Fataawida Ramadaan (Q.7-aad)
By Somalimirror on 14 Sep, 2008 2:40 PM in Fat/Ramadaanka
Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Asalaamu Calaykum.
Su’aal 19-aad: -Bahda Somalimirror iyo Sheekh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ba Allaah Ha idinka abaal mariyo khayrkaad aad wadaan.Su’asheydu waxay tahay.
Sheekhow Ka waran in qofka asagoo sooman uu telephoneka uu kala sheekeysto Gabar iyana sooman hadii sheekadooda ay xoogaa dabacsanaan ay iskugu muujiyaan Soonkooda see buu noqon?
mida kale dambi noocee weeye in Raga iyo Dumarka ay hadalo jilicsan is dhaafsadaan ma Kabaa’ir baa mise waa Yaryahay?.
Aljawaab:-In gabar lagula sheekaysto Teleefoon lana adeegsado hadala jilicsan oo Nafta wax galin kara mabanaana sida ku cad ayada Qur’aanka ah: “hadalka ha jilcinina si uu idiin damco kii qalbiga ka jiran”.
Saas darteed Teliifoonaadka Gabdhaha lagu shukaansado waxaa ka yimid fasaad badan,Soonkuna kuma jiro oo waxaa laga tagaya wixii dhib keenaya oo dhan,adiga oo sooman waad guursan karta waad dooni karta Gabar,lakin hadalada jacaylka ah oo Qof ajnabi ah idin dhex mara marna ma banaana soon iyo soon la,aanba.
Su’aal 20-aad: -A\S waan salaamayaa sheekha Ilaaheey khayr aan lasoo koobi karin ha ugu badalo wanaagga uu faafinaayee waxaan waydiinaa sheekha dhawr su’aalood oo kala ah:-
1. waa maxay xukunka ninkii asagoo xaas soo maray guda gala inuu biyaha isaga keeno Aalado elctronic ah ama waxay noqotaba gacan iyo wixii la mid ah.
2. maxay Shareecada Islamku ka qabtaa in ninka xaaskiisa uu ugu raaxayn karo lisaankiisa waliba xaalada Soonka iyo waqti kaleba.
3. Shekhoow waxaan jiraa 23 Sano waxaan soo soomay 5 tii sano ee ugu danbeysay waxaa iga tagay 3 dii ugu horeysay waxaana joogay meel miyi ah mana dukan jirin Cilmiga Salaadana waan aqiinay shanti sano oo aan magaalada joogayna waan soomay maxay noqonaysaa sedaxdii sano ee ugu horeysay sedeebaan u qalleeyaa?.
waxaan filayaa Su’aalaha qaar waa ka baxsanyihiin mawduuca oo waan ka cudur daaranayaa Ilaaheey ajar dheeraad ah ha kaasiiyo sheekhoow waxaan kaa sugaa Jawaab inta Ilaaheey ku karsiiyo Wassalamu Calaykum.
Aljawaab:1-ma banaana in Qofku iska keeno Shahwada isaga oo Isticmalaya Aalad ama Gacantiisa,haduu Soomanyahayna waxaa ka buraya soonkiisii.
1. Xaskaaga waad u raaxayn karta mase garan waxa aad ula jeedid Lisanka ama carabka, haday u jeedadu tahay dhunkasho iyo carab nuugid ama naasaha waxba kuma jabna ,haday tahay waxa reer Galbeedku sameeyo oo ah in Farjiga laga nuugo ma banaana ,waana caado xiska iyo sharcigaba ku xun cafimaad ahaana khatar ah.
2. Istimtaacu Soonka ma jabiyo hadaan Shahwo ka imaan,waxaa wanaagsan in uu iska ilaliyo qofka aan is hanan karin .
3. Ilahay u toobad keen ka tagidii aad ka taktay Salaada iyo Soonkiiba.
Waxaad qalaynaysa Soonkii aad ka tagay,saladase Ilaahay toobad waydiiso oo badi Sunaanka Rawaatibta ah.
Su’aal 21-aad: -Ascwrwb Sheikha iyo Walaalaha, waxaan rabay inaa Sheikha weydiyo Su’aal: waxaan ku noolayahay Qurbaha marka waxaa jira waqtiyada waa is bad badalaan, marka waxa jira waqti maqribka ku soo adaya 23:00 habeenimo, salaada Subaxna ay soo gasho 02:30 marka Ramadanka dambe insha’allaah inuu waqtigaas ku soo aado ayaa laga yaabaa, marka sheekoow maxaan sameyaa oo igula talin laheyd ibnu aadamka waqtigas oo dhan ma soomnaankaree? Barakalaahu fiika Sheeikh ina soo ducee.
Aljawaab:-hadii meesha aad joogtid ay leedahay maalin iyo habayn haba kala badnaadeene waxaad soomaysa waqtiga shirciga ah,oo Maraakista Islaamiga ah ay qaybiyaan. Hadaynan qoraxdu dhicin 24 saac ama habayn kaliya uu yahay waxad la soomaysa oo la afuraysaa meesha kuugu dhow oo habayn iyo maalin leh,waxaanad kaashanaysa Maraakista Islamiga ah.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:
Daabaco

Fikrad ka dhiibo