Wakiilka AU-da u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Hargeysa.

Published on September 13, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

au-da.jpgWakiilka Ururka AU-da u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr,  Nicolas Bwakira iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku yimi magaalada  Hargeysa,  Kulan ay wefdigani xalay la yeesheen Daahir Rayaale Kaahin ayay  kaga war bixiyeen ujeedada socdaalkoodani uu  salka ku hayo oo ah u kuurgelida Xaalada nabad gelyo iyo geedi socodka hanaanka Doorashooyinka  soo socda ee  Maamulka S/land.

 

Mr,  Nicolas Bwakira  oo sheegay  inuu yahay safarkiisii labaad ee uu ku yimaado magaalada Hargeysa tan iyo 1993/kii,  isagoo u shaqaynayay Laan Qaramada Midoobay  ayaa  sheegay markii uu ka soo degay garoonka Hargeysa in uu aad ula yaabay isbedelka weyn ee horumarka ah iyo  dhismaha kala duduwan ee Magaalada uu  ku arkay. Wuxuuna yidhi  “waxa  lagama maarmaan ah in aan anigu indhahayga ku soo arko Somaliland waxa ay   qabsatay iyo xaaladaha ka jira , siiba dhinaca dimuqraadiyada intii cid  kale iiga warami lahayd, taas oo aan gaadhsiin doono Ururka AU-da iyo  madaxda Africa ee aan la kulmi doono”.

 

Mr Nicolas waxa kale oo uu aad ugu riyaaqay Nabad gelyada iyo xasiloonida ka muuqata Somaliland , isaga oo is bar bar dhigay marka uu Muqdisho tago in lagu daadaheeyo , laguna ilaaliyo gaawaadhida gaashaaman ee ciidamada AMISOM,

Daahir Rayaale Kaahin  ayaa isna kulankaas  si kooban uga war bixiyey  waxqabadkii xukuumadiisa tan intii uu jagada qabtay wuxuuna  carabka ku dhuftay in adduunyadu inteeda kale , haddii ay noqoto Africa, Carabta iyo Yuruba ay si cadaalad darro ah ula macaamileen Somaliland, iyaga oo aan tix gelin waxyaabaha ay qabsatay dhinaca Dimuqraadiyada , gaar ahaan doorashooyinkii xorta  ahaa ee S/land  ka dhacay, kuwaasi oo aan in badan dalalka Africa aan ka hir gelin.

Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu sheegay in codsiyo badan uu u jeediyay dalal badan oo dunida ah markii uu socdaalada ku tegay , isaga oo la kulmay Madaxweynayaal badan oo Africa ah iyo kuwo kale oo caalami ahba.

Waxa kale oo uu Rayaale tibaaxay in dunidu ay aad u tix geliso dalkii
Soomaaliya oo ay maanta ka taagan tahay Dil , Budhcad Badeed , Qax iyo
guul darooyin aan la soo koobi Karin.

Maaha markii ugu horeysey  ee ay wefdi ka socda QM, ama Midowga afrika   safaro isdaba jooga ku yimaadaan Magaalada Hargeysa,  iyagoo Maamulka S/land uga mahadcelinaya  geedi socodka Dimoqraadiyadda  iyo Nabad gelyada ka jirta S/land, waqti ay dadka reer S/land la  ildaranyihiin sicirbarar iyo hoos u dhac dhaqaale oo gaadhay heer aanu gaadhin weligii, iyadoo ay  cirka isku shareereen qiimaha maceeshada, hoosna uu u dhacay shilin Soomaaligu, taasoo keentay inay dadku awoodi waayaan inay helaan nolol maalmeedkoodii.

  



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jendayi Frazer oo laga Waraystay Arrimaha Soomaaliya
  2. Daahir Rayaale oo Ka Hadley Mudaharaadkii Shaley ee Hargeysa
  3. Riyaale oo ku soo laabtay Hargeysa & mad madowga ku xeeran.
  4. Xabsiga Hargeysa oo laga sii daayey Niman u kala dhashay Shiinaha & Yaman
  5. Wakiilkii TV-ga Uneversal Hargeysa oo la xiray

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jendayi Frazer oo laga Waraystay Arrimaha Soomaaliya
  2. Daahir Rayaale oo Ka Hadley Mudaharaadkii Shaley ee Hargeysa
  3. Riyaale oo ku soo laabtay Hargeysa & mad madowga ku xeeran.
  4. Xabsiga Hargeysa oo laga sii daayey Niman u kala dhashay Shiinaha & Yaman
  5. Wakiilkii TV-ga Uneversal Hargeysa oo la xiray

Latest Headlines