Fataawida Ramadaan (Q.8-aad)

Published on September 16, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo  Dr. Axmed X. C/Raxmaan.

  

Su’aal 22-aad: -Sheikh Ass.c.w.w. Salan ka dib Sheikh Waxaa Jira Qof 20 sano Ka hor Subax Soon ah Ku Fududaaday Xaaskiisa una La Jameecay, Markaas Ka Dibna Aan La imaanin Kafaaro Gudkii laga Rabay Daruufo Jiray Awgeeda, Hadda maxaa laga Rabaa Muxuuna Noqonayaa dambigiisa Arinta uu Suubiyay iyo Waqtiga Dheer ee Ka Soo wareegay, Sheikh Inoo Bayaani Kheeyr Badan Alle Ha kusiiyo Amiin.

  

Aljawaab:-ma adan sheegin duruufta kuu diiday in aad la timaadid kafaaradii kugu waajibtay.Haatan waxaa lagaa rabaa in aad ilaahay u toobad keentid oo aad la timaadid kafaaridii kugu waa jibtay oo ah waqtigaan la joogo oo aan la helayn adoon la xoreeyo, soon laba bilood ah oo israacsan hadii aadan awoodina quudin Lixdan miskiin.

Su’aal 23-aad: -Qofka haddii uu dhagool yahay Tarawiixda ma la tukanaya imamka mise keligiis ayuu biqisaaril mufasal ku tukanaya, maadaama uusan qur’aanka imamka akhrinayo uusan maqlaynin.??

 

Al Jawaab:-salaada taraawiixda waa shacaairta Islaamka,waana in jamaaco la oogaa sida sunada ah. Saas darteed qofka dhagoolaha ah iyo qofkalaba jamaacada ayaa fadli badan,waxaana soo arooray qofkii imaamkiisa la gadooma ama la dhamaysta salaada in loo dhigayo qiyaamu layl,marka hala tukado jamacada quraankana isagu ha akhristo ma daama uunan maqlayn,aamuskii iyo dhagaysigii lays amaray isagu kuma jiro suu maqlimaayee.

  

Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:

  

somalimirror@hotmail.com

    somalimirror@gmail.com     



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Fataawida Ramadaan (Q.4-aad)
  2. Fataawida Ramadaan (Q.7-aad)
  3. Fataawida Ramadaan (Q.5-aad)
  4. Fataawida Ramadaan (Q.6-aad)
  5. Fataawida Ramadaan Q.2-aad

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Fataawida Ramadaan (Q.4-aad)
  2. Fataawida Ramadaan (Q.7-aad)
  3. Fataawida Ramadaan (Q.5-aad)
  4. Fataawida Ramadaan (Q.6-aad)
  5. Fataawida Ramadaan Q.2-aad

Latest Headlines