Qarax Xoogan oo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya lagula beegsaday Weloweyn

Published on September 14, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

itobiyaan1.jpgQarax aad u weyn oo lagu sheegay in uu ahaa Nooca Miinada lahago ayaa waxaa afaafka hore ee Magalada Waloweyn lagula beegsaday ciidamada gumaysiga Itoobiya oo galabta soo gaaray Magaaladaas.

 

Ciidamada Itoobiya oo dagaalo culus ku soo galay inta u dhaxaysa Magaalada Weloweyn ee Gobolka Sh.Hoose iyo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa ayaga oo lugaynaya isla markaana Daal aad u badani ka muuqdo waxay soo gareen degmada Weloweyn halkaas oo lagula eegtay Qarax gilgilay daafaha Degmada.

  

Ciidamada gumaysiga ayaa la sheegay in ay rasaas aad u fara badan dhan walba u sayreen qaraxa ka dib taas oo aan lagaranayn khasaaraha ka dhashay lamana garanayo sidoo kale ilaa iyo hadda khasaaraha qaraxan ka soo gaaray Itoobiyaanka.

  

Magaalada Weloweyn ee G/Sh.Hoose ayaa waxaa saaka isaga hayaamay inta badan dadkii ku dhaqnaa kuwaas oo u jahaystay dhulka hawdka ah cabsi ay ka qabaan ciidamada gumaysiga Itoobiya oo ku soo dhawaaday degmada waxaana dadka dhagahooda ka shanqaraya xasuuqii foosha xumaa ee ay ciidamada gumaysigu kal hore ka gaysteen deegaankaas.

  Dadka fara kutiriska ah ee ku haray magaalada si ay guryahooda u ilaashadaan ayaa waxaa soo wajahay argagax weyn waxayna ka cabsi qabaan in Itoobiyaanku ay kula kacaan falal waxshinimo ah oo dhan ka ah Bani-aadamka.          

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee maanta soo gaaray Magaaladan Waloweyn ee gobolka Sh.Hoose ayaa waxay ka soo kicitimeen Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaana jidka ku soo qabsaday dagaalo kharaar oo ay kala horyimaadeen Xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed garabyadooda kala duwan.

  Lama garanayo in ciidamada gumaysiga Itoobiya oo hadda ku sugan gudaha degmada Waloweyn ay ku sii sugnaan doonaan iyo inkale waxaase la filayaa in ay u soo gudbi doonaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qarax weyn oo goordhaw lagula beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya M/Baladweyne ee G/Hiiraan
  2. Qarax lala beegsaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  3. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole
  4. Dagaal 2-aad oo lala beegsaday ciidamada Gumeysiga itoobiya
  5. Qarax lala beegsaday dad u shaqeynayay Ciidamada Xabashida

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qarax weyn oo goordhaw lagula beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya M/Baladweyne ee G/Hiiraan
  2. Qarax lala beegsaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  3. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole
  4. Dagaal 2-aad oo lala beegsaday ciidamada Gumeysiga itoobiya
  5. Qarax lala beegsaday dad u shaqeynayay Ciidamada Xabashida

Latest Headlines