Wax Ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q1aad)

Bisha Ramadaan waa moosin lagu ururiyay cibaadooyin badan oo Soon, Salaad, Sadaqo,Quraan akhris iyo cibaadaad kaleba leh, Ilaahayna wuxuu inoo sheegay in xikmadda arrintaas ka danbaysa ay tahay in dadku alle ka cabsi kasbadaan: ( ياءيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون)

Alle ka cabsigana waxaa lagu macneeyay inuu yahay in qofku la yimaaddo wixii ilaahay ku waajibiyay ama amray kana tago wixii laga xaaraameeyay ama laga reebay.

  

Si ay haddaba qofka Muslimka ah ugu fududaato inuu naftiisa wax ka baddalo bishan ramadaan ama taqwo u siyaadsado ilaahay wuxuu ku cawiyay arrimo ay ka mid yihiin:

 ·        waxaa bishan la xidhxidhay shayaadiintii gaamurtay ee dadka luminaysay.

·        Waxaa la layliyay naftii inta badan shahawaadka ku mashquulsanayd ama u hanqaltaagaysay ka dib markii la gaajaysiiyay lana oomiyay maalintii oodhan, arrintaasina waxay keenaysaa inay naftu u nuglaato in wax laga toosiyo lagana gooyo dhaqamada aan fiicnayn ee ay soo caadaysatay Ramadaan ka hor,  illeyn gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa birna markay kululaataa la qalloociyaaye.waxaa intaa dheer qofkii balwad ku jirrabnaana khasab baa lagaga joojiyay wuxuuna si dhab ah u arkayaa inuusan balada u baahnayn iskana dayn karo.

·        Waxaa naftii lagu qooyay cibaadaad kala duwan oo ka siyaadsan kuwii waajibka ahaa  sida Salaadda Habeenkii, Quraan akhriska, iyo Sadaqaadka aan waajibka ahayn iwm. Arrintaasina waxay keenaysaa in naftu caadaysato wanaagga uuna u dhibyaraado, si sanadka intiisa kalena uu  qofku u sii wado mar haddii uu laqabsaday.

·        Cibaadadan waxaa laga dhigay mid dadka oo dhan laga rabo inta ay waajibka ku tahay si ay qof walba ugu fududaato maxaa yeelay  dadku  wuu isku daydaa wixii loo badanyahayna lagama hadho.

 

Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay Qofka Muslimka ah ee Ramadaan u soo galo fursad u siinayaan in hoggaanka naftiisu gacanta u soo galo si uu ugu dhufto dhinaca khayrka, waxaana la odhan karaa bisha Ramadaan waxay u egtahay bar kontorool oo dadka lagu joojinayo laguna tusayo wadda saxan si midkii wax ka khaldanaayeen isu toosiyo toobiyahana u qabsado.

  

Qormadanna waxaan ku soo bandhigi doonnaa si taxane ah waxyaabo badan oo ay tahay in qofku naftiisa ka baddalo ama ka toosiyo haddii wax ka khaldanaayeen, iyo waxyaabo kale oo loo baahanyahay inuu korodhsadaba:

   Iska Jooji Cunidda Qaadka    

Qaadku waa maandooriye halis ah oo bulshada Soomaaliyeed dhibaato badan ku haya xagga Dhaqaalaha, iyo Caafimaadka wuxuuna baabi’iyay qoysas badan, wuxuuna Soomaalida soo dhax galiyay dhaqammo badan oo xun xun.

  

Qaadku waagii hore wuxuu ku koobnaa magaalooyinka waaweyn dadka cunana qayb raga ka mid ah bay ahaayeen oo aan badnayn, haddase wuxuu ku baahay baadiyihii haweenkiina qaybo aan badnayn baa qayila oo ku sharaf iyo mustaqbalba beelay, waliba qaadku wuxuu Soomaalida kaga daba taga qurbihii iyo dhulalkii ay doolka ku tageen.

 

Sharci ahaan shaki kuma jiro inuu qaadku maandooriya xaaraan ah yahay oo ay nafta maalka iyo sharaftuba ku baaba’yaan, qofkii taas ka doodi lahaana waxaa tusaale ugu filan inuu arko dadka qaadka daraadiis caqligu uga tagay ee raamaystay ee inta badan aan laga waayin deegaanada qaadka aadka looga cuno.

  

Haddaba haddii aad ka mid tahay dadka uu qaadkaasi qafaashay ama qaatay bisha Ramadaan fursad weyn baad haysataa oo maalintii baad ka soontay habeenkiina cibaadaad kaga mashquushay, waxaadna si dhab ah u aragtay inaad ka maarmi karto oo aadan u baahnayn hanti badan oo aad ku khasiri jirtayna way kuu baaqatay, waxaa kula gudboon inaad go’aan ragannimo leh qaadato oo ah inaad maandooriyahaas baas maanta cawda u goyso oo aadan dib ugu noqan.

  

Bal xusuuso haddii aad ka mid ahayd kuwa qayila dhibaatada uu kugu hayay qaadku dhinaca caafimaadka, madax xanuun cunto xumo, muuqaalkaaga oo qayirmay, daamankii oo ku coodhcoodhay ilkihii oo baab’ay oo gummud madow ka soo hadhay, haddii aadan heerkaas gaadhinna waad ku socotaa haddaadan iska dayn waxaana tusaale kuugu filan dadkii kaaga horreeyay dhibaatada ay ka dhaxleen.

  

Xusuuso dhibaatada uu dhaqaale ahaan kugu hayay iyo sida uu wixii aad tabacdaba u baa’iyo isaga oo aan calool kuu buuxinayn baahina kaa celinayn, xusuuso sida uu kuu bahdilay ee aad isgu baddashay dawarsade aan qiimo badnayn oo dadka tuuga markaad weydo wax aad ku iibsato, bal haddana aad u sii dhuux waxa ku baday waxa sidaas kuu sharaf dilay, ma gaalaa kugu ablikaysay mise waa col aad adigu iska adkaysiisay? Maantase ma kula gudboontahay inaad ka xorowdo?

  

Bal miliilic sida uu xaaskaagii iyo ubadkaagii idiin kala dilay ilaa heer aadan dan ka lahayn inay qadaan iyo inay quutaan mar haddaad mijin hesho deeq iyo deyn waxaad ku keentaba, bal is weydii goorta damiirkaagii sidaas u dhintay iyo waaga aad sidaas u nacasowday, bal daraasee in arrintaasi  ka horreysay inta aadan baran geed hoogga iyo inay ka danbaysay, shaki la’aan way ka danbaysay aafaduna waa isaga ee bal kala dooro isaga iyo carruurtaada iyo xaskaaga ay assaagood ladanyihiin ee raggoodu u habrado, waxaana ku rajo wynahay inaadan marna caleen ehelkaaga ka dooranayn bishanna ay kuugu danbayn doonto inaad qaad afkaaga galiso.

  

Bal eeg sida aad aynigaa uga hadhay, fiiri waxa ay aqoon yeesheen waxa ay meeqaan gaadheen intii aad ku foorartay geed baaska ama aad buushashka fadhiday eed mar qaadiraysnayd marna marqaansanayd marna u qaylyaysay sidii aad u soo qaadan lahayd, bal is fiiri bulshada ma u tirsantahay mise mar hore ayaa lagaa maarmay oo laguma tabo sida baladu kuu qaadatay?

 

Caqligaagii Eebbe kugu mannaystay ma waxaa kula qummanaatay inaad la dagaalanto si aadan xume iyo same u kala garan? Sow ma ogid in qaadku caqliga dilayo, caqliguse sow ma aha midka aad xoolaha kaga duwantahay haddii aad la dirirto sideed dantaa u garan Aakhiro iyo Adduunba, sidee baadse aynigaa ku gaadhi haddii aad caqli ahaan ka hoos marto oo aad meel xille is dhigto, keebaa kula mudan caqligaaga iyo geedkan qalaad ee ku ba’saday?

  

Imisaad isku oodanteen Haweeney aan lafteedu sharaf badnayn oo qaadka iibisa imisayse kalladhka kugu dhagtay ka dib markaad kala daahday dayntii qaadka imisayse si xun kuu cayday oo aad madaxa hoodhaadhisay sidii jiis la qabtay ? sidaasina ma ku qabataa? Maxaadse gunnimadaas ku qaayibtay Ilaahay baa lagugu dhaariyaye?

 

Bal milicso sida geedkan baasi kuu han jabiyay ilaa aad gaadhay in waxa ku deeqaa yihiin mijin qaada oo aan waxba dhab ahaan kaga duwanayn ama ka sii xun cawska ama caleenta ay Rida carruurtaada loo lisaa cunto, goormaad Aakhiro u tabcan, oo aad Jannada meel fiican ka dagi, goormaad dantaa qabsan oo aad rag wax la qaybsan? Nin rag ahi sow kii dhihi jiray waari mayside war ha kaa hadho? Bal haddaad dhimato maxaad ka tagi oo aan ahayn inaad qaadka ruugi jirtay? Ma ku qabataa inaad noqoto mid hooyadii ku gablantay oo umaddiisa iyo qoyskiisaba inuu wax taro aan looga fadhiyin hammina ayna ku haynin?

 

Gabagabdii waxay ila tahay dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo qofka qaadka cunaa iga ogyahayba waxay waajib ka dhigayaan in dadka qaadku xabbistay ay maanta raadiyaan sidii ay uga xoroobi lahaayeen iyaga oo ka faa’iidaysanaya bisha Ramadaan ee Ilaahay inoogu tala galay inaan nafteenna ku toosinno oo aan wax kaga baddallo.

  

La soco qaybaha danbe ee qormada…

  

Xasan Maxamed Ibrahim

  

xasanyare@msn.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo