaad hal ceeb ah aad ugu cudurdaarwaysaa ood ku canbaaraysaa.
    ilaahayaw nasug ilaahayaw nahanuuni.
    waslaamu calaykum

  3. abuuaxmad says:

    Assalaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh
    kheyr Allaha siiyo wadaadku si wanaagsan buu noo tusaaleeyay, Allaha naga dhigo kuwa ka faa’iideysta, culimada iyo waxgaradka haddaan laga danbeyn taladeennu ma hagaageyso.
    kitaabka iyo sunnada in la raacaa waa waajib, laakiin qofka ku leh kitaabka ayaa saa na faraya, qof ahal u ah ma yahay arrinkaa oo isagu wax la soo bixi kara, culimana u qirtay cilmiga iyo fahamka.
    marka la hubsado in arrinka laga hadlayo sharcigu qabo, waxaa ku xigta ku dhaqaaqiddiisa awood ma loo leeyahay mise maya, awoodda la sheegahayaana waa midda anfac uga xasilayo muslimiinta, oo aan dhibka sii kordhinayn, haddii ay dhibka sii kordhinayso munkar ayuu ficilkaasu isu beddelaa.
    marka aad iska dhaafto wixii aadan awood u lahayn luguma dhihi karo sharcigi buu diiddan yahay ninkani, ku dhaqmi maayo shareecada, Allaah ka baqi maayo, iyo wixii la mid ah, oo qofku hadduu ka tago wax macruuf ah awood li’i darteed waa macduur, waxna lagama sheegi karo.
    arrintaa isbarbar dhigidda macruuf iyo munkar , ama macruuf laga tegay mafsadda ka weyn oo ka dhalanaysa darteed, ama munkar lugu dhacay daruura darteed iyo si aan loogu dhicin mid ka weyn, kala dhigdhigidda arrimahaas waxaad ugu noqotaan risaalada amar bilmacruuf wanahyu canilmunkar oo uu ibnutaymiyah leeyahay, gaar ahaan tan kitaabkiisa alistiqaama ku dhex jirta.
    marka ninka yiraahda american iyo yurub waqtigi aan la dagaallami lahayn ma joogno, oo teenni baan tabar u la’nahay. ninki tiisa daryeelaa tu kalana ku dara, ninkaasi been ma sheegin. haddii aannan annagu runta isu sheeginna been baan kala gadaynaa, dadkeenna iyo dalkeennana cadaw ayaan u loogaynaa, diin iyo duunyana waan gebeynaa.
    carabtu waxay ku maahmaahaan walaalkaa waa kan runta kuu sheega ee ma ahan kan wax walba kugu raaca oo kuu rumeeya.
    muslimiintu waxay soo mareen mar aanay tabar lahayn oo aan jihaad ba loo oggolayn, oo uu rasuulku sallallaahu calayhi wa sallama dhihi jiray la iima idmin, aayaddi
    suurtul nisaa’ana ay ka hadashay

    ?????? ???? ????? ????????? ????? ?????? ??????? ???????????? ??????????? ?????????? ???????? ?????????? ???????? ?????? ?????????? ?????????? ????? ??????? ???????? ?????????? ???????? ?????????? ??????? ???? ??????? ???????? ????????? ???????? ???? ???????? ????????? ?????????? ??????? ???????????? ????? ?????? ??????? ???? ??????? ?????????? ??????? ????????????? ?????? ?????? ??????? ????? ??????????? ???????

    marki xigayna waxaa loo oggolaaday inay la dagaallamaan kuwa dulmiya oo ku soo xadgudba, marki la sii xoogaystayna waxaa la faray inay gaaloo dhan diinka u bandhigaan, kuwii yeela waa sidii Alle iyo muslimkuba jeclaa, kuwii diidana waxaa la leeyahay jizyo bixiya haddii ay oggolaaadaan la taaban maayo, oo maamulka islaamka ayay soo hoosgelayaan, haddii ay jizya diidaanna waa lala dagaallamayaa, illeen xaqi bay ka hortaagan yihiin dadkoodu inay arkaan.
    Waxa jihaadka loo jideeyay ma ahan in dadka qasab diinta lugu geliyo, oo nin la qasbay wax uu kuu faa’iideynaayo ma lahan, isna faa’ideysan maayo oo alle iimaan qalbiga u daadegsan uun buu aqbalaa.
    Haddii uu ku yimaado muslimiinta waqti aanay tabar heynin oo duruufo jira darteed gaaladi naga awoodda rooneyd ee reer galbeedka aanay axkaamtaa ku fulin Karin, ma waxaa u furan (??????? ???????????? ??????????? ?????????? ???????? ??????????) mise inay yiraahdaan inta gabari naga nooshahay waan dagaallamaynaa, immannasru waimmashahaada.
    Aaway aayaddi Allaah yiri (?? ???? ???? ???? ??? ?????) afar aayadood oo kale ayaa jira oo la macna ah lafdigana u dhow, fuqahada islaamkuna iskuma khilaafsana in wax kasta oo nalagu kallifay awood loo shardiyo. Haddii jihaad laga hadlayana awooddu waa inay tahay mid raja wayn laga qabo ribix in lugu helo, ra’sumaalkuna kuu badqabo, calankaaduna muuqdo, waxaad u dagaallameysana la yaqaan, ummad tala lehna ay jirtaa oo nabad iyo dagaalba qaadan karta iyagoon dad masaakiin ah dhib u soo jiidin.
    Haddii aad u fiirsato dagaalki rasuulka sallallaahu calayhi wasallama iyo saxaabada iyo midki ay dowladaha islaamka ah ee xoogga lihi wadi jireen waxaad arkeysaa in uu dagaal cad ahaa oo ujeeddadiisa qof walba og yahay, kan lala diriryo iyo kan diriraya labaduba arrinku u cad yahay meel uu ku joogsadana leh marka la gaaro, oo aan jaantaa rogan ahayn qof walba wuxuu doono iska samaynayo, oo aad uu uga xanaaqay rasuulku sallallaahu calayhi wasallama usaama oo uu aad u jeclaa markii uu dilay nin ashahaatay marki seefta la dul hareeyay. Waana kan lafdigi saxiixu muslimka, bal u fiirsada
    ????? ???? ???? ??? ???? ???? ???? ?? ???? ?????? ??????? ?? ????? ?????? ???? ???? ?? ??? ??? ???? ?????? ???? ?? ???? ?? ??? ?????? ????? ??? ???? ???? ???? ???? ???? ???? ??? ???? ???? ???? ???? ?? ??? ??? ???? ?????? ??? ??? ?? ???? ???? ???? ????? ???? ?? ?????? ??? ???? ???? ?? ???? ??? ???? ?????? ?? ?? ??? ??? ?????? ??? ??? ????? ??? ????? ????? ??? ???? ??? ???? ????? ?? ???? ????? ??? ????? ?? ?????? ???? ????? ??? ??? ??? ??? ??? ???? ” ???????? ??? ?? ???? ???? ????? ????? ??? ??? ” ???? ??? ?? ?????? ??? ?? ???? ???? ???? ??????? ?????? ?? ??????? ??? ???? ????
    Sheekha maqaalka qoray waa uu asiibay markuu yiri: {lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn }.
    Sido kale markuu yiri: {Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa.}
    Wassalaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

  4. XOG -OGAAL says:

    Assalama Alaykum Wr wb

    Ciid mubaarak ,, Wakula caam Wa antum Bikhayr

    Mahad alle ayaa iska leh ,,,

    Waa hubaa, waana loo baahanaa, waana La sugayey in Culimaddu hadasho ,, sababtoo ah ,, haddii Xamaas iyo cilmi daro isku keen raacdo waxaan soo tabaneynaa ,,,, DERBIGA.

    Sh bashiir allaha barakeeyo ,,, Cimrigisana Allaha dheereyo ,, aamin ,, waxaan ka codsanaa in aysan Amuurtu ku ekaan qoraal ee Ficilka aan u baddano sababtoo ah Wadankii sidda uu sheegaybba waa BAHALO GALEEN. Qof kastana sida uu jecel yahey ayuu wax u TAFSIIRATAA .. Marka culimadeennu in ay hadlaan ,,, XAQANA CADEEYAN ,, waxaa ku jira ,, MASLAXADA UMMADA IYO WADANKA .

    Walaalaha Culimada tuhmaya nna ,, waxaan dhihi lahaa “ ALLE KA CABSADDA ,, XAQANA EHELKISA ,, U DAAYA ”….HILIBKA CULIMADUNA WAA SUN .

    Kheyrka alaha na waafajiyo ,, xaqana allaha nagu dilo CULIMADANA ALLAHA GUULEEYO ,,,,, aamin ,, aamin
    Mahadsanidiin

  5. khayr doon says:

    baarakaalaahu fiik yaa shiikh bashiir tawjiiha iyo wax cadaynta cilimiga ku dhisan run ahaantii waa waqtigeedii
    waxaana oran lahaa culimaduha badiso cadaynta hala qaato ama yaan la qaadan, wax i cajabiyay waa dhacdooyin xanuunka badan oo muslimiinta lagu wareeriyay oo hadana aan waxba ka naasa cadaan ee khulas ay saxwadu tarbiyaysay ku tagaan sida nahrul baarid , masjidu axmar, bandiiradlay iyo kuwa la midka ah nas,allu laha salaam waxa la gaaray waqtigii arinka loo dayn lahaa ehelkeeda ee muslimiinay ma yeelnaa oo culimada ma udaynaa arinkeeda mas,lahan ma daba dhignaa

  6. Deeq says:

    Asc sheekh bashiir,aqoon kuuma lihi balse raga halkan ku qoray tacliiqa ayaan ka maqlay inaad r.puntland tahay intaa ka dib alle adoomadiisa wuxuu u imtixaanaa inuu cadeeyo kan iimaankiisu rumta yahay iyo kan beenta ka sheegayo mujaahidka dhufayska ka jira xamar iyo qaacidka boosaaso xaaskiisa hoosta kaga jira keebaa imtixaankii ku guulaystay? keebaase shareecada ku dhaqmay xiliga caadiga ah kana tagay xiliga dhibku jiro? koox yar haday u istaagtay umada badbaadadeeda maa la raaco maxaa loo xaqiri mise muraad aanan joogin aqbal ma ahan weeye warkaagu sheekhow isku dhaq kasto oo dhexmaro xaq iyo baadil 2wax ayaa laga dheefaa nasri ama shahaado taasna waa jawaabtii isku dhacyadii badnaa oon wax laga dheefin,waxaa lagu kacay wax cadawga marmarsiiyo siiyo waxuu hadalkaasi u dhacayaa inaad cadawgii soo duulay aad xaal siinaysid ha la joojiyo cadawga caalamka oo la kicinayo waa hadaladii wadaad yare oo kale horaan ooga jawaabnay caruurta cadawga laga horgaynayo ka mid ma ahan mujaahidiinta nin aan qaangaar ahayn taasina waa been cad gaalaysiinta la iska gamayo embagathi inay murtadiin yihiin shariif c.nuur iyo sg.cumar faaruuq afkooda ayaan ka haynaa gumaadka dadka muslimiinta ah waxa geesta waa gaalada soo duushay hadaad cidkale hayso soo cadee? qof masjid kasoo baxay oo gaal la yirina soo cadee cida tiri iyo cida lagu yiri hadii sida loo kala cilmi badan yahay loo kala wadaadsan yahay ina guuleed kaarshe ayaa sidaa wadaad ku noqon lahaa waxaan kusoo gabagabaynayaa wadaad been ma sheegow ee wadaadadu beenta ha iska ilaaliyaan

  7. asad says:

    waxaan lee yahay asalaamu caleykum walaalaha meesha wax ku qora ama ku tacliiqiyay iy sh bashiirba waxaana wanaagsaneyd Maqaalkaan inuu ahaado Bayaan ka soo Baxay Jameecada uu amiirka Sheekha u yahay,waa Alictisaam, waxaa wanaagsanaan laheyd inuu Sheekha Jame cadiisa ku waaniyo in aysan maalinba meel cidla ah ku kala tagin, waxaa wanaagsanaan laheyd in Jameecada Al Ictisaam dhalinyarada ah lagu waaniyo in ay iska ilaaliyaan fekerka Takfiiriga oo kusoo dhex badanaayo gaar ahaan kuwa jooga yurub, waxaa ku wanaansanaan laheyd Alictisaan in ay maqlaan warka madaxdooda kana digtoonaadaan Caadifada iyo in ay dhacdadii timaado kukala tagaan maadaama dadka kala feker duwan yihiin badanaa
    Hadii Cualimada Al ictisaan gaar ahaan kuwa Cilmiga leh ee jooga Bari iyo Waqooyi hadli lahaayeen oo ay dhibaatada socotaa ka aamusin waa wanaagsaan lahey, waxaa looga fadhiyaa in Muslimiinta guud ahaan gaar ahaa Jameedooda toosiyaan waatan u sababta in ay xoogeysato kooxaga takfiiriyaanta oo badanaa shaaka la gashada

  8. Deeq says:

    Asc sheekh bashiir,waxaan ku xasuusinayaa hada ka dib hadaad hadal qoraysid ku bilow iftitaax islaami ah sida sunada ah alle mahdi rasuulkana s.c.w. ku sali anaga caamada ah kama tagno asc,waxaad ku guulaysatay sheekhii iigu horeeyey oo diin ka hadlayo iftitaax islaami ah la,aantiis waxaadna hadalkaagii ku bilowday dunida,tan kale waxaad hoos ku xustay magacyadii khulufaa,u raashidiinta mana aanad raacin radiyalahu canhum, allow ceebtanada astur oo meel facshir ah hanagu kashifin tan 3aad ee aan ilaaway inaan kaaga jawaabo waa hadalkaagii ahaa wadanku wuxuu noqday bahalo galeen gacmo badan ka adeeganayaan si sumcada looga dilo islaamka,walaahi hadalkaasi wax la cafin karo ma ahan wuxuuna la mid yahay hadaladii cadawga islaamku aynagu dhihi jireen sida jandray frazer iyo dived shinn ayagaa afkooda aan afkooda ka haynaa waxaan ka cabsanaynaa in soomaaliya ay noqoto bahala galeen,cajiib!!! maxaa wadaad iyo gaal isku af ka dhigay? sow la yaab ma ahan!!! sh. mukhtaar roobow xafidahulah wuxuu yiri goormay wadaad iyo frazer isku mawqif noqdeen? xiligii ay kala jabeen dib u xoraynta ayna lahayd waxaan taageersanahay garabka jabuuti,walaahi intaan noolahay inaanan ogolaanaynin in been abuur iyo parapagando iyo buhtaan lasoo alifay in lagu wasakheeyo mujaahidiinta sharafkooda waligiinba nagu soo gala magac sheekh iyo wadaad waxaa aan ku kala baxayno waa miizaanka alle alkitaab wal sunnah

  9. adden says:

    acww

    waxaan salaamayaa dhamaan ahlu khayrka

    waxaan leeyahay walaalayaalow ayno ogaano godka laynooqoday ee cadawga islaamku noodhigay!!

    taas oo ah in shabaabka iyo shuyuukhda lakalajaro, si ay u sahlanaato in shacabka iyo mujaahidiinta loo kalajaro.
    arintaasi waa khido cadawgu aad ugu dadaalayo guulabadana uu kugaaray waxay ku isticmaaleen sacuudiga markii shabaabku kahoryimaadeen ciidankii maraykanka ee sacuudiga soogalay culimadii waawaynayd waxay lamowqif noqdeen xukuumada kadibna waxaa laxirxiray ragii kale eeshabaabka matalayay arintaasna gaaladu mudo dheer bay kasooshaqaynayeen in lakalareebo labadaas qolo.
    waxaan kutalinayaa in aan culimada dowrkeeda siino ayaguna ay dowrkooda kamuuqdaan ee aanay iska xiltirin xaalada adag ee umadu marayso
    culimadii salafiyiintu badan koodii waxay joogaan somali land iyo puntland waxaanad moodaa lisaanu xaalkoodu in uu leeyahay waxa soomaliya kadhacayo namakhuseeyaan haday saas dhahaan su aashu waxaytahay yay culumo uyihaan???????

    shabaabka waxaan leeyahay ogaada hadaynaan hasan shacan idintaageersan oo raali ka ah shaqada socota way adkaanaysaa in jihaadku u socdo sidatan wanaagsn culimaduna waxay ugu horeeyaan dadka shacabku dhagaystaan khaasatan 2 gobol marka yaysan idin kahoosbixin.

    Culimada waxaan leeyahay doowrka shabaabku ay qaateen waa wax ilaahay loogu mahadiyo in cadowgii aduunka daafihiisa iska sookaasha day aymaanta quus kajoogaan soomaaliya iskunaraacsan yihiin in aan awood waxloogaqaban karin laraadsho xeeladkale oo ah aan dhexdooda kalagayno iyaga iskudirno kalafogayno halkaas ay nafkaraadinayaan
    hadii ayna shabaabku jihaadi lahayn maxaad kafilaysaan maanta soomaaliya in ay kusugnaanlahayd
    waxaan isleeyahay maanta waxaa sharaxnaanlahaa masiixiyiin soomaali ah oo doonaya in xukunka qabtaan
    tan ah shabaabku in ay waxbadan gafayaan layaab maylaha ee waxay ubaahan tahay in hawshana lalaqabto si naseexo lehna loosaxo ee nikii godkujira cadawgiina ay ishayaan hadaad kalimaad lid ku ah warbaahinta udhiibto wuxuu kuu arkayaa in aad khudlaan kusamaysay ee aadan naasix ahayn.
    waxaan kusoo gabagabynayaa waxaaxalku kujiraa guushuna kujirtaa takaamul iyo qolowalba in ay ogaato qoladakale in loobaahan yahay laysna kaashado khaladaadka yaryar ee dhacayana laga hormariyo wanaaga badan ee wadaadada dhamaantood leeyihiin .

    ilahayow nawaafaji cadowga khidadkiisana fashili

    aamiin….

    wcww

  10. xerow says:

    assalaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh, deeqow waxaad tiri:{walaahi intaan noolahay inaanan ogolaanaynin in been abuur iyo parapagando iyo buhtaan lasoo alifay in lagu wasakheeyo mujaahidiinta sharafkooda waligiinba nagu soo gala magac sheekh iyo wadaad waxaa aan ku kala baxayno waa miizaanka alle alkitaab wal sunnah
    }, waa arrin sharci ah Allaahna loogu dhowaado in aan la oggolaan been abuur, waxaadse ii saamaxdaa inaan ku weydiiyo haddii aad noo heyso codki sheekh shariif cabdinnuur oo leh kooxda imapagaati waa gaalo, bal linkigaas noo soo gudbi.

  11. somali says:

    Asalaamu calaykum wr
    Bacda salaan sheekhu wax cusub ma keenin kaliya manhajkii fulaynimada,adduunyo jacaylka iyo nacaybka geerida ayuu soo daacay.

    Runti waxa uu mesha kusoo qorey,horey ayaa kuwa ka miizaan culus isku dayeen in ay manhajkaan cabsida iyo aduunyo jacaylku ku dheehanyahay ay meel mariyaan laakiin waxaa lagu bur buriyay bil xujati walbayaan,wuxuuna noqday mid aan meel gaarin.

    wadaadka hadalkiisa mid mid ayaan u kor istaagi lahaa laakiin meeshaan sida aynu ognahay waxaa leh sheekha iyo raggiisa wax fikirkooda kasoo hor jeedana waa la tir tiraa marka lama naqdin karo ee faleembahaas inaad qaadato uun weeye.

    laakiin in aan meel meel taabto ayaan rabaa anoo xaqiiqada ku fogaanayn si lay block garayn.

    midda kowaad ee uu yri sheekhu muslimka wa la imtixaanaa si loo kala saaro kee run sheegaya iyo kan beenta sheegaya si sax ah ugama jawaabin maxaa yeeley wuu garanayaa cidda sidii ibn ubey macrakada cadwga lagula jiro safka ka baxday imtixaan kana ku dhacday guryahoodina faraystay
    allaahna wuxuu yiri isagoo kuwaas k hadlay

    ((?? ?? ?????? ?????? ?? ????? ?? ????? ?? ????? ???? ?? ?????? ??? ?????).

    Allaah na in badan wuxuu noo sheegey in muslimiinta dhabtaa la imtixaanayo si loo kala saaro beenalaha iyo kan runta ay ka tahay waxaana laysku kala saaraa jihaadka lays kuma kala saaro kee cilmi badi,masaajidda uu la buuxsho madaarista oo la buuxsho,hay ado samafal oo la sameeyo kutub la qoro meel la war wareego oo muxaadaraat lagu qabto,ee waxa layku kala saaraa yaa cadawga la jihaada oo naftiisa u bixiya difaaca diinta.
    allaah subxaanahu watacalaa wuxuu yiri:

    (
    ??? ????? (??? ? ???? ????? ?? ?????? ?? ?????? ???? ??? ?? ?????? ? ???? ???? ????? ?? ????? ??????? ???? ????? ????? ??????? ???????? )

    sidoo kale
    ???? ????? (????????? ??? ???? ????????? ???? ????????? ????? ???????) ?

    sidoo kale
    ???? ????? (?? ????? ?? ?????? ????? ???? ???? ???? ????? ?????? ???? ????? ????????)

    Mida uu ku darsaday ee ah qaabka aad uga baxayso,waa sax qofna waa sugnaadaa oo cadawga allaah ayuu la jihaada midna waa biiqaa oo cabsadaa markaas ayuu macrakada ka caraa kuna dhacaa imtixankii.
    marka haddaynu hadda fiirinno imtixaanka muslimiinta haysta khaasatan wadaadaha billaahi calaykumkee imtixaanka ku dhacay mujaahidka dhufayska ku jira ee cadawga soo duuley hor taagan ee xabadda ku ridaya habeen iyo maalinna u taagan sidii cadawgaas loo jabin lahaa ee dhulka muslimiinta looga saari lahaa,iyo ninka boosaaso ama dibadda u carray ee hoos fadhiya xukunka daaghuutktiga cadde muuse xaaskiisana la jiifa markii uu soo dheragana intuu soo baxo mujaahidiinta afla gaadeynaya,maalakum kayfa taxkumuun.

    midda uu yiri muslimiintu waxay soo mareen waqti jihaadka loo diiday cahd makki.
    warkaan wadaadka iyo dariiqadiisa waxaa uga horeeyey laba qolo,qolo waxay ahayd zanaadiqah,mustashriqiin(gaalo diinta islaamka baratay oo daraasaysay muslimiinta)waxay muslimiinta ka dhaadhiciyeen inay dhahaan jihaad maba jiro waxaynu ku jirnaa cahd makki laakiin culimadii rabaaniyiinta ahaa arintaas gaashaanka ayay u daruureen waxayna kula dgaalameen bi sayfi wa sinaan,kadib waxa arintaas dhaxlay nimanka tanaazulay ikhwanulmuslimiin ee maanta loo yaqaan Al-islaax wixii ka dnabeeyey 1965 tii ayay la yimaadeen sheekadaan raqiiska ah ee ah cahd makki ayaan ku jirnaa iyagana daaifah mansuurah markasta wa jooktaa iyaga kusoo baxay markaas uu yimaado mid umadda ka marin hababinayaa jidkii nabiga scw waxaa kusoo baxa jund min junuudillaah,maantana warkii waxaan ka amqlaynaa dad sheeganya inay yihiin salafiyiin.
    waxaan shub hadaa uga jawaabaynaa,way jirtaywaqti jihaadka loo diiday muslimiinta (kufuu aydiyakum wa aqiimu salaah)laakiin yaa sheekh waxaa ka danbeeyey (udina liladiina yuqaatiluuna bi anahum dulimuu)
    waxaan leenahay waqtigaas jihaadba lama jidayn sida soom iyo xaj ba loo jidayn,laakiin markii la jideeyey kadib ninkii diida ee ankira wa kaafir.
    haddii aad dhehdaan cahd makki ayaan ku jirnaa waxaa ka dhalanaysa,in aan la soomin,la xajin,zako la bixin,ribada la cuno,gabdhuhu ay xijaaban khamriga la cabbo waxaas oo dhan waa axkaam gadaal ka timi,haddaad dhehdaan maya intaas hala sameeyo laakiin jihaadka halaga reebo( ( ??????? ???? ?????? ??????? ???? )

    waxaan aad ula yaabaa ictisaam waxa ay ku haystaan Islaax iyo salafiya jadiida.
    inta ay ku haystaan iyaguba waa ku jiraan wax kale maahan illaa sheekadii fircoon(maa uriikum illaa maa araa)waxa ay iyagu wadin waa baadil waa caqli darro wa cilmi yari.
    islaaax waxay ku haysteen in ay ka qayb galeen baarlamaano shirkiyyah iyo xukm dawaaqiit.
    haddana iyagaa ku dhex jira sida sacuudiga,ciraaq,iyo kan cadde muuse cabdullaahi yusufna way gali lahaayeen laakiin isagaa jaanis siinayn oo ka hor taagan.

    kollay warkayga wa tir tireysaan reer beendhigow laakiin maqalkan oo aan si faahfaahsan uga jawaabo waxaad ka akhrisan doontaan websiteyada islaamiga ah ee kale sida alqimmah.
    amaa tuhumka mujaahidiinta lagu tuhmayo inay muslimiinta laayaan taas waa khaainnimo cad oo cadaw ka danbeeyo,waana warkii bush Allaah ayaana uga dacwoonaynaa.
    ??? ??????«?????? ?????? ????»
    waxaan leeyahay alqaafilatu tasiir wal kilaabu tanbax walllaahay jihaadka inaadaan qoraal iyo cajilado aad iska duubtaan aydaan ku joojin karin,haddii aad.

    wsc

  12. ABSAMAAWI says:

    ILAAHAY BAA MAHAD IS KALEH, NNKH NABI MUXAMED.

    TO:SOMALI
    Waxaa halkan iiga muuqda inaad waxii la idinka naseexaynayay aadba ka hadlin.ujeedada hadalka sheekhana aad uwareejinaysid meel kale waxaadna hadaladaada ku bilowday “Bacda salaan sheekhu wax cusub ma keenin kaliya manhajkii fulaynimada,adduunyo jacaylka iyo nacaybka geerida ayuu soo daacay” waa wax runtii aad loog xumaado inuu qof muslim ah kahadlo isagoo raba inuu unaseexeeyo walaalkis muslamka ah.

    Waxaan dhamaan dadka walaalaha ee meeshan wax kuqoraya kula dar-darmaayaa inay iska ilaaliyaan waxa ay qorayaan,ilaahay uga baqaan maalinta wax kastao ay ku hadleen lasoo saari doono.

    Tan kale hadaan usoo noqda hadalka sheekha, sheekha waxuu ka hadlay fikirka jamaacada uu amiirka u yahay AL-ICTISAAM, Jamaacadaas oo khayr badan ummadda usoo qabatay,ilaahay haka ajir siiyee.waxaan sheekha iyo ragga ay isku xarakada yihin waydiin lahaa su’aashan.

    Maxaad isugu dayi wayden inaad dhalinyarada lamidowdaan ama garabyada kale ee jihaadka wada marka lagu daro garabkiina JABISO ?

    Waxaan rajeynayaa in ilaahay midnimo keeno

    ############ midnimoy lagu day-day############

  13. Omar says:

    Waxa shabaabka wadaan waa jahawareer, iyo diinta oo si sadxi ah lo fasiro iyo ururro caalami ah oo lasiiyo mudnaanta iyo waxaan tabar loo lahayn. Sheekh Bashiir aad buu u mahadsan yahay waana xikmo wuxuu ku hadlay, rag baase jira ah laa ardan qadhaca walaa dahran abqaa, isna dhigay kilgood booskii muslimiinta iyo imaamkooda ama nabigooda o aan isku arag koox uun muslimiinta soomaliya ka mid ah. Markii ururkuu Itixaad hubka dhigay laba oday iyo dhaallin xamaasaysan oo oo taladii ururka diidday ayaa dhalay shabaab iyo in buuraha afgan lagu xirmo,. Dagaalkoodu aqoon iyo awooddii loo baahnaa midna kuma qotomo, dhibka iyo danbiga ka dhalan kara dad muslim ah oo la gaalasyiyo ama la dilo ama cadaw aadan ka celin karin loo loogana ma fahmayaan. Sidoo kuwii Masar iyo Aljeeriya markii la baaba’o inay dhahaan bil khibra ayaan kusoo aragnay inaysan shaqaynayn oo kasoo laabtaanna ma xumo waase wax waqti danbe la sugayo oo la jabay, haddii koox cusub istijaabinayso caqdigii la joogana waa xanuun waana in shacabka iyo culimadu la xisaabtamaan dadkan.

  14. carab says:

    asslaamu caleykum dhammaan akhyaarta.
    walaalaha waxaan u soo jeedin lahaa tacliiqa ay qorayaan inuu ku salaysnaado waxa sheekh bashiir ka hadlay maxaa yeelay waxa la tacliiqinayaa waa maqaalka uu soo daabacay, waa wax fool xun in qofku fikrad aan meeshab oollin iskaga hadlo ama tuhmo iyo is cajabin wixiisaba ku soo koobo.
    sheekh bashiir khayr alle ha siiyee waa caalim la yaqaan oo phd ku diyaarinaya siyaasada sharciga waxa uu ka hadlayna waa takhsuskiisii in isaga iyoi culimada kale ee diinta qoonta u leh lagu ixtiraamana xaq bay u leeyihiin.
    aad bay u foolxuntahay in caalimka aan la eegin cilmiga uu sheegay ee laga billaabo waa reerkee? sheekhu ma aha reer puntland boosaasona ma daggana haddii ay macno idiin samaynaysana sheekhu mudug buu ku dhashay waana reer cadaado.
    sheekhu cidna ma jaai’ifayn urur ama qofna ma magac dhabin dadka talada uu soo jeediyay ka hadlayana ha ku daydeen usluubkiisa xakiimka ah.
    somalimirror waxaan kula talin lahaa inayna faafin qoraalada aan ilaalinaynin aadaabta xiwaarka haddey doonaan ha dheheen waa nala cadaadiyaye, si dadku u barto edabta xiwaarka cantara baqashkana loo joojiyo.

  15. Maxamed Yare says:

    Sheekha Ilaahay khayr ha siiyo. Hana ku sugo jidka toosan. Intaas dabadeed; waxa cad in sheekhu si qurux badan oo aan caadsaarnayn u soo bandhigay siyaasadda u qarsoonayd jamaacadiisa ee ku aaddan xaaladaha umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ta ka aloosan hadda koonfurta Soomaalia. Waxan u malaynayaa in dad badan indhuhu u furmi doonaan, oo taageerayaal horlena uu ku heli doono, qaar lafdhabarta ururkiisa ahaana ku waayi doono.
    Haddiiba aan sheekha ka ag dhawaan lahaa waxa aan waydiin lahaa su´aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:
    1. In umadda la dhiso iyo in muwaajahada cadow aan tamar loo ahayn loo xeeladaystaaba waa arrin mudane, Haddiiba cadowgii soo gudbay oo markii uu kaartadiisii soo dhammaystay uu kuugu yimid guradii gurigaaga, oo aanad sina uga gabban karine, uu hadda kaa dalbanayo “fidnoobid” ama cadaab; sideed xal u aragtaa: Ma in gacmaha la taagto oo dadka lagu waaniyo:” ???? ??????”, taas oo aan lagaaga tahayn. Mise waan qaxnaa oo dadkii iyo gaalada ayaan u kala tagnaa si ay u fidneeyaan dadka, oo waxa aan door bidnaa in aad dadka darteen dhibaato adduun u soo gaadhin? Mise itaalkeen ayaan dirirnaa ilaa inta Rabbi ina kala xukminayo?

    2- Sheekhu maxuu ka aaminsanyahay kooxda Imbigaati? Si loogu tudho umadda; ma lala fadhiisan karaa oo xal ma lala gaadhi karaa. Xiitaa iyadoo cadowgu dhulka haysto ma lala shiri karaa si dadka dhibtu uuga yaraato oo xabashida loo saaro oo marka dambena ay dawlad Soomaaliyeed daalimad ba ha ahaatee iska jirto?

    3- Muxuu sheekhu ka qabaa ciidamada qaramada midoobay, haddii innaga oo aan dooran ayba iska yimaaddaan, si aan dadkeena dhibka adduunyo uga yaraynno ma iska dhaafnaa, xabashiduna markaas sidaas ayey ku bixi doontaaye?

    4. Maraykanka iyo Europe waa inaga xoog badan yihiin oo dagaalkoodu waa weyn yahay oo waa “qowm jabbaariin ahe”, haddiiba ay ina soo doontaa ay dhulkeena yimaaddaan oo ay maxmiyad inaga dhigayaan ama itoobiya inoo dhiibayaan, laakiin xasilooni iyo nabad gelyo la rajayn karo haddii aan la qashqashin oo aan la isku dirin, ma iska dhaafnaa oo ma ka dhuumaalaysannaa? inkasta oo ay adagtahay in laga dhuunto nimankaas wakhtigan?

    5- Haddii waddankeenii noqday fagaare caalami ah oo gaaladii isu soo bahaysatay, oo Yurub, maraykan, yugaandha, itoobiya iyo qaar kale oo dhammaantoo wada kirishtaan ahi yimaaddeen ama ku soo socdaan; oo haddii innaguna aan muslimiinta u qayshanno ay ina sii qalqalayaan, ma ka beri noqonnaa muslimiintii inoo soo gurman lahayd innaga oo gaalada isa soo bahaysatay u qaadanaynna qaar aynu ku af garan karno miskiin nimadeena?

    Su´aalahaas iyo qaar kale ayaan waydiin lahaa. waanan ogahay in ay yihiin su´aalo la yaable. Waxaadse arki doontaan.

  16. Akhul Muslimiin says:

    Illaahay ayaa mahad iska ileh. wa salallahu calaa nabiyina muxamed. Waxaan arkay wuxuu sheikha qoray wuxuu ku saxay allaha ka abaal mariyo, wuxuu ku khaldamayna allaha u dambi dhaafo. Wuu saxnaa markuu ka hadlay dhibka musliminta haysta ka soomaaliya heystana inuu yahay qayb ka mud ah dhibkaas umada. Laakiin sheikha allaha u dambi dhaafee wuxuu duulaanka gaalada mus’uulayadeed saaray cidamada islaamka ee ribaadhka ku jira. Waxaa taas ka sii daran marka uu ku edeeyay muslimiintii lagu laayay Nahrul-baarid iyo Masjidula-axmar. Ma waxaa eeda leh dadku masaajidka lagu dumiyay, ama xeradi qaxootiga ay daganaayeen lagu gumaday ayagoon cidna waxba yeelin? Mise waxaa eeda leh dawlada Lebonan iyo ciidamadeeda; dawlada Pakistan iyo poliskeeda muminiinta u dilay amar ka soo baxay? Mise waxaa eeda leh shacabkii is ka dhawranayay daaliminta oo dadka laynaysa? Hadeey muumininta masaajida iyo xeryaha lagu laayay eeda leeyihiiin, marka eeynu eedayno asxaabul ukhduud, nabi yaxye calayhi salaam, iyo dhamaan muuminiintii la soo dhibi jiray ileen ayagaa la yimid asbaabihi lagu dhibay ee ahaa ina xaqa raceene. Waxaa kalo oo uu sheikhu yiri: “Marka,colka maa lagu dayo: in ummadda la tacbo, oo la tashiilo dhiigeeda iyo dhaqaalaheeda,oo looga turo talaxumada soo noqnoqotay?” Waa sax in umada la tashiile, cadowga na soo weerarayaa yaa si naga dhaha. Illeen anagu ma doonanaee. Laga soo bilaabo gumaadkii Sabra iyo shatiila, kii xalab, duulaankii ruushka ee afghanistan, kan soomaali-galbeed lagu haysto, iyo weeraradan farabadan ee islaamka lagu haya iyo kii muuminiinta lagu hayn jiray tan waa hore, tolow ma umadaa gardaran ama kuwa difaace, mise gaalada gardaran? Waxaa kaloo yiri umada may ka fariishtaan kuwa fashilkooda la soo taabtay. Tolow kuwa fashilkooda la soo taabtay ma mujaahidiinta alle dartii u dhinta ee ruush afghan ku jabiyay, ee Bosnia u gargaaray, kashmiir, shiishaan, algeria, somalia, iyo phillipine taagan baa? Mise waa dadka Xubu dunyaa wa karaahitul mawtka qaba? Waxuu yiri sheikha dambigiisa allaha dhaafee: “Waxaa jira jaah wareer badan, iyo su’aalo isasootaraya oo oranaya: maxaa socda? Yaase wada? waayo wadanku wuxuu noqday bahalo-galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan, si sumcadda looga dilo islaamka…” Jahawareerku ma aha mid bilowday maanta iyo shalay, ee waa mid soo socday tobanaan sano, waa mid soo jiray markii umada uu ku dhacay WAHMI: nolo jacayl iyo geeri nacayb, waa mid soo jiray maalintii gacan yarayaashii gaalada madax umada u noqdeen, waa mid soo jiray maalintii culimada Ziyaad uu laayay qaarna xirxiray, waa mid soo jiray maalintii qabqablayaashu umada qabsadeen qabiil qabiil u kala qaybiyeen, waa mid jiray markii mooryaantu gabdhaha kufsanayeen dadkana dhacayeen qaarna dilayeen dadka iyo culimaduna iska qabanwaayeen daalimiinta ilaa ay gaareen heer ay culimada gataan sidii cabiidii, waa mid jiray markii ethiopia na soo weerartay maraykan soo caawiyay anagoo cidna waxba u dhimin inaan niri allahano waa allaah, nala gadan maayo mooyee…dadka gaalada naga gadanayey hadeey masaajidka galaan ooy salaad suba soo tukadaan, miyaan daynaa sheikhow? O hadaan dayno ayagu ma na daynayaan. Kuwa dadka Masjidul-axmar ku gubay, Masjidul hidaaya xabashi ku soo hogaamiyay. Miyeeyna ridoobin? Kuwa dadka muslimiinta ah ayagoo dhuusomareeb jooga gaalada ku hogaamiyay. Sheikh bashiirow waxaad eedaysaa gaalada iyo gaala raacyada, ha eedaynin mujaahidiinta alle dartii u dhimatay, u dhimanaysa, una dhiman doonta illaahay dartii. Sabab aan u eedayno ma jirto. Mujaahidiintu way yaaban yihiin oo waxay leeyihiin maxaa nalagu eedaynayaa, oo nalagu haystaa, o maxaan samaynay, hadii gal soo duulay aan warma warmaynay oon dafci samaynay miyaan khaldanay? Ugu dambayn waxaan ula dardaarmayaa sheikha iyo dhamaan muslimiinta oo dhan inayna mujaahidiinta khudlaan ku samaynin, wax dhimaal ku samaynin, hadala ay dhibsadaan ku dhihiin. U naxteexeeyaan. Waxaa dhib ugu filaan dagaalka ay nasaarada iyo kuwa raacay kula jiraan. Illaahow na toosi oo culimadeena iyo mujaahidiinta xaqa ku hanuuni

  17. adam says:

    salaamun calaykum waraxmatullaah

    waalaalayaal markii aan aqriyey waxa walaalaha qaarkood qoreen waxaa ii soo baxay arrimahaan:

    - In walaalaha qaar aysanba fahmin dulucdii qoraalka SH.Bariir Axmad Salaad oo ahayd in la iska daaweeyo cudurka halista ah ee ummadeena la haray, hoosna geeyey danyartii itoobiya oo ay ugu horrayso qabyaaladu, waxaa isla markii tacliiq la booday nin dhawr goor ku soo celiyey culummada p-land, isagoo kolba sheekha u maleeyey inuu ka mid ayay!, culummadaa markaa madixiisa ku wareegayeenna amaan huwiyey, isagoo aad moodo inuusanba la socon in qaarkood ay aflabadiis yeereen iyagoo leh dawladda c/aahi ha la raaco, iyagoo kolba isleh maanata ayaad tol hesheene talada la wareega iyagoo diin iyo dadnimaba meel dhigtay!!!.

    - Waxaa haddana warka qaatay qolo qar iska tuur ah oo maangaabnimada geesinimo u yaqaan, meel aan sharci loo firin kudhimashana shihiidnimo u yaqaan, markaa ayey warkii shiikha marinhabaabiyeen, markii ay ka waayeen macnadarradii ay rabeen!!!>

    -Waxaa qiiqa ayreeyey, qurunkana buufiyey, ikhyaar qalinka u qaatay inay xaqqa fahmaan, isagana raacaan, qoraalkana qiima uu u sii kordhiyey qoraalladii ay raaciyeen..

  18. Sh. Abdulqani H Albadr says:

    bismilaah, walxamdulilaah wasaatu wasalaamu calaa rasuulilaah. wabacdu
    Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh

    sheekh aad iyo aad ayuu ugu mahadsan yahay aragtida toosan iyo hog tusaaleynta sharciyeed ee uu dulka xaadiyey, ilaahay ha ka abaal mariyo miisaankiisa xasanaadkana ha ku culeysiyo.
    Runtii waxa nasiib daro ah in halkii xikmadda la dhigi lahaa si ay uga faa’iideystaan cidda ku habooni uguna dabiibaan cidii bugtey ee u baahneyd. in ay si ka fiirsasho la’aan ah ugu soo qamaamaan cidii iyagu buktey ee dabiibka iyo dawada loo doonayey!!!

    Si qofku uu uga faa’iideysan karo talada iyo tusaaleynta culimadda iyo waxgaradka umadda waxa lagama maarmaan ah inuu leeyahay sifooyinkii uu ku muteysan lahaa arintaas kuwaas oo ah
    1- inuu leeyahay awood uu ku weeleeyn karo waxa loo sheegayo
    2- inuu leeyahay karti caqli iyo mid aqooneed oo uu ku fahmi karo nuxurka waxa loo sheegayo/
    3- intaa ka dibna in uu Allaah waafajiyo ka faa’iideysiga wanaaga loo sheegay.
    waxa ilaahay uu ku sheegay suuratul Anfaal ayaadaha 22-23 in ay dhulka guud kiisa waxa kusocda ugu shar badan yihiin kuwa dhegaha la’ ee afka la’ ee aan caqliyeysneyni, hadii ilaahay khayr ku ogyahayn inuu wax maqashiin lahaa, hadii uu maqashiiyana inay jeesan lahaayeen oo xaqa u dabo jeedin lahaayeen, aayadaha ka horeeya ee 20-21 waxa uu ilahay amrey muuminiinta inay ilaahay iyo rasuulkiisa adeecaan oo anay noqon kuwo intay maqal iyo adeecid sheeganaya iyagoon waxba maqleyn!
    Halka aayada 24 na uu Allaah ku soo celiyey baaq kale oo ah in hadii laydinku baaqo wax idin nooleynaya aad ajiibtaan.
    Waxase aynu aayadahaa dhexdooda ka dheehanayna sadexda arimood ee kor ku xusan hadaan la helin (1- maqal/faham 2 weelayn dhab ah 3 – ajiibid ku timi tawfiiq mina laah), in dhawaqaagu uu yahay uun sidii adoo ku qaylina cid dhegala oo weliba daba jeedisay ama meyd aan nooleyn, ama tusaalaha Alaah ku bixiyey aayadda 171 ee suratul baqarah.
    Hadii qofka tacasub xaqa ka xijaabana hadalkiisaba daa’
    Comments ka lagu mulaaxadeeyey sheikha intooda badani waa qaar aan fahmin dulucda sheikhu uu ka hadlay una eg qaar ka duulayaa caadifad iyo tacasub hore loo hirqaday oo aan ku qotomin caqli toosan iyo usuul sharci midna.
    - Sheikh wuxuu si guud u tusaaleeyey dhibaatada jirta iyo inay u baahan tahay xal jidri ah oo ku salaysan maqaasida shariicda iyo wasaai’lka mubaaxa ah ee loo mari karo.
    - Sheekhu wuxuu ina xasuusiyey in Alaah gargaarkiisu imanayo marka lala yimaado asbaabtii lagu muteysanlahaa
    - Sheekhu waxa uu tilmaamay in khaladaad badani jiraan una baahan yihiin in dib u eegid sharci lagu sameeyo
    - Sheekhu waxa uu si xikmadi ku dheehan u tilmaamay in dhibaatada badatey ee umadda halakeysay ay keentay in si fiican looga fekeri waayo meesha dhibtu ka socoto iyo xalka looga bixi karo
    - Wuxuu ina xasuusisiyey in iltisaamka sharcigu uu ka balaadhan yahay cibaadooyinka fardi ah.
    - Guud ahaan sheikhu waxa uu ku celcliyey in xalku ku jiro iyadoo la raaco sunadii nebegi salalaahu calyhi wasalam, xalkana lagu raadiyo dariiqii salafka, xanuunka umadda hayana in marka hore la garto, kadibna dawada ku haboon, qaabka ku haboon iyo cidda ku habooni ay waraabiso,
    - Wuxuu sheikhu taabtay halka sartu ka qudhun santahay cawaaqibteedana laga cabsi qabo oo ah in sal fudeyd iyo jahli dad ku sifoobey ay umadda hogaan u noqdaan, kooxaysi, gaaleysiinta ahlu salaadka iyo dhiig daa’dina laysku dayo in dawo lagu keeno, waana arimo aanu inkiri Karin qof jaahil ah ama mukaabir ah mooyee mid kale.
    - Sheikhu arimo gaar ah si gooni u umuu xalin oo uma uma lafo gurin -isagoo weliba ehel u ah-, laakiin qoraal kiisani wuxuu u muuqdaa baaq guud oo ah waar dib ha laysugu noqdo waxa khaldana ha la saxo, waxaanu uu dhigay guud ahaan qawaacidii la cuskan lahaa si xal loo helo iyo khaldaadka jira asbaabta keentay.
    - Hadaba arintu waa dacwadda dhextaala inta xalka lagu tuhmayo, cidda aan ku habooneyni ha gaabsato, ninkii wax durayaanna ha yeesho kartidii aqooneed ee uu wax ku duri lahaa, hana ilaaliyo adaabta xiwaarka, iyo mawduuciyadda masaladda laga hadlayo.

    Wasalaamu calaykum waraxmatulaah

  19. U HIILI XAQQA says:

    BISMILLAAH.
    ASSALAAMU CALAYKUM.

    MARKA HORE WALAALAHA AAD U CADDEEYAY
    SHUBHOOYINKA UU KU SINBIRIIRIXDAY WALAALKEEN BASHIIR RABBI HA KA ABAAL MARIYO KHAAS AHAAN , WALAALKEEN { SOOMAALI } OO SI FIICAN U SHEEGAY BIYADHACA IYO WALAALKEEN { IBN SAXWA } OO SOO KOOBAY , IYO WALAALKEEN { ABU CABDURRAXMAAN } OO ISHA KA ABBAARAY , IYO WALAALAYAASHEENA KALE OO SU’AALAHA KU BIIRIYAY , WAXAANSE LA YAABAY WALAALKEEN { ABU-AXMAD } OO AAYADAHA RABBI SUBXAANAH U DALIISHANAYA SI HAWADIISA AY JECLAAN LAHAYD , OO U MOODA IN HADDA MARXALADDA LA JOOGO JIHADKII AAN LA GAARIN OO AWOODDU YARTAHAY EE ABU AXMADOW AMERIKA IYO INTA LA JIRTA RABBI BAA KA XOOG WAYN EE ALLAAH BAY MUJAAHIDIINTU ISKU HALAYNAYAAN WAYNA KA UGULAYSAN DOONAAN ISHAA ALLAAH !!!!!! , SH/BASHIIR WAA LA YAABAY MARKUU YIRI ::

    {Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa.}

    WAA LA YAAB , MUJAAHIDIINTU GOORMAY JIHAADKA XADEEN AMA AY WAX KAA XADEEN AMA AY WAX KU XADEEN SUBXAANALLAAH , WAXA BOOB IYO DHAC OO CIIDAMADA AXMAARADA IYO INTA JECEL AY KU SAMAYNAYAAN SOOMAALIYA MIYAADAN ARAG ?
    XOOLAHA MAGACA SOOMAAIDA UU C/LLAAHI YUUSUF IYO MOORYAANTIISU KU SOO QAATAAN OO AY KU TAKRI FALAAN OO BEELAHOODA KU FIRDHINAYAAN XATOOYO MA AHAN MIYAA ?? CHINA IYO AMERICA IYO YURUB IYO AFRIKA IYO CARABTA ILMAHA MOORYAANTA LAGU DALDALAYO OO WAXBARASHADA BILAASHKA AH LAGU SIINAYO OO LAGA TAGAYO KUWII KU HABBOONAA EE SOOMAALI GUUD AYADU MA XALAAL BAA ??? WAXAA LA CADDEEYAY IN DIYAARAD AY SAARAN YIHIIN LIXDAN QOF OO HAL BEELA IN LOO QAADAY DIBADDA WAANA MARKII AY GACANTA KU DHIGEEN MOORYAANTA IYO AXMAARADA XAMAR FALKAAS WAXAA SAMEEYAY KUWA UGU SARREEYA MOORYAANTA HADDABA FALKAASI IYO KUWO KA BADAN BAA JIREE OO XAARANA MIYAADAN DAREEMIN AMA AADAN MAQAL ?? MA WAXAA KUU MUUQDA OO KALIYA NIN WALAALKAAYA OO MUJAAHIDA OO RABBI DARTII U TAAGAN IN AAD JIHAADKIISA KU TILMAANTO XATOOYO , !!! MAAD RABBIGAA KA BAQDID OO SAAD DIINTA U SHEEGAYSO KA FIIRSATID , HADDAADAN TAAGEERI KARIN MUJAAHIDIINTA KA DAA JUGTA IYO FEERKA JIHAADKOODA , BASHIIROW FIIRI INTA GAALO WAX BI’INAYSO OO AY FALAYSO , MUJAAHIDIINTU WAA XALAAL JIHAADKOODUNA WAA XALAAL , EE AXMAARADA IYO INTA LA SOCOTA BAA XAARANA OO XAARAAN KU YIMID , EE XAQQA U HIILE OO HA KA HIILIN.

    U HIILI XAQQA.

  20. asad says:

    Gaaleysiinta Musliminta Jihaadka ka mid ma aha Q:1aad

    Waxaa waayaahaan dambe Dunida Muslimka oo dhan ka jiray Fidnooyin isdaba joog ah oo mid walba ay yaraaneyso marka loo eego tan ka dambeysa, waxaana Fidnada sii balaariyay in ay kuwii aqoonta lahaa afka qabsadeen amaba danta shib ku siisay, Caamadiina Culimo ismooday oo ay ka Fatwooneyso arimo waa weyn sida Masiirka Ummada, Dhiiga iyo Sharafta Muslimiinta, waxaana si gaar ah wadanka Soomaliya ku soo batay Dhalin yaro ama Odayaal xoogaa Cilmiga Diinta wax ka yaqaan ama Dacwada kaalin ku leh ama Jihaadka magac ku yeeshay oo Culimo Muftiyaal ah ismooday kana hadla wax walba oo ku saabsan Diinta Dalka iyo Dadka Somaliyeed ayaga oo aan laheyn darajo xaga Cilmiga ah ee ay arimahaas wax uga yiraahdaan, weliba waxaa qaarkood aaminsan inaan wax Fatwa ah laga qaadan cilmina lagu tixgalin ruux hadii uusan qori garabka ugu jirin, waxaa ayna dhalin yarada xamaasadeysan si cad ugu sheegaan in ay Culimada saxda ah yihiin kuwii geeriyooday 60 sano ka hor ama kuwa Duurka ku jira ee Gaalada eryaneyso, ama ku jira Xabsiyada Caalamka ee u xiran magaca Diineed ee aysan Culimo aheyn Culimada joogta Caalamka Islaamka intooda kale, waxaana muuqata in ay aaminsan yihiin Shuraadaha Muftiga in ay ka mid tahay in Ameerika ku tilmaanto Ruuxa inuu Argagixiso yahay haduu doono jaahilba ha ahaadee, arintaasna waxa ay albaabada u furtay in Caamadii dad aan Culimo aheyn moodo Culimo maadaama Cadawga Islaamka kula dagaashan yahay magaca Diinta, taasoo keentay in ay soo baxaan kooxo dadka u kala bixbixay magacyo wax loogu dhimaayo Sharafta Muslimka ama laga yaabo in lagu baneesto Dhiiga muslimka …. iwm

    Sidaa daraadeed waxaan rabaa in aan Maqaalkaan oo taxane noqon doona kaga hadlo arimo badan sida:Caalim mufti ah waa kee, Caamada Fatwo ma u banana tahay ama Cubbaada, maxey Diinta ka qabtaa Gaaleeysiinta Muslimiinta , maxaa ka dhalan kara oo dhibaato ah Gaaleeysiinta Musliminta, iyo arimo kale oo fara badan aniga oo soo guurin doona Fataawi fara badan oo ay Culimada muslimiinta ka soo saareen arimahaas ama soo xigan doona kitaabo laga qoray arimahaas hadii illaah (cw) idmo…

    Marka hore waxaa laga maarmaan ah inaan ka hadalo sababta kaliftay mowduucaan maxaa yeelay waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay garan waayaan Dulucda maqaalkaan hadii aan loo faahfaahin meesha uu ku wajahan yahay .

    Maqaalkaan waxa si toos ah ugu saabsan yahay Shaqsiyaad ka mid ah kooxaha Saxwada Soomaliya, gaar haan waxaa uu daba joogaa hadalo isdaba joog ahaa oo mudooyinkii la soo dhaafay ka soo yeerayay Shaqsiyaad ka mid ah Xarakaadka ka jira Soomaliya haba ugu horeeyo ninka la yiraahdo Abuu Zubeyr oo ah madaxa Kooxda Alshabaab ,Abuzubeyr waxaa la dhihi karaa waa qofkii ugu horeeyay ee si toos ah ugu bareeray inuu Culimadii horjoogtay Kacdoonka Maxaakiimta ku tilmaamo in ay yihiin Wadaad Xumayaal markii loo caleemo saaray inuu yahay Amiirka kooxdaas si iclaan ah taaso ku beegneyd xiliyadii la dhisay Isbaheysigii Dib u xoreynta oo xaruntiisa aheyd Magaalada Asmara, waxaa ayna kooxdaas sidoo kale soo saareen Bayaano ay wax kaga sheegayaan dhismaha Isbaheysigaas ayagoo tuhunsanaaya Diinka Culimadii joogtay Asmara, waxaana xigay kalimad maqal iyo Muuqaal aheyd oo uu jeediyay ninka la yiraahdo Sh Fu,aad oo uu ku shegayay inu kaga hadlayo waxa ay Shareecada ka qabto Dhismaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta, taasoo uu ku tilmaamay in Culimada joogta Asmara ay ka leexdeen Istiqaamadii (Jidkii Toosnaa) waxaa kaloo hareer socday hadaladaas iyo Bayaanaadkaas kalimado Masaajida laga jeediyo oo si toos ah iyo si dadbanba loogu Gaalnimo xukminayo Guud ahaan Shacabka gaar ahaan Culimada Soomali.

    Xaalada markii ay halkaas kasoo gudubtayna waxaa soo ifbaxay qilaafkii soo kala dhex galay Culimadii markii hore wada joogtay Magaalada Asmara Heshiiski Jabuuti ka dib, waxaan cirka iskusii shareeray dhaqan xumudii lagula kacayay Muslimiinta Guud ahaan gaar haan Culimada qeytii u guurtay Jabuti ayadoo rag ay ka mid yihiin Sh xasan turki iyo Abu Mansuur si cad u Gaaleysiiyeen, waxaana barbarsocda muxaadaraad lagu qabto Masaajida oo si cad loo leeyahay Sh Hebel waa Gaaloobay (illaah ma qadaree) ama guud ahaan kuwa Heshiiska Jabuuti Saxiixay oo dhan, waxaana Muxaadaraadkii ugu dambeyay ee ka dhcay qaar ka mid ah Magaalada Muqdisho oo uu Sh Fu’aad ninka la yiraah jeediyay ku sheegay in dad dagan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho uu dhiigooda Xalaal yahay oo la laayo ayadoo ay goob joogayaal ka yihiin halkaas dad ka badan 200 dhalin yaro ah asaga oo ku eedeynaya waxa ay la jiraan Dowlada C/llaahi yusuf ….

    Sidaas daraadeed waxa lagama maar maan ah in wax laga yiraahdo arimahaas maadaama ay kasoo muqato in ay sababi karaan dhibaatooyin hor leh oo ka sii dhaca wadanka Soomaliya 18 sano ka dib, waxaanan soo guurin doonaa waxa ay Culimada Muslimiinta ka yiraahdeen arintan ku Saabsaan in Muslimiinta la gaaleeysiiyo iyo waxa ka dhalan kara hadii illaah (cw) idmo, waayo waxaa halis ah hadii arimahaan qatartooda aan leesku baraarujin oo aan loo nasexeynin kuwa ku kacaaya in ay la qabsadaan oo ay maleeyaan Asal sax ah oo Diinka ka mid ah taasoo sababi karta in ay abuurmaan kooxo Bidco ah oo arimahaas Diin ka dhigta( illaah ma qadaree)..

    Waxa uu yiri Sheekh la yiraahdo Dr Naasir ibnu C/kariim oo wax ka qora in badan arimaha ku saabsan Caqiidada mar uu ka hadlayay Khawaarihta iyo Muhiimada ay leedahay in laga digtoonaado Dhaqankooda…

    ??? ??? ???? ?? ?? ????? ??? ??????? ?????? ????? ?? ?????? ???????? ?????? ??????????? ???? ?????? ???????(?? ??? ????). ??? ??? ???? ?? ???? ?? ?????? ?? ???? ?????? ??? ?? ???? ?? ??????? ???????? ??? ?? ?????? ??? ???? ???? ???? ??????? ??? ????: “?????? ?????? ???????? ??? ???? ??? ????” –???? ???????? ???? ???? ?? ???? ?????? ??????(4677).

    Waxaana uu yeaalan doonaa Maqaalkaan qeybo kale maalmaha soo socda ee lasoco….

  21. asad says:

    Al_shabaab Amaan Mooyee Eed Maleh! ! qaybta 1aad
    Posted to the Web Sep 21, 01:06

    Waxaan in badan waayahaan maqalnaa eedo fara badan oo loo haayo Culimadii Maxaakiimta Islaamiga hogaamineysay ha joogeen Asmara ama Jabuuti taasoo keentay in meeshaba laga saaro Eedahii Al_shabaab oo hadii la sheegana in badan dadku ku amaanaan Jihaad ayay ku jiraan, arintaasoo keentay in loo moodo Al_shabaab in aysan wax Eeda ama Godoob fal ah ka galin diinta, dalka iyo dadka Soomaliyeed…

    Hadaba waxaa lagama maarmaan ah inaan wax ka tilmaamno Xarakada Al_shabaab iyo kaalinta ay ku leedahay Qilaafaadka jira iyo Mas’uulida koowaad in ay ku leedahay abuurida Qilaafaadka jira oo dhan, Alshabaab waa Koox soo shaac baxday markii ay Dagaalka ku guuleesteen Maxaakiimta Islaamka.

    Dagaalkii ay kula jirtay Isbaheysigii sharta, waxa ayna ka tirsanaaeey Ciidankii Maxaakiimta weliba waxa ay si gaar ah ugu badnaayeen xaga Saraakiishii Dagaalka hogaamineysay, waxaana markii ugu horeysay ee si toos ah u soo muuqdaan aheyd markii la dilay Xirsi lugeey (allaha u Naxariistee) oo ahaa taliyaha Ciidamada Maxkamada Beesha Ceyr oo ay Beeshaas soo sharaxday inuu booskaas buuxiyo Aadan Ceyroow(allaha u raxmade) taasoo keentay in ay ka biyo diidaan kooxo ka mid ahaa Culimadii ku jirtay Shuuradii dhisneyd xiligaas iyo qeybo ka mid ahaa Ganacsatadii taageeri jirtay Maxaakiimta, ayaga oo u arkaayay in Aadan Ceyroow laga dhigo Taliyaha Ciidanka Maxkamada Beesha Ceyr in macnaheedu yahay caqabado waa weyn in ay hor imaan doonaan Maxaakiimta, dhanka kalana waxaa jiray Maxaakiimo kale oo ay u suuro gashay Alshabaab in ay ka soo dhex muuqdaan isla markaana ka fushadaan qorshooyin kooda u gaar ah.

    Markii ay guuleesteen Maxaakiimtiina Alshabaab waxa ay sameeyeen isku dayo la wada ogaa oo ay ku doonayeen in ay ku afgambiyaan Maamulkii Maxaakiimta markii uu Muqdisho qabsaday, waxana fashiliyay qaar ka tirsanaa Alshabaab oo dareensanaa qatarta ka dhalan karta fal noocaas ah hadii lagu talaabsado, laakiin arintaas ma joojin damacii ay lahaayeen Alshabaab in ay Maxaakiimta meesha ka saaraan si sahlana ku dhaxlaan Maamulka Guud ee Golihii Maxaakiimta waxaana arintaas u daliil ah hub aruursigii faraha badnaa ee ay sameynayeen waayahaas iyo dhalinyaradii ay ugu yeerayeen in ay ku soo biiraan Xarakada Alshabaab taas oo macnaheedu ahaa Maxaakiimta hoosteeda waxaa laga dhisayay Dowlad ka madax banana laakiin ku shaar ah..

    Waxaa kaloo jiray talaabooyin badan oo qaldanaa oo ay qaadeen waayahaas sida in ay fara maroorsadeen guud ahaan dhismihii maamul hoosaadyada sida gudiyadii Caafimaadka Amniga, Kii erboorka iyo Dekeda sidoo kalana Taliskii abaaan duulka iyo kii G/ Banaadir taasoo markii la doonay in dib loo hagaajiyo diideen oo ay ku heesteen si awood maroorsi ah, waxaana intaas dheeraa inay si gaar ah gacanta ugu dhigeen Hubkii Maxaakiimta ka soo gaaray Dowlado ay gacan saar lahaayeen, taasna waxaa Marqaati buuxda u ah in Xabashidii ay ka soo qodato Guryihii ay lahaayeen Saraakiisha Alshabaab hub aad u fara badnaa oo lagu aasay Dhulka hoostiisa ka hor intii aysan Xabashida Caasimada qabsan sida guriga Qaliif Cadale, taasoo ku tuseysa Alshabaab in ay lahaayeen qorshooyin u qarsoon ay kusii tala galsanaayeen Maxaakiimta ka dib in ay sameeyaan, arintaasna ma aheyn wax qarsoon oo waxa ay si cad u sheegi jireen in aysan sii socon doonin Maamulka Maxaakiimta oo ay goordhaw ku dhufan doonaan Xabashida si ay u kala daadiyaan Maamulka Maxaakiimta oo ahaa Maamulkii ay soo doorteen Shacabka soomaali waxgaradkoodii iyo Shuuradii ay dhisteen Maxaakiimtaba.

    Waxaana ka mid ahaa qaladaadka la ismoogeysiiyo oo Alshabaab ka galeen Soomaliya in ay dhameestireen dhaawac qaar ka tirsanaa Maleeshiyaadkii Kismaanyo Markii laga qabsaday arintaas oo Sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba aheyd talaabo aad u qaldan.. markii Kismaanyo la tagay waxaa ay Bilaabeen in ay Kismaanyo ka dhigaan in ay la mid tahay oo kale Magaaladii Madiina oo ay Muqdisho ku tilmaamaan Meel aan laga hirgalineynin Shareecada Islaamka ayadoo la ogyahay Muqdisho in ay xaraun u aheyd Maamulkii Maxaakiimta Islaamiga, taasoo keentay in la arko dhalinyaro badan oo leh waxaan u Hijrooneynaa Magaalada Kismaanyo maadaama loo buunbuuniyay, xiligaasna Magaalada Kismaanyo waxaa ka jiray gabood falo waa weyn oo lagula kacayay Dadkii ku noolaa Magaaaladaas ayadoo la leeyahay waxaa la Dabaqayaa Shareecada Islaamka.

    Waxaa kaloo ka mid ahaa eedaha ay Al-shabaab ka galeen ama ku galeen magaca Diinka Habkii ay u mamnuuceen Qaadka oo aheyd taloobo u gaar aheyd oo ay go’aansadeen ka dib markii ay ka war heleen go’aankii uu soo saartay Waaxdii Maaliyada ee Golaha Maxaakiimta kaasoo ahaa in ay Canshuuraadka ku kordhiyeen Jaadka iyo Sigaarka , go’aankaas oo ahaa mid loo qaaday dhanka wanaaga una gogolxaarayay in loo gudbo Mustaqbalka sidii loo Mamnuuci lahaa Jaadka Iyo Sigaarka, hase yeeshee markii Shuuro gaar ah oo ay lahaayeen Al-shabaab shir sir ah u fariisteen waxa ay qaateen go’aankii ahaa in la gubo Jaadka iyo Sigaarka ayadoon lagala tashan Shuuradii Maxaakiimta, markii ay Maamulkii sare ee Maxaakiimta ogaadeen gafka dhacay waxa ay go’aansadeen in ay kusii adkeestaan Mamnuucitaankii Jaadka maadaama ay dhici kartay hadii aan sidaas wax la yeelin inuu arinkaas fursad iyo Dacaayad u noqdo kuwa Shaarka la gashaday Maxaakiimta ee hoostana ka haa Maamul gaar ah ee ka madax Banaanaa ee loo yaqaanay Alshabaab.

    Waxaana ku jiray Maxaakiimta Dad badan oo ku taageersanaa Al-shabaab talaabooyinkaa gurcan ee ay qaadi jireen ayaga oo dareensaneyn qatarta ka imaan karta hadii Maamul dhisan laga hoos Dhiso Maamul kale oo madax Banaan Sharci ahaan iyo Siyaad ahaanba..

    Waxaana talaabooyinkii guracnaa ee ay qaadeen Alshabaab ka mid ahaa in ay ka dhaadhicyaan indhacade inuu ku dhawaaqo in Dagaal lagu qaadi doono Xamashida isla markaana Maalinta Ciida ah lagu tukan doono Caasimada Itoobiya, taasoo siisay Xabashida fursad xaga siyaasada ah iyo in ay hesho wadamo badan oo ku taageera in ay gudaha u gasho Dalka Saoomaaliya oo ay horeyba ka joogtay qeybo ka mid ah.

    Markii la ogaaday Xaalada in Dagaal lama huraan yahayna kooxda Al-shabaab waxa ay u istaagtay in ay si gaar ah ugu magacaawdo Aagaga Dagaalka laga filayay Taliyayaal u gaar ah kuwaasoo hubka kala wareegayay cid walba oo u soo guramato Aagaga dagaalka ee ka tirsanaa Ciidankii Maxaakimta ayagoo marmarsiiyo ugu dhigaananay waxaa la isku habeynayaa Ciidanka Aagaga ku jira oo waxaa lagu sameynayaa Damji (isku dhafid) taasoo keentay in ay la wareegaan Hubkii ay heesteen Maxaakiimta iyo Shacabkii ama kooxihii kale oo taageersanaa.

    Markii uu biloowday Dagaalkiina waxa muuqatay inuu qorshe cad meel u yaalay Alshabaab oo ah in ay burburiyaan awaooda Ciidan ee hoos imaaneysay Maamulkii Maxaakiimta si uu meesha uga baxo Maamulakaas oo heestay taageeradii Sahacaka Soomaali Gude iyo Debadba.

    Waxaana taas daliil u ah habkii qaldanaa ee looga insixaabay Aagagii Dagaalka iyo habkii abaabulnaa ee ay u Fariisteen kooxdan alshabaab Albaabaha laga saoo galo Magaalada Muqdisho ayagoo oo ka aruurinayay ciidankii Maxaakiimta wixii hub ah ee ay wateen ayagoo markaas iska dhigayay in ay ula jeedaan in ay sugayaan Amaanka Magaalada Muqdisho, taasna in ay been aheyd waxaa u daliil ah cidii ugu hreysay ee ka carartaa Magaalada ama baneysaa ee howdka gashaa waxa ay ahaayeen Saraakiisha Al-shabaab ayagoo markaas qorshey nayay in ay u diyaar garoobaan dagaal dhuumaaleysi ah laakiin ayaga uun ku gaar ah maadaama ay hubkii badankiis gacanta ku dhigeen .

    Markii la isugu tagay Magaalada Jilib ee laga baxay Muqdisho waxaa qaar ka tirsanbaa Mujaahidiintii Maxaakiimta qorsheynayeen in ay difaac ka galaan laga bilaabo Magaaladaas laakiin waxaa isla markiiba soo ifbaxay qilaaf dadka qaar filayeen oo ah in ay si cad u yiraahdeen kooxo ka mid ah Saraakiishii Al-shabaab ma aqoonsanin Maamulkii Maxaakiimta ee waa hadda inaan dhisnaa Maamul cusub, taasoo dad badan ku noqaotay Jab ka weyn kii ay kala kulmeen Ciidankii Xabashida, waxaana meeshaas ka biloowday in ay dhaboowdo riyadii Alshabaab oo aheyd in ay arkaan mar uun ayagoo ka madax banaan in ay hoos joogaan Maamul aysan gaar u laheyn.

    Markii ay Mujaahidiintii u diyaar garoobayeen difaacooda in ay xertaan waxaa Saraakiishii Alshabaab kusii qul qulleysay meelo howd ah oo ay ku gurayeen Hubkii ay kala soo baxsadeen Aagagii dagaalka mana ka mid aheyn Ciidamadii isku dayga difaac ka sameyay Magaalada jilib.

    Markii ay biloowdeen shirarkii leesku dayay in leesku qanciyo in wax lawada qabsado oo Maamulkii Maxaakiimta sidiisii loo daayana waxaa arintaas farta ka taagtay Alshabaab rag u hadlayay oo sheegay in ay aysan isku caqiido aheyn ayaga iyo Maxaakiimta inteeda kale taasoo ka yaabsatay dad badan oo moogaa Xaqiiqda Alshabaab iyo Manhajkooda halka uu ku saleysan yahay, arimahaasna waxa ay dhacayeen intii guud ahaan Maamulkii Maxaakiimta uu ku jiray Dalka gudahiisa oo howdka la wada joogay!!.

    Hadaba maxaa keenay in dadka qaar loogu sheekeeyo waxaan diidnay dhismihii Isbaheysigii Asmara lagu dhisay? Ama la yiraahdo madax uma naqaan dad dalka dibadiisa jooga? Ma waxey joogeen dalka meel ka baxsan markii Jilib lagu shirayay? Mise waxaa dhisnaa Isbaheysi markii Shirarka lagu qabanayay Xamar ay lahaayeen Alshabaab ma nihin isku caaqiido? Soow taas macnaheedu ma ah in ay marmaarsiiyo u noqotay dhoofitaankii Culimada si ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ugu raadiyaan Mujaahidiinta maadaama jihaadka uusan socon karin dhaqaale la’aaan iyo siyaasad la’aan ?

    Waxaan ku soo bandhigi doonaa qeybaha kale qeybo ka tirsan Maqaalkaan

  22. haruun says:

    aslaamucalkum waraxmatulaahi wabarkatu
    dhamaan aad ayaan u salamyaa dadka sida toos ka ah ula socda,horta aniga sheekha aqoon uma lihu,lakin waxaa i baray qoralkan maanta hadaan laga been abuuranayn,ilayn wax nin weyn oo sheekha laga fisho mahee,horta marka hore waxaan u sheegaya dhaman,cidkasta oo raadinaysa culimo,in ay marka hore isweydiiyaan culimadu cida ay yihiin inta aanay wax walba marxaba odhan,waxanan idiin shegayaa culimo in ay mujaahidiintu leyihin jihaadkaanay ku jiran waana niman la raadinayo,maaha niman ingiriiska iyo maraykanka kasoo saara fatwo,culimadayadu waa kuwa safka nagula jira,ee uunsiga ka dhigta baaruuda xabada,waxay culimadu ka dhamaan la yihiin,jaahilbaa layahay aqoon diineed lama laha,cajiib oo yaa kaa xiga maad kaalaydid,intaa boosaaso iyo dalka dibadiisa waxaa ka akhriyayso,se waa yaab ee maxaa khibrada aad sheeganaysaan umada ugu faa idayn ladihiin jaday dhab idinka tahay,idinkama ahee.
    marka aad leedihiin in culimada loo daayo oo wax la weydiiyo dadkuna ay ku doodayaan culimo,horta malays weydiiyay culimadu halka ay joogaan,hadaan jihaad weydiiyo waxaan ku dhacayaa jihaad la;aan oo ma jiro ayay odhanayaan,hadaan idhaahdo culimada haloodaayona howlaha jihaadka,waxaa dhacaaya jihaad la;aan ilayn jihaad ma wadaan,haday beentay tahayna hala sheego meesha ay ka wadaan.waa jirtaa culimo badan oo cadeeya arimaha jihaadka walow yaanay joogin saaxada ee allahna hadhowree,lakin dhibku waxa uu ka taaganyahay,qaacid hadana jihaadka wax ka sheegaya,kaalay oo safka wax noogu sheeg haday inaad wax sheegtaa ku hayso,mida kale waxaa sheekha ka muuqata quusho subxaanalaah maaha quushadu wax qof muslim mumin ah lagu yaqaan,teeda kale sheekha waxaan kula yaabay marka uu leeyahay khibrad malaha oo aan u fahmay khibrad dagaal,layaab badanaa oo hadaa cadowga maxaa wadanka lagag saaray ma fatwada aad boosaaso iy meelo kale ka soo saartaan waa yaab,waxa kale oo fiicnaan lahayd sheekhu inuu ku baraarugo in kuwa uu wax ka sheegayaa ay yihiin kuwa uu allah cadowga ku hortaaganyahay boosaso iyo meelkale toona aanu maanta jogeen, subxaanallaah sheekh ma maantaad u soo dhigteen ku wii waardiyaha idinka hayay,oo hadaanu allah ku hortaagnayn oo ay muqdisho ku guulaysan laheen ay u soo gudbilahayeen boosaaso,hargaysa,oo ay isku dayilahayen siday hadfkooda u gaadhilahyeen oo ah inay wadanka qabsadaan,diintuna isku mid noqoto,hadaladiina markasta waxaa kamuuqda deelqaaf dhaleecay dibad iyo gudaba ah lakin walaahi waxba u dhimayn mujahidinta idinka uun taariikhda hayska xumaynina aakhirana allah oo aan waxba iloobayn ayaa idinku xisaabin bari.waxa kale oo aan raba hantaataca ah in dadka layska gaalaysiyo,horta arinkaa waa soo noq noqdaa kolay waana socon waayay,mujaahidiintuna waxa ay gaalaysiyaan cida kitaabka iyo sunadu gaalaysiiso,lakin waxaan rabaa in aan ka hadlo cida la laayo cida ay tahay,horta hadafku waa gaalada iyo murtadiinta, waxaa soo raaca kuwa u jaajuusa ee meel kasta oo mujaahintu jogan yimada iyo dadka muslimka ah ku dhexjira,dadkaas uu mujahidinta shega halka ay joogaan,cadowgana farta ugu fiiqa oo dadka muslimiinta ah hoobiyaha iyo wax daran ku soo haga,dadkaa iyo kuwa lamidka ah ayay mujaahidiintu layaan.hadaba waxaan culimada ka rabnaa inay kala cadeeyaan dadka ay sheegayaan ma ku waas ayaa mise waxaabay ka hadlayaan kuwa itoobiyaanka iyo murtadiintu laayaan,arimuhu waa isku qasan yihin dadkan yidhaahda wax baa la layaana wax ay rabaan waa lagaran la yahay.waxaan idinka rabaa sheekha kali ah, ee odhan kara nin la garanayo oo murdtad ah ama jaajuus ah, ninka inta uu soo dul is taago odhanaya kan la dilay waa muslim iyo waa nin wanaagsan,ma odhanayo waayo waxa uu isleeyahay sumcad daro ayaad ka qaadi ama waxaa lagu oran wuu garanayaa,lakin hadhow meelahaa fagaaraha iyo khudbadaha ayaa aad loogu soo qaataa iyada oo laga dhigayo nin fiican oo la dilay.dadka aad rabtaan in la yidhaahdo mujahiinta ayaa laysay horta waa dadka ay mujaahidiintu u dagaalamayaan,cida dishana waa la yaqaanaa oo maanta lays weydiinmaayo iyada oo aan la aqoona mujaahidiinta dagaal ayaa ka dhaxeeyay dadkaas,culimada,ganacsatada iyo wax garadka gumaadka ku hayay.
    bal sheekha hala arko ninkii ku shahiiday masjidkii casaa,waxa uu ka odhanayo anagu,waxaan leenahay sheekha insha allah shahiid ayuu ahaa nin khayr badana wuu ahaa,waana ceb in dadka shuhadada ah wax laga sheego,mida kale sheekhu waxaabu ka dhigayaa in dhibka uu gaystay sheekhii shahiiday,isaga oo ilowsan dhibkii musharaf. WAAD MAHAD SANTIHIIN

  23. haruun says:

    cafwan meesha ay ku qorantahay quusho waxaan ka wadaa quusasho

  24. somali says:

    asalaamu calaykum
    asad.
    Bacda salaan walaal asad waxaa fiican in ay awoodeena klu bixinna cadawga ee aynaan kusoo jeensan khilaafka mujaahidiinta u dhaxeeya.

    haddii aynu ceebaha mujaahidiinta baar baarno oo cid walba qaladkooda la sheego waxa kaliya ee ka faaiidaysanaya waa cadawga,amaa qoladi qaldanta waa la sheegayaa si ay qaladkaas inoogu saxin sida qolada jabuuti gaalo ayay soo hogaaminayaan waa inaan mawqif ka qadannaa maxa yeeley dawladda fadarda ahba waxan ku haysannaa gaalada ay soo hogaamisay waxaan raacaynona waa diinteena ee maaha ashkhaasta.

    marka sheekhaw jooji waxaad waddo mooryaantii isbaarooleeyda ahayd ee cimaamadaha xirtay in hubka laga qaado qalad maahayn ee way qumanayd mujaahidiinta ayay kula dagaalami lahaayeen nin shalay mooryaan ahaa isbaaroolay ah ayaa maanta diin kuu difaacaya sidii hiiraan ka dhacday,hal maalin xattaa ma dagaalamin niyad jabkana iyagaa keeney ciidankana dhaqsaha ku jabiyay,marka kuwaas in askari laga dhigayo daye xabsi ayay xaq u lahaayeen.
    wsc

  25. ABSAMAAWI says:

    TO:CULIMADA SOOMAALIYEED.

    Waad aragtaan sida uu xiwaarku usocdo,idinkuna waad is aragtaan meesha aad ka taagan tihin,waxaa marka anigu tala ahaan idiin soo jeedin lahaa,qodobadan soo socda.

    1: In aad gudaha is geysaan,khaastan ragiina cilmiga leh,oo aad waxii towjiihin iyo sixid ah aad gudaha ka bilowdaan.

    2: In aad, aad isaga fiirisaan sida aad arintan xal ugu heli lahaydeen.ood qaabka aad dhaliunyarada ugu naseexaynaysaan uu noqdo qaab daqiiq ah oo aad looga fikiray.oo aad iska ilaalisaan sida ninkan ASAD la baxay uu uhadlayo.

    Ugu danbayntii waxa meeshan laga wada hadlayo,waa mustaqbalkii umaddeena,waa jiilka barito soo socda sidii xal loogu heli lahaa,sidii umaddan iyadoo xor ah ay ilaahay u caabudi lahayd.marka walaalahayga musliminta ahow wax kastoo la isku fahmi waayo waa inaan cay iyo usluub xumo imaan.oo qaabka xiwaarka aad loo ilaaliyaa, waxaan ugu danbayn idin xasuusinayaa markii uu alle u diray nabi muuse fircoon, waxii uu ku yidhi……waxaan kaloon idin xasuusinayaa ninkastoo fikir kiisa si caadifaysan usoo gudbiya ama qaylo iyo cay kusoo bandhiga in uusan cidna waxba gaadhsiin karin.walow naftiisana ha ahaatee.

    WALLAHU-ACLAM

  26. hindi says:

    salaamun calykum waraxmatullaahi wabarakaatuh
    baroortu orgiga ka wayn
    waxaan sidaa uleeyahay waxaan ogahay inaanay sheekha nasteexo ka ahayn ee tahay dhalintii iyo ardaydii jamaacada ictisaam ayaa layga fara maroojiyey , oo waxaan hortaaganahay elowayn danaystayaal ubadan ,takale waxaa jirta goorma ayuu sheekhu sidaa somaaliga ubartay , waxaan filayaa in inta lasoo diyaariyey lagu dul- akhriyey dabadeed sidaa dadka loogu sooo bandhigay , waliba ciddaan utuhmayaana waa sadex nin oo kale ah
    1- axmed c/samad
    2- abu- xasaan ( ninka iska leh shabakada)
    3- khadar badeed
    waayo waa ragga kaliya ee xagga luuqada somaliyeed ufaradhuuban

  27. ramlah says:

    Ku Hindi asc waxaa mahada iskaleh illaah oo qofwalboo muslim ah quxuuqdiisa in la ilaaliyo cadeeyay marka kale walaal waxaan kuugu waani lahaa inaad goojisoaan adiga iyo kuwa kula filka ah aflagaadada culimada oo aad caado kadhigateen how la’aan awgeedna sababtu tahay waxaadna ogaataa insheeqo aqoontiisa gaarsiisantahay Dr oo uusan ubaahneyn in somali looqoro ama lagu aqriyo walaal alle(CW) waxa u yiri waani waanadu waxey anfaceysaa mu’miniinta waxaan rajeynaa in aadkamidtahay

  28. ramlah says:

    Ku Hindi asc waxaa mahada iskaleh illaah oo qofwalboo muslim ah quxuuqdiisa in la ilaaliyo cadeeyay marka kale walaal waxaan kuugu waani lahaa inaad goojisoaan adiga iyo kuwa kula filka ah aflagaadada culimada oo aad caado kadhigateen how la’aan awgeedna sababtu tahay waxaadna ogaataa insheeqo aqoontiisa gaarsiisantahay Dr oo uusan ubaahneyn in somali looqoro ama lagu aqriyo walaal alle(CW) waxa u yiri waani waanadu waxey anfaceysaa mu’miniinta waxaan rajeynaa in aadkamidtahay

    ramlah | Oct 5, 2008 | Reply

  29. asad says:

    ku Somali ninka labaxay
    kuwa jihaadka ku jiraa ma macsuumiin baa?
    waxaad ogaata waxaa jihaadka qaladaad ku gali jiray Saxaabadi Rasuul(scw) oo mar Dameer Goowracday ,marna nin Ashahadanaya dilay waa dhacdadii Usaama ibnu Zeyd, marka mawaaxd rabtaan in indhaha laga qabsado gumaadka iyo Gaaleeysiinta ay ku kacayaan Kooxaha Jihaadka ku jira? taas marna ma dhaceyso
    marka labaadna hadii aad cadaalad ku hadleyso maxaad uga hadli weyday kuwa hada aflagaadeynaaya Sh Bashiir oo aad ismoogeysiineyso?
    Marka sadaxaadna ma ogtahay sababta sida sahlan kal hore Xabashida ugu qabsatay Gobolka hiiraan waa adiga eedayee ciidanki Gobalka joogay ?
    waxaa gobolka in si sahlan loo qabsado sababay Alshabaab Saraakiishooda oo ku qasbay taliyihii qaabilsanaa Jowhar iyo Hiiraan C/laahi Macalim in loo wareejiyo jihada Bakool ayaga oo sheegay in ay u doorteen taliye Cusun o Alshabaab ah cadaadis badana ku saaray Maamulki Mxaakiimta taasoo keentay in Gobolka hiiraan Difaaciisii laga saaro oo ay ku haeaan koox yar oo Alshabaab ah, loona diro ciidankii C/llhi Macalim uu horkacaayay dhul Biyo Fadhiyaan oo aan Gaadiidkii dagaalaka ka bixi karin si uu u gaaro bakool waayo waxaa jiray xiligaas Roba fara badan, sidaas dareed ayay AlShabaab Meesha uga soo carareen ee mesha ma joogin Maleeshiyo Beeleed ama mooryaan
    Mida kalae waxaad iloow san tahay oo aadanba akhrin sida kaa muuqata waanada Shbashiir oo ah in koox yar ama dad yar eysan arintaan waxba ka tari karin marka Soomali oo Dhan waa Muslimiin mid walba oo Gaalada la Dagaalamayana waa Mujaahid ee marna Mooryaan ma aha Mujaahidka, hadii saas la yiraahdana waxaad ogaataa ciidanka ugu badan ee Alshabaab waa Mooryaantii lasoo dhaqan Celiyay xiliyadii Midoowga Maxaakiimta howlaha bilaabayeen, maxaa yeelay Alshabaab nin Cilmi leh ama Caqali ku filan leh ma raacaayo waayo waa khawaarij aan geed ku gaban

  30. Abu-jacfar says:

    TO:DHAMAAN DADKA SOMALIYED.

    Waxaan aad uga fikiray qaabka siyaasadeed ee uu wadanku wakhtigan marayo, waxaa ii soo baxday dhowr arimood, marka bal ila fiiriya.

    1: Waxaa Muuqata in cadowgii uu ka quustay in uu isagu waajaho mujaahidinta soomaliyeed,qorshaha cusub ee ay hadda wadaana waa inay iska horkenaan walaalaha gudaha kujira,arintaasna waa arin aad ugu sahlan wayna sameenayaan,ALLE MAQADAREE!!!

    2:Waxaa muuqata in walaalaha mujaahidinta ee kala qaybsan,ay isku hayaan afkaar,waxayna u qayb samaan qaybahan

    a) Fikirka Al-ictisaam
    b) Fikirka Al-shabaab
    c) Fikirka Aala-Sheekh
    d) Fikir aan meelna haysan.sida Raskambooni.
    Waxaa intaas sii dheer fikirkii qabiilaysiga oo marjic u ah qabiilkasta.!!

    3: waa ii muuqata in lagu kala tar-tamayo maamul usamayta gobolada si qolo kastaa ay iyadu iclaamka uga hadasho una sheegto inay meeshaas qabsatay.

    4: waxaa ii muuqata in qolo kasta ay go’aan ka gaadhayso arimaha waa wayn ee masirka umadda khuseeya iyagoon kuwii kale latashanaynin.

    5: waxaa ii muuqata in jihaadkii wali dhaafi la’yahay gobolada konfureed iyo s/galbeeda mar horeba la iloobay.

    6: waxaa ii muuqata in shacabkii soomaliyeed ay aad usoo fahamayaan waxay kala yihiin wadaadan is hays haysta.go’aana ay ka gaadhi doonaan kii ay sida buuxda utaageerayaan.

    Hadaba dhamaan walaalaha kala fikirka ah ee aan kor kusoo xusay,waxaan ka codsanayaa inay kasoo fikiraan qodobadan iyo kuwa lamidka ah ee ay is waydiinayan , ilaahayna uga baqaan musliminta shacabka ah ee ku tabaalaysan inta ushaxaysa MUQDISHO illaa HARAR.iyo kuwa dibada kutabaalaysan ee ilmahoodii gaala haysato.

  31. asad says:

    waa wax laga naxo in khawaarij iigu yeerte waab aan Sunahii ku qotamin illlaaah ayaan ka magan galayaa inaan khwaarij noqdo
    tan kale Calmaaniyiinta waa dad Diinkii iska nacay oo warkoodu waa naqaane waxaa ka xun kan Diinkiina wata Diinkiina an ku dhaqmeyn oo Bidcada Diinka Moodo
    Waxaan kunacnay Syyfiyo wanaag jaceyl aan loo fiirineyn Sunadii nabiga taasoo keentay in ay yiraahdaan Kheyr batay waaye wax walba oo xumaan ah oo ay sameeyaan, waxaa lamid ah Suufiyada amaba ka xun kuwiinaan Jihaadka oo Cibaado ah ku dhex sameeynaya wax walba oo ilaah xarimay idinkoo leh waa kheyr waxa Mujaahidinta doonayaan, wax kheyra ma ajiraan hadii aysan Ikhlaas iyo Sawaab aheyn mana la yiraah jihaad wax caamo ka fatwooneyso oo xaaraantii xalaaleyneyso, maqabyaaladaa waxa aan sheegay oo ah inuu Fu’aad yiri waa xalaal dhiiga Qaar ka mid Beelaha Muqdisho? ma Qabyaaladaa in odayashi la ogaa kaalintii ay ku lahaayeen ladagaalka iyoobiya la difaaco hadii Fu’aad uu dhiigooda baneeyo? ma qabyaaladaa in laga digo fekerka qawaarin o ah maanta mid Daahir ah?
    JIhaad waa Cibaado u baahan in la waafajiyo Dariiqaii ay saxaabada mareen, hadii kale in nin walbaa qori la boodo jihaad ma aha waxaa ku dhumay Cibaado aan Cilmi lagu sameyn Nasaaro o uu illaah ku tilmaamay kuwa Baadiyoobay, kuwaan jihaadka aan Cilmiga loo fiirineyn ku jira ee Culimadii afka qabtay kii hadlana Sida Sh Bashiir Af lagadeynaya waa Baadi la mid ah kuwii Nasaarada ogolaada ama ha ogolaanina
    MIda kale ogaada hadlii la jihaado oo la galo qalardaad waaweyn oo dhiigii mUslimiinta Iyo Sharaftoodii meel looga dhaco waa qasab in laga hadlo maxaa yeelay Rasuulka waxaa uu ka waaniyay Saxaabadii oo Jihaadeysa markii qaarkood laayeen Muslimiin sida dhacdadaii khaalid iyo tii Usaama ibnu Zeyd waana ka waansamai jireen, maxaa idinka idiin Diiday inaad wanaaga Culimada ka maqashaan hadii ay runtiin tahay in aad jihaadeysaan illlaah dartiis?
    Sidioo kalew Nabiga waxa uu arkay Maalim ayadoo lagalay jihaad Meyd Hawaeen oo dhex xooran Goobtii Dagaalka waanu ka carooday Rasuulkuna waxa uu baray kuwa aan la dileynin marka la jihaadaayo, marka waxaan naqaan ognahay inaad leeysaan kuwii rasuulka ka digay in la dilo weliba Masaajida Hortooda sideen uga Aaamusnaa ama Munkaarkaas ugu Raali Noqaonaa?
    Hadaad Rabtiin in Xaqa qarsoomo jihaad kuma jirtaane ha is daalinina, hadaad jihaad rabtaana Culimada Cilmiga leh la tashto.nin walba oo qori leh uun yaan Culimo la moodin sida Fu’aad iyo Muqtaar Rooboow waalayaqaan aqaoontooda waa arday yaryar oo riditaanka xabada iyo fatwadaba ku dhiiran waa geesiyaal aan ka baqaeyn Illaah oo ayadahissa xaq dhowreyn waa dhiiranayaal aan ka baqeyn in loo qabsado in ay illaah diinkiisa ku daraan wax aan ka mid aheyn
    Astaamahaas waxaa lagu yaqaaney Qawaarijtii hore mid walba oo raaca jidkoodana waa la mid ha ogaado ama yuusan ogaaan

  32. asad says:

    Xaaji Axmed Diiriye “Mukhtaar Roobow in meelaha uu joogo ay gaalo kusoo degtaan deeqna laga qeybiyo uuna ka xayiro shaqada Samafalka Gobolada Dhexe waa wax aanan soconeynin”.
    waxaa la daabacay Sun 05 Oct 2008 03: 49: 27
    Xaaji Axmed Diiriye Cali oo Habeenkii xalay wareysigii ugu warka badnaa siiyay Idaacad kutaalla Gudaha Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo aad u fara badan.
    Waxa uu sheegay in kulan ka dhacay Gudaha Dalka looga hadlay xaalado fara badan oo ay kujiraan xeritaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, AMISOM waxa ay kudhaqaaqayaan iyo barakaca sii soconaya.

    Axmed Diiriye ayaa ugu horeyn sheegay in dhowaan looga hanjabay Masjid kuyaalla gudaha Suuqa Bakaaraha lagana sheegay in Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ay yihiin kuwa soo wad wax weyn oo Islaamka wax u dhibaya.

    Waxa uu sheegay ninka sidaasi masaajid lagu cibaadeysto ka faafinaya warkaasi uu yahay sida ay la tahay nin aanan qoon wanaagsan laheyn, waxa uu tilmaamay in ay iyagu yihiin dadkii Naftooda u huray sidii Umaddani lagu badbaadin lahaa iyo sidii Muqaawamada ay mar waliba u difaaci lahaayeen iyaga oo sheegi jiray in Muqaawamada ay yihiin dad dalkooda lagu soo duulay oo xaq u dirir ah maantana meeshii ladoonayay in hadiyad ama magac iyo maamuus loo sameeyo in loogu badalay in layiraahdo waa Target.

    Waxa uu kutilmaamay Ururka Mujaahidiinta ee Al-shabaab in ay yihiin kuwa aanan la ogeyn wax u jeed ah oo ay leeyihiin, isagoo sheegay in ay xireen garoonka diyaaradaha oo shacabkii oo idil ay ka hor istaageen wax badan oo ay halkaasi ku heysteen.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-Mansuur) uu ku qaldan yahay in Hey’adda Care uu u diido in ay ka hawlgasho Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya xilli ay deegaanada uu kusugan yahay ee Gobolada Bay iyo Bakool ay kusoo deganayaan diyaarado ay saaran yihiin Ajaanib gaalo ah kana hawlgalayaan gaaladaasi gudaha Goboladaasi.

    Waxa uu sheegay in waxa ay dadka ku dilayaan aanan la ogeyn dano gaar ahna laga leeyahay waxa ay sameynayaan oo aysan aheyn wax ujeedooyin gaar ah laga leeyahay.

    Mar uu ka hadlayay Cabsi uu ka qabo in ladilo ayuu sheegay in Ajashiisa waqtigeeda ay ku egtahay isla markaasina aanu jirin cid u ka baqayo xilligani haddii ladilona la yaqaano cidda dishay ayna ka dambeeyaan dad maadaama qof kasta uu dad leeyahay.

    Ugu dambeyntii Xaaji Axmed Diiriye oo sida muuqata aad u careysnaa ayaa ku baaqay in ciddii ujeed leh ay ka fakarto wax waliba oo ay sameyneyso isla markaasina wax waliba caqli saliim ah lagu soo dejiyo oo aanu aheyn in wixii ladoono la iska sameeyo.

    QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
    ahlu xaligii waa la heestt oo Culimadii waa la heestaa yaa Dalka iyo Diinka ka hadli doono hadii kuwaas yaana ummadaan masuuliyadeeda la weydiina hadii an kuwaas l weydiin mal Niman aan la aqoon dsnta ay leeyihiin iyo Cida ay u shaqeeyaan maadaama ay Diideen dantii hsacabka iyo Culimadii Diinta

  33. Kutubeey says:

    Scww

    Marka hore Allaa mahad leh marka xiga Naxariis iyo nabadgayo nabaga dushiisa ha ahaato ??? ???? ???? ????.

    Intaa kaddib Sh.Bashiir waa shiikh caan ah lehna Cilmi uu ku soo tabcay una maray dhul badan mid masjid iyo mid Accademic ahba.

    Wuxuu sheegay waxyaabo badan oo dhab ah laakiin aysan garan karin dadka aqoonta diintu ku gaabantahay.

    1. Taariikhdu ma arxanto oo waa qorantahay in Nahrul-baarid inta la galo xabbad laga dhex rido ayadoo aan awood lalahayn waxay dhalisay in lalaayo gabi ahaan raggii halkaas galay in la qorsheeyo in hubka laga dhigo guud ahaan xeryaha falastiiniyiinta ee Lubnaan ku yaal Nahrul-baaridna laga dhigo kan ugu herreeya oo lagu fuliyo, sidoo kale waxaa ka dhalatay in Ahlu-sunnah Lubnaan la luqun jibbaaro oo Nasrallaah iyo xisbigiisu ay say doonaan yeelaan haddaba fikirkaas raggii qabay oo yiri Nahrul-baarid baan ka dhex jihaadaynaa maxay soo kordhiyeen? aan ka ahayn inay naftoodiina malgeen muslimkiina wiiqeen.

    2. Masjidul-Axmar Raggii galay maxay soo kordhiyeen aan ka ahayn inay u sahleen ciidamada Pakistaan in ay gumaadaan dad farabadan oo meesha ku jiray.

    3. Soomaaliya haddaan ku noqono Xarakada Shabaabku waxay afduub ku qabsadeen maxkamadihii ayagoo xoogga saarayay in ay wadaan dagaal aan lahayn marxalado iyo dhamad toonna laguna soo koobi karo in lagu ilaaliyo rag Gaaladu raadinayso naftooda iyo in Xukunku ku uruuro gacantooda, Taasina waxay dhalisay Jabkii taariikhiga ahaa ee keenay in Xabashidu ay soo gasho Ubucda Soomaaliya ayagoo aan waligood ku riyoon.

    3. Hadda Shabaabku wali kama ilbixin Siyaasad xumidii lagu jabay ee wali waxaa socda wixii wax ka liita sida, Waa Murtad ee hala dilo, Waabuu ONLF Marti galiyay ee dila, Waabuu hebel shaxaaday ee dila, ilaa ay hadda qaybiyeen qoraallo lagu gaalaysiinayo Sh. Shariif iyo Sh. Xasan Daahir taas oo la oran karo waa wax aan diin iyo caqli midna ku fadhiyin ee dano gaar ah iyo xukun doon kaliya ay tahay arrintu haddaadse rabtid inaad fahantid waxaan Akhri Casrigii Mamaaliigta iyo wixii dhacay Akhri wixii dhexnaray banil-cabbaas iyo banuu-Umayah, aad ogaatid sida kursigu u hilaamnsiiyo qofka xaaraan nimada Dhiigga Muslimka.

    4. Hadda waxay Dawlad ka sameeyeen Kismaayo, waxay isku dhajiyeen jagooyinkii muhiimka ahaa iyo dhaqaalihii, waxay hadda rabaan in ay dhisaan Wax loogu magac daray Al-dawla al-islaamiya fi soomaal- taas oo la mid ah tan Ciraaq.
    Waxay Gaalysiiyeen Odaayaasha Beelaha Hawiye Odayaashuna waxay wacad ku mareen inay gacan bir ah kal hortagi doonaan Gal (www.Calanka.com) oo ka dhagayso Axmed Diiriye warkiisa, sidoo kale waxay xireen Airportiga Muqdisho kaliya si ay ugalaan Warbahinta ama ay lacag uga qadaan shirkadaha.

    5. Madaarka la xiray waxay ku xijiyeen inay hal hoobiye ka tuuraan xaafad aamin ah kaddibna ay gaaladu soo duqayso maatada haddaad akhridid webkooda Kataaib.net waxaad arkaysaa in dantoodu tahay halagu maqlo ee aysan innaba u danqanayn shacabka la gumaadayo.

    Haddaba maxaa dhici kara haddii la sii wado caqligaas foorara.

    Waxaa dhici kara in malxamo ay ka dhex dhacdo Islaamiyiinta hubysan oo kala ah Al-shabaab iyo kuwa kale.

    Waxaa kale oo dhici doona haddaanay is dabaqaban in Qabaailka Koonfureed ay cagta mariyaan kooxdaas amaba xataa ay la jaal noqdaan Gaalda si ay uga takhalusaan kooxdaas.

    Shalay baa u danbaysay waxay ka tuureen Hoobiye Masjidka dbaqaynka ee madiina ayagoo duqaynaya Airportiga, kaddibna waxaa ku yaacay dadkii oo xabbad ku hurgufay ila laga qabsday Hoobiyihii ay ridayeen sababtuna waxaa weeye dadkii ayaa ka cidasaday inay joojiyaan waxaan si aan ayaga loo gumaadin laakiin waa diideen.

    Ugu Danbayn wixii ka dhacay Ciraaq Soomaaliyana Dhawaan bay ka dhacayaan haddaan loo caqli celin kooxdaan, waxaanan hadal kagyga ku oo gabagabaynayaa bal aan sugno waxa dhaca malmaha soo socda.

    Sh.Bashiirna Allaah ha barakeeyo.

    hana xasuusto markay u yimaadeen Xasan-Albasri raggii rabay inay Xajaaj la diriraan ee uu ku yiri war ninkaanu hadduu yahay ciqaab idinku kuma celin kartaan seefihiina ciqaabka alle ee dhawrsada awood mahaysaane, waxay ugu jawaabeen ma Cijligaan baad maqlaysaan (?? ???? ????? ????????.
    Haddaba Ragaas Xajaaj ayaa gumaaday kulligood Xasan-Albasrina Allaha naxariis siiyee waa badbaaday Adduun iyo Aakhiraba.

    Marka Shiikhanaa intaas adna ku sabar.

    Scww

  34. ABSAMAAWI says:

    KUTUBEEY KHAYR ALLAHA KUSIIYO

    waad bayaanisay,laakiinse cidii fahanta unbay anfici waxa laga hadlayo.

    WABILLAHI-TOWFIIQ

  35. waaya arag says:

    asc wr wrbr,
    sh. bashiir allaha ka abaalmariyo maqaalka culus ee uu ku qoray boggaan, wuxuuna cabbiraya wada ay hayaan culimada muslimiinta iyo ijmaacooda.al-shabaab waxaan dhihi lahaa manhajkiinna ku noqda oo waxaad waafajisaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga.waxaana u daliil ah adigoo aan meelkale u doondoonin sheekha isku tilmaamay in uu idinku aqoon badanyahay maqaallo badanna uu ka qori doono sh bashiir Allaha xifdiyo hana badiyo isagoo kale.wuxuu yiri waxaa lagu gartaa in aqoon islaami leeyihiin ,in muxaadaraad dad badan u jeediyaan in ay madarasooyin islaami oo ay dad ka buuxaan wax baraan. Allaahu akbar tan waa calaamadda dadka lunsan miyaa???????!!!!!!!!!!!
    hanuunkana waa in uu qori wataa oo dadka gaaleeysiiyaan, goowracna mariyaan miyaa.Sh. bashiir wuxuu lasoo dagaallamay shuuciyaddii soomaliya ku habsatay waana jabiyaeen dadka muslimiinta ah iyo shabaabka islamiga waa mirihii kasoo baxay.
    miisaanka Allaha idiin soo celiyo.

  36. Mohad - Cadaado says:

    Asalaamu Alaikum,
    Bro Sheikh Bashir aad ayaan ugu farxay markaan aqriyey qoraalkaaga, waana mid loo baahnaa, dad badana kaa sugayeen.

    War Sheikh Bashiir waa Reer Cadaado, ee ha ku qaldinina Puntland. Subxaanalaah.

  37. Nadifa says:

    Assalaamu Calaykum.

    Ku: dhammaan walaalaha dhiibtay afkaarta kala duwan ee kor ku xusan.

    Hadii dadkii aqoonta lagu tuhmayay sidan u hadlaan maxaa laga fili karaa caamada waa su’aal?

    Tan kale, qaladka oo la sheegaa macnaheedu maahan in la ceebaynayo mujaahidiinta amase qaladaakooda la daba galayo, caaqilku waa kan ka faa’iidaysta qaladaadka dhaca, hadaba inaan runta isu sheegno oo aan wax is tusino qofna aan noqon maro ku dheg ama aanu fikirkiisu ku dhegin ee hadii uu dareemo in laga saxanyahay inuu tanaasulo maxaa noo diiday hadaan soomaali nahay.

    Sh. Bashiir kheyr ALLAHA siiyo fikirkiisa iyo sida uu runta u abbaaray lakin dadka qaar bay ku wacnaan lahayd in fikirkaa lagu dul akhriyo waa hadday leeyihiin dheg wax maqlaysa.

    Ummadda soomaaliyeed iyo umadaha kale ee jihaadka ku jira ilaahay ha fahamsiiyo macnaha dhabta ah ee jihaadka, waxana aan aad u talin lahaa in la akhriyo buugaagtii uu qoray sh. cabdalla cazaam.

    Walaayaal waxa fiican in aan khibrad ka qaadanno gefekii hore ee dhacay iyadoo aan la isku ceebaynayn balse qolada gefekaa gashay waxa iyana wacan inay ka tanaasulaan ee aysan fikirkii qaldanaa weli ku sii dheganaan, wa aiga nasteexo, otherwise ummada yaan la halaagin.

    Dadku cadifiyiinta ah ee ka dhex abuurmay saxwada ALLAHA xaqqa fahamsiiyo iyo macanaha dhabta ee jihaadka iyo sidii xikmadeysneyd ee rasuulku u jihaadi jiray, hana laga danbeeyo culimada, hana la taageero manhajikii saxiixa ahaa intii la taageeri lahaa fikirro xizbiyo ama xarakaat kala duwan.

    ALLAHA xaqqa na wada fahamsiiyo.

    Nadifa

  38. Nadifa says:

    Assalaamu Calaykum.

    Walaalayaal intaan isku mashquulsannahay ayay gaaladuna tashanaysaa horta sidaa ma ula socotaan.

    Waxaa aad iiga caraysiiyay maqaal uu qoray nin qoraa kenyaan ah oo sheegay in soomaliya la kala qeybsado oo lagu kala daro kenya iyo ethopia, taasna waxay ka turjumaysaa hammiga dhabta ah ee labadaas waddan leeyihiin inay sidaas tahay.

    Waxa u jawaabay kheyr ALLAHA siiyee nin qoraa weyn ah oo greek ah balse asal ahaan turkish ah iyo wiil kale oo malaha soomaali ah.

    Marka walaalyaal intaan anaga isu jawaabayno waxa mudan inaan dadkaa cadowga u jawaabno, intaan anaga isu muuqan lahaynna waxa fiican inay dadkaas noo muuqdaan.

    Faraska waxa usha loogu dhuftaa inuu sii dheereeyo, sidaas baan noo wada canaananayaa walaal ee si kale igama aha.

    ALLAHA xaqqa na fahamsiiyo.

  39. XOG-OGAAL says:

    asc
    waxaa mahad ay u sugnaatay ALLAHA adoomada abuuray una abuuray inay caabudaan ayaga oo raacaya qaabkii la yiri alle u caabuda taas oo ah sidii uu inoo sharaxay suubanaha scw intaas ka dib.

    COLKA WARAF MALAGU DAYAY runtii waa murti aad u qiimo badan fahana u baahan , waana hadal aqyaareed oo loogu talo galay IN AY WEELAYSO DHAG WAX WEELAYSO oo ALLE xaqa ku sugay

    hadalka sheeqa amaba amiirka jaamacada xaga dacwada ugu baaca weyn ee jirta soomaaliya iyo jihaadkaba ,waxaa ay ku tusinaysaa in ALLE aanu dayacayn adoomadiisa sida dhabta u caabduda ee aan talaxtagid ama gaabin midna la imaan.

    waxaa hadalka sheeqa ilaahey ha xifdiyee ka muuqda caqli celin ,waano, talo iyo tusaalayn intaba isaga oo aanan cidna u gafin kana duulaya balankii ay cullimada qaadeen ee ahaa in aanay qarin xaqa haba ka soo horjeesto wax yaabaha dadka qaarkii la qurxan.

    walaalayaal mar hadii aanan ogalayn in dhaqtar qof aanan aheyn uu san daawo ii qori karin ,ma waxaa macquul ah inaan qof cilmiga sharciga aanan aqoon inuu noo fatwoodo waxa uu sharcigu yahay oo ummada dhan oo jirta oo cullima waaweyn leh alaha xifdiyee inuu jahligaas ku hogaamiyo.

    waxaa tusaalayaashii sheeqa ka mid aha in aysan soomaaliya afgaanistaan aheyn oo ula jeedada ugu weyn ra,yigayga ay aheyd in wadciga soomaaliya ka jira in uu ka duwan yahay sidaa daraadeed na loo baahan taktiiga hada lagu socdo in wax laga badalo maadaama wadamada soomaaliya dariska la,ahna ay yihiin wadamo cadow ah haba ku nooladaan dad muslim ah, soomaaliduna aynan aheyn dad gartay xaalada khalafsan ee la soo gudboonaatay waxaana daliilka ugu sahlan in wadaadihii halgankii labada sano ahaa uu cabsi ummadii ku abuuray in uu natiijo xun ku dhamaado cadowguna saas inooga faa,iidaysto

    taas oo runtii aad maqli doontaan cullimmada uu sheeqanaga ugu horeeyo oo afka furato oo hada waa dulmaree in la isu bidhaamiyo waana tan hadalka uu sheeqa ku yiri xalaal barqaa la quutaa ee waa in hadii arintu diin tahay in banaanka la yimaado lana cadeeyo mowqifka diiniga ah ay walaalaha qaar ku diidan yihiin cullimada

    waxaan anugu shaqsiyan arkaa in cullimada soomaaliyeed iyo anaga oo ardaydooda ahba howl adag baa inoo taal waa in aan xaqa isu kaalmaysanaa mida hore allena si daacad ah loogu xirmo la sameeyo talooyinka soo socda

    1- IN LA HAGO HOWSHA JIHAADKA EE KA SOCOTA SOOMAALIYA AYADA OO LAGA SHIDAAL QAADANAYO KITAABKA ALLE IYO SUNNADA NABIGA

    2- IN CULLIMADU IN AY HORKACAAN UMMADDA XAALAD MURUGSAN BAA LAGU JIRAA SIDII SHAKHUL ISLAAM IBNU TAYMIYAH WAAJIBKA LOOGA SOO BAXO ,WAXAA LA SHAKA AH IN DHALIN YARADU AY SAN RAACI DOONIN DADKA AFKAARTA GURACAN AAMINSAN EE AY RAACI DOONAAN DADKA DIINTA U KHIDMAYNAYO.

    3-IN CIDII AFKAARTA QALDAN AY AAMINSAN TAHAY KA SOO LAABAN WEYSO IN LA SHEEGO UMMADANA LOO SOO BANDHIGO ILEEN WAXAAD QARSATO WAA KU QURUNSADAANEE IN BAADILKOODA DADKA LA TUSO DHALINTANA LAGA SOO REEBO ILEEN WAXA AY QATAR KU YIHIIN JIRITAANKA UMMADA DIINTA IYO DACWADA WAANA MAAGAABYAAL AANAN FAHMIN MAQAASIDA SHARIICADA

    4- WAA IN HUMAAG IYO MUGDI BADAN BAA KU JIRA SHACABKII WADAADIHII BAA IS DAGAALSAN BAAD MAQLI LAAKIIN XAQIIQADII WAXAA IS DAGAALSAN WAA FAHAMKII SAXDA AHAA EE DHAMEYSTIRNAA IYO KII GAABNAA EE BARKA HAA OO QALDANAA KUNA SALEYSNAA XAMAASAD AAN SAL ADAG KU FADHIN OO KHAYAALI AH

    WAXAAN JECLAYSTAY INAAN MUUJINO TAAGEERADA AANU U HEYNO CULLIMADA UU HORMUUDKA U YAHAY SH, BASHIIR ILAAHEY HADHOWRO XAQANA ALAHA KU SUGO

    WAXAAN SAXAY WAXA AY KA AHAADEEN ILAAHEY XAGIISA WAXAAN QALDAYNA NAFTAYDA IYO SHAYDAAN

    WALAAHU ACLAM WABILAAHI ALTOWFIIQ

  40. ABSAMAAWI says:

    TO: XOG-OGAAL

    Walaal allaha kaa ajir siiyo,sida wanaagsan eed wax ubayaanisay,danbigaagana allaha dhaafo.intaa kadib.

    Waxaan aniguna jeclaystay,inaan muujiyo taageerada aan uhayno culimadeena xaqa inoo sharxaya(kitaabka iyo Sunnada ) Oo uu hormuudka uyahay, sh:bashiir iyo ragaas kale ee aan la tirin karin.

    Hadaba culimadeena waxaa looga fadhiyaa inay wax badan dib ufiiriyaan,khaasatan MIDNIMADA umadda taas oo ah arinta ugu wayn ee hada umadani ubaahan tahay, haday jihaad ahan lahayd iyo hadey salaad ahaan laheydba.

    hadiisa taa la idinka waayo culimooy ogaada “meel sunno ka baxday bidco unbaa soo gasha” bidcadaasi muhiim ma aha meeshay ka imaanaysa.haday ka imaan jabuuti iyo hadey ka imaan afgaanistaanba.waa un “BIDCO”

    *************** WALLAHU-ACLAM ****************

  41. abucabdurraxman says:

    ??? ???? ?????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ????
    ???? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ?????
    ??? ??? ? ????? ????? ??? ???? ? ??? ??? ??? ???
    ????? ? ??? ???? ????? ??? ?? ???? ? ??? ???? ???? ??? ??? ??? ???? ?????? ?? ????? ? ??? ?????? ????? ??? ??????? ???? ??? ???? ???? ???? ? ?????? ???????? ?????? ????????? ????? ?????? ??? ????? ????????
    ???? ????? ???? ????????? ?? ????? ?? ?? ????
    Si kastoo loo hadlo, mar haddaan la dhahayn xalku waa midka rabbi soo dajiyay oo kaliya in la fuliyo oo lagu dhaqmo , waxa intaas ka soo hara waa nin walbow qumanahaaga baa qoorta kuugu jira
    Ee waa iga talo qof walbow miizaankaaga ka dhig manhajkii rabbi soo dajiyay oo barax la , diinta barta inta aydan ragga baran , karaamadu waxay ku jirta in la soo nooleeyo jihaadka rabbi oo aakhiro loo qalab qaato , wallaahu aclam wa acazz wa aqwaa wa akmal wa ajmal wa acdal wa axsan wa aclaa.
    QORE , ?????? ??? ???? ????
    HABAYN AXAD
    SHAWAAL 13 / 10 / 1429 HIJRI

    abucabdurraxman | Oct 11, 2008 | Reply

  42. asad says:

    jihaadka waa wax weyn makaanadna ku leh Shareecada islaamka waana cibaado waxaana loo baahan yahay laba arin in aad looga fiiriyo wax walba oo Cibaado ah
    1-waa in ikhlaas loolayimaadaa oo waa geesi iyo koox hebel ha kor marto hadii ay arinta noqoto waa hal bacaad lagu lisay
    2-waa inuu waa wafaqsanaado jihaadka jidkii Rasuulka iyo Saxaabadiisii, oo waxii aan banaaneyn jihaad ahaan xeligii nabiga maantana ba banaana ha ahaato waayeelo la dilo,naago la dilo, nin Ashahaadana oo la dilo xataa daqiiqadaas ka hor cdawga haka tirsanaadee, qaniimada oo lagu tasarufo si gaar ah,
    marka walaalaha ayaanta jihaadka waa kheyr kaliya caadada ka dhigtay ee xariga qoorta u saaran yahay shareecada ka dul boodaya waxaan dhihi lahaa jihaadku waa kheyr hadii aan la khilaafin Shareecada islaamka oo aan xadgudub iyo xaaraan lagu dhex sameyn….

  43. Akhul Muslimiin says:

    Waxaan taageersanahay xaqa meel kasto oo uu ku jiro. Waxaan walaalaha ugu baaqayayaa in culimada iyo mujaahidiinta la ixtiraamo, waxaan culimada ugu boorinayaa inay nasteexa ka dhigaan wax u sheegooda, oo aysan fadeexo ka dhigin sababtoo ah hadii la is duro wax u sheeg ma noqonayso e waxay noqon cebeeyn iyo cambaarayn. Waxaan ka digayaa shaqsiyaadka sii buunbuuninayaa khilaafaadka jira xili loo baahanyahay. Khaasatan, walaalkay XOG-OGAAL walaal jooji waxyaabaha aad wadid kala dilka kuligeen muslimiin baan nahay. inta aan culimada jecelnahay in le’eg ayaan jecelnahay mujaahidinta
    sidaa daraadeed jooji tacasubka iyo taxasubka. Illaahay wuxuu na faray inaan muslimiin ahaano. Sidoo kale culimada umada oo dhan ayeey u dhexeeyaan, sheekhi tacasub muujiya, waxaa loo arki inuu uusan umada u dhaxaynin. Dad badan ayaa u baahan in wax laga sheego sida gaalada nasaarada, munaafaqiinta, maadiyiinta iyo maamulada gaalada la baha ah, sida Somaaliland iyo Puntland. Say ku dhacday ayadoo kuwaa laga aamusay, in hadana wax laga sheego mujaahidinta
    kuwaada shahiiday iyo kuwada wali nool. Taasi waa cadaalad daro. inaba garsoor aan lahayn. Allaahum xaqa na tus naguna arzaaq raacistiisa.

  44. sharmaake says:

    run ahaanti walaalayaal musliminta ah waxaan waxaa keenay ilaah hadana asiga ayaa naga bixin karo waxaana wanaagsan colka in lagu dayo waraf

  45. badeed / hargeisa says:

    ?????? ????? ????? ????
    intaynu ka naqaano dhaqanka soomaali isuma garawdo hadlkana kama hadho (qormadab oo qudha raga qaar ayaa in 10jeer ku dhaw kusoo laabtay ) oo nin kastaaba xoog iyo xaal waxa uu kaga ururay ” walaahi anna waxay ila tahay” mushkilad kale ayaa jirata oo hadalka qoraalkiisa iyo dhihidiisuba waxay ugu aataar daranyihiin marka ay balwad kaa noqdaan taasna waxa u calaamad ah marka qofku aanu ka fekerin tolow kelmadaadani ma waxtar ayay leedahay mise wax yeelo . waxaad odhan kartaa dood-wadaagu ma xuma laakiin waxa lagaa odhan karaa : oo ma dad shakhsiyadooda iyo caydooda ayaa la dood wadaagaa , bal isha mariya hadalada iska soo daba dhacaya ee lagu qasay murtidii sheekha haa waa bin aadam oo wuu khaldami karaa lakiin waxa ii muuqata inaan xaajadu ahayn khalad sax ee ay ka ambabaxayso qabeen hore oo qofka ug duugnaa .waxa iyana haboon inaynu ku baraarugsanaano cida sh.bashiir oo kale sixi kartaa waa ayo ? hadii nin kastaa halkiisa budka ka soo qaato saw kadeed maaha mise waxa dhab ah maansadii hadraawi ee “rag siyaasi wada noqoy wada furay sil-siladaa hadbataanu suurayn yidhi anigu aan saxo ” waxaan markhaati ka ahay inay tuur-tuuryada hadaladan ay ka qayb qaataan dad aqoon diineed oo fiican lihi laakiin inteena badani waynu lugo,sanahay hawl aan teeni ahaynna waynu ku daalay (alla wanaagsanaa qofku marka uu yaqaano waxa uu ku fiicanyahay )aan soo koob : wax halys waydiiyo laakiin yaynaan xuduuda ka talaabin wax hala saxo laakiin looga darin hala qoro laakiin aynu ogaano in qoraalku amaano yahay
    ?????? ?????

  46. jemal mohamed says:

    walaal waad ku mahadsantihiin sida aad usoo bandhigteen musawirka dhabta ee maanta ka jira soomaaliya walaal intaa ka dib
    walaal waxaan inaga codasanayaa in aad ii soo gudbisaan ciwaan kamid ciwaanada golaha maxaakiimta gaar ahaan kuwa jooga d,jabuti iyo kawa asmara walaal waxaan doonayaa in aad xidhiidh la sameeyo walaal waxaan inaga sugayaa jawaaan waanan ini salaamayaa

  47. jamaal says:

    war nacas iska waynaday ooo dhakta wax loo galiyay ba tahaye wa lagugu adeegsadaye dadka afka ka jeedi qudhunya how biladiinti ihi wan ku fahmayna waxa tahaye ya kuwa isku sheega inay iyaga uun sax sanyihin ba tahay ok alshabab kula ha halka ad u dhuranayso an fahansanahay sax waxad qabta dadku wa wada galo ha la layo waxa joga somaliya oo dhan ina iyo inta na racda oo yar ha ka soo hadho dalka oo dhan ok wixi ale dhiiga dhegta ha loo daro waxasa la wareegaysa war dadka ilahay ba abuurtay adigu koonkan ma ma mushiid khalad ba iska dhadhicisay kowdhe se wa dali uun ok halka ka sii wado hawsha ya jaaaaaawno




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines