Soo dhoweynta Bisha Ramadaan.

Published on September 15, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Allaa mahad dhamaanteed leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato Nabigeena Muxamed, Walaalayaal Ilaahay wuxuu ummadan Nabi Muxamed ku galadaystay nimcooyin aad u fara badan oo aan ummadihii hore la siinin, xilliyo khayreed fara badan oo isdabayaal, waxaana Ilaahay uu xilliyadaas u jideeyay xikmado fara badan oo ay ugu horeyso in lagu kala saaro sidii ay ummaddu kharka ugu dadaalayso.

 Bisha Ramadaan ee nagu soo fool leh waxaa ay ka mid tahay khayraadkaas uu Alle na siiyay,waxaana hor socda baaqii uu nabigu NNKH noo sheegay ” Kii khayr raadiyoow kaalay, kii shar wadowna naga joog, Allena wuxuu ka xoreyaa naarta dad fara badan ”

Waa bishii Allah ee weyneyd,waa mawsimkii sanadlaha ahaa ee nafta hufayay, tababaray, islamarkaana u sahlayay in ay kasbato khayraadka.

 

Walaalayaal in aad Ramadaan gaarto si aad u soonto waa nimco aad u weyn, Allaah baan idinku dhaarshaye immisa qof baa haatan qabriyada ku jiray oo ku taamayay in ay Ramadaanka gaaraan si ay u soomaan?!!.. haddaba su’aashu waxay tahay see baa kula gudboon in aad Ramadaan u soo dhaweyso?, maxaase kula gudboon in aad samayso?!

 

Bishani waa bishii Qur’aanka, waa maydaankii Dadka Janada shaqaysanay, waa bilicdii sabanka, waxaa qofka Muslimka la gudboon inuu ku qaabilo soo dhoweyn tan ugu saraysa oo ay ka mid tahay : Quraa’nka oo la akhriyo, aadaabta Soonka oo lagu dadaalo, Salaadaha oo Masjidka iyo Jamaacada lagu tukado, Taraawiixda iyo Tahajudka oo lagu dadaalo, Sadaqada iyo Zakada oo la bixiyo, xaaladda dadka dhibaataysan ee masaakinta iyo fuqarada oo lala socdo.

 

” Qofkii sooma Ramadaan isagoo Allah rumaysan, ajarna ka sugaya, ilaahay wuxuu u dhaafaa dunuubtii uu qofkaasi hore u galay ” . Waa cibaadada kaliya ee Allaah uu isagu isu tiiriyay, sidaa darteed buu isagu kaa abaalmarin ee ku dadaal cibaada.

 

waxaa ka mid ah waxyaabaha uu Allah u jideeyay Soonka in nafta la xakameeyo  oo laga reebo shahawaadka, in naftu ay ka kor noqoto waxyaabo badan oon macno ku fadhin oo ay u hanqaltaagayso, si kale marka loo dhigo waxaa lagu tilmaami karaa soonku inuu yahay saadkii ruuxda iyo raaxadii qalbiga. Waa arimo keeni kara oo mudan in qofka muslimka ahi uu ku farxo imaanshaha bisha Ramadaan, islamarkaana ay kuwa khayrka raadinayaa ku tartamaan.

 

Iska ilaali Walaakayga Muslimka ahoow ama Walaashayda Muslimadda ahaydeey in bishan Ramadaan aad ku qaabisho  cunto oo la cuno , soo jeed aan macno ku salaysnayn, hurdo aan lagaba kacayn iyo ganacsi lagu mashquulay oo wax walba ku dhaafiyay.

 

Maadaama bishan ay tahay bishii danbi dhaafka, bishii naxariista, bishii naar iska xoraynta, waxad isku daydaa inaad ka mid noqoto ( Allaah Ha  Nagu Daree) kuwa uu Alle ka raali noqday, iyaguna Alle ka raali ah, kuwaasoo ku qaabilay bishooda Ramadaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Rabbigood. Maalinkii waxay u nool yihiin sida nolosha geesiyaasha ku jira jihaadka Allah dartiis, habeenkiina waxay ku qaataan salaad iyo macaanka la fiqida Allah xilli ay dakoo dhami hurdaan.

 Walaalayaal bishii wey timid ee u diyaar garooba oo ku dadaala cibaadad Allah, mas’uuliyad weyn buu Allah ku saaray markii uu ku gaarsiiyay bishan, waxaadna ogaataa in aakhiro xisabtan dhab ahi yaalo.

Saxaabiga jaliika ah Abuu Dar ayaa u dardaarmay qaar ka mid ah saaxibadiis oo wuxuu ku yiri :” Safarka qiyaame waa mid aad u dheer, ee hore u qaata wax idin ku haboon oo wax idin tara, waxaad soontaan maalin kulayl daran uu jiro, si aad uga badbaadaan kulaylka daran ee jira maalinka la isa soo saarayo, Tukada laba rakco xilliga habeenkii ah ee gudcurku jiro si aad uga badbaadaan mugdiga Qabriga, wax sadaqaysta oo si hoos ah wax ula bax si aad u badbaadaan  maalinka dhibka darani uu jiro ”.

 

Axnaf Ibnu Qays ayaa maalin waxaa lagu yiri : Nin oday ah oo gaboobay baad tahay, soonkuna wuuu ku tabar yarayn ee maad iska dayso , wuxuuna ku jawaabay : ” Waxaan ahay nin u diyaargaroobaya safar dheer, in lagu sabro daacada Allah ayaa iiga fudud inaan ku sabro naarta”

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu na gaarsiiyo Bisha Ramadaan oo uu na waafajiyo khayr iyo cibaado sida uu u jecel yahay in loo guto oo uu ka raalli yahay.

 

Waxaa qoray:

 

C/rizaaq Sugulle M.

 

Abu-cabdirahman

 

E-mail: abdirazaks@hotmail.com

 

Goloha Ducaada Soomaaliyed      daaciga@hotmail.com Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Baaq ku Aadan Bisha Ramadaan
  2. Golaha Imaamada Waqooyiga Ameeriko oo shaaca ka qaaday in ay ku hawlanyihiin la Socodka Dhalashada Bisha Ramadaan
  3. Axkaamta Soonka bisha Ramadaan
  4. Wax Ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q1aad)
  5. Su’aalo & Jawaabo ku Saabsan Bisha Ramadaan

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Baaq ku Aadan Bisha Ramadaan
  2. Golaha Imaamada Waqooyiga Ameeriko oo shaaca ka qaaday in ay ku hawlanyihiin la Socodka Dhalashada Bisha Ramadaan
  3. Axkaamta Soonka bisha Ramadaan
  4. Wax Ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q1aad)
  5. Su’aalo & Jawaabo ku Saabsan Bisha Ramadaan

Latest Headlines