Guuxa bulshada (gabay)

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2008-09-09. Waa mid ka mid ah gabayada gurmadka ah ee xaqa loogu hiilinayo. Waxa gabaygan looga danleeyahay in uu dhaliyo dood dhex marta halabuureyaasha Soomaaliyeed, taas oo ku saabsan iftiiminta jidka xaqa ah ee lagaga bixi karo jahawareerka siyaasadeed iyo dulliga gumaysiga iyo gaashaanbuurtisu u horseedeen umaddda islaamka ah ee Soomaaliyeed. Wuxu yidhi:

Galabtii madoobeyd markay guushu naga meertay

Gardarradu markay noo timee garab la soo siiyey

Rag ayaa go´aansaday in aan laga gol roonaane

Iyagaa wanaaggii gurtoo goostay laba jeere

Gargaarkii Allena waa u yimi guulna wey heliye

Kol aan gabayga ugu hiiliyoo talo ku guubaabsho

Gaabsiga waxaa iiga roon geyso tamartaaye

Bal ii dhaha guddoon doodyar baan soo gudbinayaaye

 

Nimankaa gumaystuhu watee gacanta siinaaya

Nimankaa gol-jilicdeenna iyo dooxay ganaceenna

Ee cadowga gaamurey ku furay gurada ciiddeena

Ee gaalo soo kaashadee eheludiin goobay

Nimankaa Xijaabkiyo, gadhkiyo nacay surwaal gaaban

Ee culimadeennii gadee ganacsi moodaaya

Guwantaanamaa qaar la dhigay gabannadeeniiye

Nimankaa ma geydada raggiyo dumar gumaadaaya

Gaal iyo islaam waxay yihiin gabay ku faalleeya

 

Garba-duubis aan kuu xidhee gacanta soo dhiibo

Garashada sidaydaa saxsane adigu gaagaabso

Guni adiga weeyee sidaan gooyo ila qaado

Ma geydaan sidaad jeceshehee gacanta ii hoorso

Gaajiyo harraad iyo dawaro guusha ku astayso

Haddii kale go´doon iyo dil iyo gawrac naga dhawro

Gedda weeye ay nagu wadaan reer galbeedyaduye

Waxa gole ammaan yahay dadoow gabay ku faalleeya

 

Culimada xilkoodii gabee gaabshay dhabarkooda

Ee goortii loo baahi qabay geeddi dib u guuray

Inkastooy ma geydiyo yihiin geed aan lagu dhiirran

Oo ay guudka ii saaranyiin, guux ayaa jira e

shalay Culimadii gala lahayd Gedo dagaalkeeda

Ee tidhi galbeed kama fursado geylan-dirir xooga

Maantana ka gaabsaday kolkii Xamar la soo gaadhay

Ee gogosha lagu jiifsadiyo gabadh ku meeraystay

Ee weliba geeraarro iyo gudhugadhaa keenay

Garan waayey sheekadan waxay uga gol-leeyiine

Bal kumay geddoodu u baxdoo gabay ku faalleeya

 

Gurigiisi nimuu baaba´oo geeli laga qaaday

Oo gaabanoow waran u hadhay guul wax lagu raadsho

Oo soo gurmaday oo guntiga labada low geystay

Hadduu cadow gondihii yuurursado gaadhi waa libine

Raggaa gogosha quudheed dul tuban gabay ku faalleeya

 

Godka lagu jannee Aadanoo gama´san hoygiisa

Gantaallada wixii loola dhacay goor la wada jiifo

Ragga qaarna gogol raaxaliyo guri cad loo seexshay

Kala garay cadaawuhu dadkaa guudka noo simane

Waxa laba gudboonaan lahayd saa u kala geeyey

Ee gaar midkood looga dhigay gabay ku faalleeya

 

Godey iyo Garduur iyo ilaa gudaha Haadaame

Gaarisa ilaa Harar ilaa Goondhar dacalkeeda

Waxa lagu gumaystaa islaam loo gabbood falaye

Galladloow ilaahay hadduu guusha ina siiyo

Xabashiga gafuurka xun haddii laga gol roonaado

Ma xuduudkan gaaladu dhigtaa goolka dirirteennu?

Mise gulufku wuu socon ilaa qaanti laga gooyo?

Intay goori goor tahay warkaa gabay ku faalleeya

 

Gudbaneey badweyntaa Ilaah inagu gaar yeelay

Ee geeska bariyaad la dhigay waa gallad Ilaahe

Gudaheeda khayraadka yaal laga geyoon waaye

Gabraartiyo gumaysteba haddeer gaawahow culaye

Gaadiid ayey soo rarteen guud-caddoo dhamiye

Warse aan i gelin baa jiree yaa I garansiiya:

Gaaraayucuun iyo badjiif geesh dhan la itaala

Oo gudaha xeebaha dadkii gooshi jiray raafay

Oo galabba raxan soo qabsada gadata ruuxeeda

Oon cidi dhib gaadhsiinahayn lana gunnaynaayo

Garan waayey waxa ay yihiin gacalleyaaloowe

In ay gacan shisheeyoo dan lihi inagu gaadayso

Iyo gaadh-badeed inay yihiin gabay ku faalleeya

 

Waa iga gunaanade haddaan gaabsho hadalkayga

Waa gabay su´aal kaaga dhigay guux bulshada yaalle

Garashiyo ninkii maansaloow goolku kuu furane

Gedmashiyo gabnoow iyo afxumo gees lagaa mariye

Waxa gar iyo daw iyo xaq yahay ila gorfee maanta


Maxamed Xirsi Guuleed

abdibashir@hotmail.com

2008-09-09

Aragtida gabaygan waxaa leh abwaanka ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. Maasha,allaah….aad ban uga helay gabaygan.
    Waxaan oo su,aalo ah waxay u baahanyihiin in si dhab ah looga fekero.
    waxaan leeyahay abwaanka……….Jazaakallaahu kheyran

    kheyqabe | Dec 30, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo