Gudoomiyaha W.Garsoorka Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Asmara Dr. Xassan Mahdi “Waxaan u nimid in aan Mujaahidiinta Dagaalka ku jira Safkooda mid ka dhigno”

astaanta-isbahaysiga.jpgGudoomiyaha Waaxda Garsoorka Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Asmara Dr.Xassan Mahdi oo wafdi ka kooban 7 xubnood uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin Magaaldada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose ayaan waraysi kala yeelanay waxayaabaha uu ku saaban yahay safarkoodu waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:-

  

SomaliMirror.com:- Maxay yihiin Ujeedooyinka safarka aad ku timaadeen Kismayo?.

Jawaab:- Horta Kismaayo maanan tegine waan soo marnay Asmara ayaan ka nimid dhankaas Dhoobleey ayaan ka soo bilawnay waxan soo marnay meel layiraahdo Qooqaani Kismaayo sidaas ayaan ku nimid Asmara ayaanan ka soo tagnay, ragii ka soo qaybgalay kalfadhgii golaha dhexe ee isbahaysiga ayaana meesha soo maray, hadafka iyo Ujeedaduna waxay ahayd muqaawamada in lagu soo noqdo dadkana la mideeyo hadafka ugu weyn waa midkaas.

 SomaliMirror.com:- Waxaad sheegtay in ujeedkiina ugu weyn uu yahay midaynta garabyada Muqaawamada sidee ayaad arrintaas u wajahaysaan?        

Jawaab:- Dadka Mujaahidiinta ah ee gudaha Soomaaliya ka dagaalamaya aad uma kala foga xoogaa masaa’isha qaar ayay isku garab marsan yihiin lakiin hadafkoodu waa mid, marka dadka waxaan rabnaa Insha-allah in aan Kitaabka iyo Sunnada isugu yeerno aanan kitaabka ku midayno inta gaalada ka soo horjeeda, dad badanna waan la xiriirnay oo ballan qaadyo waan ka haysanaa marka in aan wixii muqaawamo ah ama Mujaahidiinta Dagaalka ku jira safkooda mid ka dhigno xalka ugu weyn ee aan u socono waa kaas.

SomaliMirror.com:- Maxaa ilaa iyo hadda idiinka qabsoomay waxyaabaha aad sheegtay in safarkiina Magaalada Kismaayo uu ku Wajahnaa?.                   

Jawaab:- Marka hore Kismaayo marin ayay noo ahayd sidaan kuu sheegay si fiican baana naloo soo dhaweeyay ilaa iyo haddana wada tashiyo iyo wixii barnaamij ahaa waa noo socdaan kumana dhihi karo tilaabadaas iyo tilaabadaas ayaan qaadnay sababtu waxaa waaye waxaa wali noo socda xiriiradii iyo fadhiyadii, wax caqabad ah oo aan kala kulanayna ma jiraan, waxaanan rajaynaynaa in ay si guul ah noogu soo dhamaato insh allah tacaala, marka ay noo dhamaatana waxaan idiin sheegi doonaa waxaan wax ku soo gaba gabaynay.

  

SomaliMirror.com:- Sidee u aragtaan Qabsashada Magaalada Kismaayo?.

  

Jawaab:- Horta kuguma waafaqayo qabsasho oo qabsasho ma dhahayo sababtoo ah dhulka waxaa leh Eebe ciddii kitaabkiisa ku xukumaysa ayaana iska leh ان الارض لله يورثها من يسأ marka dulmi ayaa lagu haystay aniga fikradayda Qabqableyaashii Soomaaliya nin ka mid ah ayaa xoog ku haystay Ummadda kalena Cadaalad darro iyo dulmi badan ku hayay saas oo ay tahay ayuu qandaraaskii horay u burburay ee Ashahaado la dirirka ahaa ayay rag uu asgu ku jiro soo qaateen, oo la rabay in meesha fulintiisa laga bilaabo Soomaaliya oo dhanna lagu fidiyo , marka aad ayaan u soo dhaweynaynaa in meesha laga saaro oo dulmigii iyo dhibkii meesha laga suuliyo, runtiina markii asaga laga saaray wax kale oo ama Qabiil raacdaysi ah ama shaqsi raacdaysi ah meesha kama dhicin, dadkuna si nabad ah ayay u joogaan.

  

SomaliMirror.com:- Sidee idiinla muuqdaa maamulka cusub ee dhawaan laga dhisay Magaalada?.

  

Jawaab:- Wali horta tafaasiil badan kama hayno oo markii la dhisyayna maanan joogin haddana lafteedana faahfaahin badan kama hayno lakiin intii aan hadda Magaalada joognay oo aan dhex soconay maanan arag wax mucaarado ah ama ka soo horjeeda, lakiin jawaab dhamaystiran waxaan bixin karnaa markaan si dhamaystiran ula kulanno oo aan isu aragno insha-allah.

  

SomaliMirror.com:- Isbahaysigiinu  Qayb maka yahay Maamulka cusun ee Magaalada?

  

Jawaab:- Sidaad la socoto magaalada waxa qabtay waxay ahaayeen Mujaahidiinta Alshabaab iyo MMI, waxa hadda maamulkaanu ka kooban yahayna waa intaas anaguna hadda Midawga Maxaakimta ayaan nahay marka sina ugama maqnaan karno.

  

SomaliMirror.com:- Ma isleedihiin Maamulka cusub ee Kismaayo wax wuu ka badali karaa xaaladdii horay uga jirtay Magaalada?

  

Jawaab:- Taas waxay u baahan tahay wakhtigeeda in la fiiriyo oo bal la eego sida wax loo qabto oo la fiiriyo Shacabku taageerada uu u hayo ilaa iyo haddana si wanaagsan oo nidaam ah oo heersare ah ayay wax u socdaan, wax mucaarado ah maanan arag marka waa jawaab ku haboon wakhti in la siiyo markaas ayaa la dhihi karaa sidii hore ayaa wax lagu wadaa ama waxbaa iska badalay marka waxay u baahan tahay in aan helno wakhti aan ku qiimayn karno maamulka.

  

SomaliMirror.com:- Goobihii aad soo marteen ka hor intiinaan imaan Magaalada Kismaayo maxaad ka soo qabateen ayaga?.

  

Jawaab:- Waxaan la soo kulannay dadkii maamullada ahaa iyo dadweynihii deganaa, waxaan kala soo hadalnay waxyaabaha anaga aan wadanay ama fikrad ahaan aan qabnay oo ah in mujaahidiinta hal dhufays ama hal saf la’isugu keeno ayna hal meel kawada jeensadaan, runtiina aadbay dadku u soo dhaweeyeen waana arrinta aad ay dadka Muslimiinta ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ay ugu baahan yihiin, waxaan kaloo soo bandhignay khilaafkii ka dhex dhacay Isbahaysiga dhexdiisa ee labada garab noqday iyo sababihii keenay barnaamijkaas ayaan u soo sharaxnay runtiina dadku aad ayay ugu qanceen oo u soo dhaweeyeen.

  

SomaliMirror.com:- Safarkiinu ma wuxuu ku egyahay magaalada Kismaayo mise waxaa jira goobo kale oo aad booqanaysaan?

  

Jawaab:- Waa Dalka guud ahaan hadda waxaan joognaa J/Hoose waxaan soo mari doona J/Dhexe waxaan sii mari doonaa Baay & Bakool waxaa mari doonaa Gobolka Babaadir, waxaan ku danbayn doonaa Gobolada dhexe ilaa Dhuusa mareeb iyo Cadaado, meel kasta oo muqaawamo ay joogto in aan tagno ayaan rajaynaynaa insha-allah.

   

SomaliMirror.com:- Yaa adiga kugu weheliya Safarkan?.

  

Jawaab:- Waxaan nahay 7 xubnood oo ragga Maxkamadaha ah oo ay ka mid yihiin Ismaaciil Xaaji Cadow, Dr. Axmed Maxamed (Maxamed Dhere), C/qaadir Seeraar oo maamulkaan Jubooyinka u qaabilsan Arrimaha Dibadda adigu 7 xobnood oo noocaas ah ayaan nahay.

      

SomaliMirror.com:- Wafdigiina Kismaayo soo gaaray ma Isbahaysiga Dib u xoraynta garabka asmara uunbaa mise waxaa jira xubno kale oo idin weheliya?

  

Jawaab:- Hadda Magaca Isbahaysiga toos uguma soconee waxaan ku soconaa Midawga Maxaakimta laakiin haddii Isbahaysiga aad rabto waa Qaybtii Asmara ee kuma jirto Qaybtii jabuuti nimankaas waan kala tagnay Mabd’a & Manhaj ayaana ku kala tagnay, marka waa garabkeeni Asmara ee ay hogaaminayeen Dr. Cumar Iimaan iyo Sh.Xassan Daahir baan ka soconaa.

   

SomaliMirror.com:-  Guud ahaan Isbahaysiga dib u xoraynta waxaa lagu xantaa dibadjoognimo, marka ma waxaa jira qorshe aad gudaha ugu soo guuraysaan?

Jawaab:- Geediga iyo soo geliddu waa kala labo laakiin waxaan kuu sheegayaa annaga rag badanna waa naga soo horeeyeen, anagana waxaan nahay rag wefdi ahaan ku socda oo raba in ay muqaawamada dhamaan la kulmaan kadibna waa la soo daba socdaa nimankii kale ee maamulka iyo hogaankuba gudaha ayuu imaanayaa insha-allah dadkuna markay gudaha isugu yimaadaan maamul rasmi ah oo dib u habayn leh ayaa loo samayn doonaa marka waxaan jecelnahay maamulka iyo Hogaankuba in ay gudaha ka hawlgasho Bi’idni laahi Tacaalaa.

       

SomaliMirror.com:- Maxaad isleedihiin waad ku soo kordhin kartaan Xaaladaha ka taagan Dalka?

Jawaab:- Waxaan isleenahay Marka la aruuriyo 3 nuqdo ayaad ku kordhin kartaan, marka koobaad Mujaahidiinta Dagaalka sii waday in aan gaarsiino in ay labo jibaaraan hawlihii ay Xamar ka wadeen ilaa Xabashida laga saatro, midda 2-aad waxaan isleenahay khilaafaadka yar ee Mujaahidiinta dhexdooda ku jira waad saari kartaan oo hal meel baad isugu keeni kartaan, midda 3-xaadna waxaan jecelnahay in aan u samayno maamul habaysan oo nidaamsan, maadaama Midawga Maxaakimta Maamulkeedii uu kala jabay, Isbahaysigiina uu kala jabay in marka Mujaahidiinta Maamul rasmi ah oo ay isugu yimaadaan oo hogaamiya loo sameeyo, marka waxaan jecelnahay in aan wax badan badali doono Insha-allah.

 

SomaliMirror.com:- Maadaama aad ka shanqarisay kala jabka Madaxdii MMI iyo Isbahaysiga malaga yaaba in taasi ay saamayn ku yeelato Xoogagga MMI ee gudaha ku sugan?.

Jawaab:-Walal wax ku saabsan kala qaybsan gudaha maanan maqal Mujaahidiintuna waa isku mid isku si ayayna xabadda u ridayaan inta aan hadda la socono Xamar waa kuwaas kawada, Gobolada dhexe Sh.Hoose, Yaaqbari-weyne iyo Leego waa kuwaas kawada, Hiiraan ayay ka wadaan Baydhabo ayay ka wadaan marka wax qaybsan ah ma jiraan, waa jiraan Xoogaa ayaan dhawayto Jawhar qolo sidaas oo kale isku dayday laakiin wax weyn oo aan ictibaarinayno oo aan leenahay waa khilaaf Mujaahidiinta dhexdooda ah majiraan marka raggii hubka haystay ee dagaalamayay waa israacsan yihiin saan jecelnahay.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

6 Comment(s)

  1. ??? ???? ? ????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ???? ???? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ????? ??? ???
    =============================================== CODSI KU WAJAHAN
    BEER DHIGA IN AY TIX GALISO QORAALKA AAYADAHA QURAANKA KARIIMKA AH
    ———————————————–
    MARKAAD AAYADAHA QORAYSAAN KALA SARA FARTA LAATIINKA IYO MIDDA KITAABKA QURAANKA AH SI AYSAN ISUGU DARSAMIN WAANA IN AAD ILAALISAAN QORIDDA HAMZADA ALIF GAABKA IYO GUUD AHAAN QORAALKA AAYADAHA BAARAKALLAAHU FIIKUM WALMUSLIMIINA JAMIICAN WASALAAM. ===============================================
    ?? ????? ??? ?????? ?? ???? ?? ????? ===============================================

    ISBAHAYSIYOW MUJAAHIDIINTA HA ISKU DIRININA EE KA DAAYA TASHWIISHKA MUUMINIINTA.
    …………………..
    NASIIB DARRO IN MAALINBA MEEL LOO CARARO MRKII DHIB DHACO WAA LA CARARI MRKII LA ARKO IN MAYDAANKA GUUL SOO DHOWDAHAY WAA LA SOO GALI , WAA RABBI KA YAABTAAN OO MARKIINII HORE MAAD JOOGTAAN GUDAHA OO SABARTAAN , BAL EEGA ISBAHAYSIGA DIB U XORAYTAN SOOMAALIYA OO MAANTA KALA DHEXDHEXAADINAYA MUJAAHIDIINTA MAYDAANKA , LA YAABI MAAYO OO QAARKEEN WAA ADUUNYO DOON QAARNA WAA KA DHAB IN AY RABBI DARTII U DHINTAAN , DAKAATIRADA WAXAAN U SHEEGI IN AAD KA JOOGTAAN JAAHWAREERINTA UMMADDA , INTAAS KU FILAN WAREER EE ASMARADIINA KU NOQDA , U DAAYA MUJAAHIDIINTA TALADA , WAANA OGTIHIIN IN DADKU CAAMMA U BADAN YAHAY , MARKA MAALIN MAXKAMAD SHEEGTA ! MAALINNA ISBAHAYSI SHEEGTA ! MAALINA GARAB ASMARA AMA JABUUTI SHEEGTA ! XAGGEE CAAMADU IDINKU RAACDAA ? MIDDA KALE WAXAAD LEEDIHIIN HADDAAD TIHIIN GARABKIINA ASMARA WAAN KALA TAGNAY QOLADA GARABKA JABUUTI OO MABD’A IYO MANHAJBA WAA KU KALA TAGTEEN ? WAA SU’AALE MARKIINII HORE ISKU MANHAJ MAYDAN AHAYN MIYAA OO DADKA BOOR BAAD ISUGU SOO QARISEEN OO DIIN SAXA MAYDAN WADA HAYSAN ? MIDDA KALE HADDAAD KALA JABTEEN MAAD QARSATAAN SIDAAD MARKII HORE ISU QARSATEEN ? SOW LA YAAB MA AHAN IN DAKAATIRADU AY UMMADDA SAAS WAX UGU SHEEGAAN OO MAALINBA MEEL FOODDA U SAARAAN UMMADDA ? MIDDA KALE HADDII ARINKU YAHAY IN MADAX AAD RAADINAYSAAN OO AAD MARNA MUQAAWAMO KU RAADISAAN MARNA MUJAAHID KU RAADISAAN SOW KHASAARE MA AHAN ?
    ……………………………………….
    DARDAARAN , DARDAARAN , DARDAARAN.
    ………………………………………..
    INTA U JIHAADAYSA IN AY KALIMADDA RABBI KOR NOQOTO HA BISHAARAYSTAAN OO SUNNADII BAY ASIIBEEN RABBINA HA IGA MID DHIGO INSHAA ALLAAH KUWAAS BAANA JECLAHAY IN AAN DHEXDOODA KU DHINTO AYAGOO RABBI KALIMADDIISA KOR U HAYNAYA OO UMMADDANA UGU YEERAYA TAAS , NAFTOODANA IYO MAALKOODANA U HURAYA KALIMADDAAS OO U JEEDADOODU TAHAY RAALI AHAANSHAHA RABBI SUBXAANAH, KUWAAS BAA SAX AH EE UMADAY KUWAAS RAACA MAADAMA HADYIHII MUXAMMAD SALAWAATULLAAHI WASALAAMUHU CALAYHI AY KU TAAGAN YIHIIN .
    ……………………………………….
    KUWA U DAGAALAMAYA IN MAGACOODU KOR NOQDO AMA XIZBIGOODA LAGA SHEEGO FAGAARAHA AMA AYAGA LA XUSO OO HADAFKOODU YAHAY DIIN IYO FAAN AMA DIIN IYO JAGO AMA DIIN IYO QABYAALADE ISKU JIRTA AMA DIIN AFKA LAGA SHEEGO IYO WADDANANIMO AMA DIIN AFKA LAGA SHEEGO IYO ADUUNYO LA HELO AMA WAX KALE OO KU TACALUQA ADUUNYO OO NIYADDU AYSAN KHAALIS AHAYN KUWAAS WAA KHASAAREEN EE DADAW RABBIGIIN IYO RASUULKIISA RAACA OO NIYADDA U BARAX TIRA .
    ……………………………………….

    KALIMAD KU AADAN MUJAAHIDIINTA
    ================================
    INSHAA ALLAAH WAXAAN RABBI IDINKAGA BARYAYAA IN UU GUUSHA IDIN SIIYO , WALAALAYAALOW OGAADA AMMAANADII ISLAAMKA BAAD SHEEGATEEN WAADNA OGTIHIIN NAARTA SACIIRA DADKA UGU HOREEYA EE LAGU SHIDAYO WAXAA KA MIDA NIN SHEEGTAY RABBI AGTIISA SUBXAANAHA IN UU RABBI DARTI U SOO SHAHIIDAY ! LAAKIIN RABBI SUBXAANAH UU DAALACDAY QALBIGIISA OO UU NAARTA GEEAYAY SABABTOO AH NIYADDA OO XUMAYD , UJEEDADU KAMMA AHAYN RABBI DARTI IYO KALAMIDDA RABBI KOR HA NOQOTO EE HA LAGU YIRAAHDO WAA GEESI , WAANA LA YIRI , EE HADDAAD RABTAAN IN LA IDIN YIRAAHDO MAXAAKIM AMA SHABAAB BAA GEESIYAALA WAAD HAYSATAAN , HADDII RABBI DARTI IDINKA TAHAYNA QOLO WALBOOY U NOQO RABBI XAGGIISA OO HADDII AAD QALDAN TAHAY SAX QALADKAAGA , OO ISKAASHADA OO SAF WAAXIDA NOQDA , HADDII KALE FIQI TOLKII KAMA JANNA TAGO KU SIFOOBA OO QURUNKII QABYAALADDA IYO WADDANIYADDA IYO KACAANKA IYO XADDAARADDA IYO WAXII LA MIDA GADAAL U JALEECA , SAFKA MIDEEYA DIINTANA SAY TAHAY U SHEEGA , ISA SAAMAXA OO ADINKA AYAA MAANTA KARAAMADA UMMADA HAYA EE NIYADDA HA KA JABININA INTA RABBI DARTII IDINKU JECLAADAY IYO JIHAADKA AAD WADDAAN , WAXA INTAAS UMMADDA NAGA REEBAY WAA WADAAD XUME IYO WARANLE LA DABA GALAY , EE FIICNAAADA OO BADDALA SAANSAANKII XUMAA , TUBTA TOOSAN MARA , UMMADDA RABBIGOOD TUSA , OO DIINTA SI SAXA U MATHALA , WASSALAAM CALAYKUM.
    ===============================================
    QORE:
    ?????? ??? ???? ????
    ABU CABDURRAXMAN
    HABAYN AXADA
    RAMADAN / 14 / 1429 HIJRI
    binfaqiih@hotmail.com
    ================
    ============
    ========
    ===
    =

    abucabdurraxman | Sep 14, 2008 | Reply

  2. Asalaamucaleykum halagatago dib uxoren halaqaato kitaabki ale hana labanlaabo jihaadka

    Muxamed shekh | Sep 14, 2008 | Reply

  3. URURKA DIB XORAYNTA HA LAGU BEDDELO WAX ISLAAMKA LA XIRIIRA OO BARAX LA’DALKU WAA DAL ISLAAM DADKA BADANKIISUNA WAA ISLAAM WAANA KU QANACSAN YIHIIN ISLAANNIMADA IYO IN LA QAATO SHAREECADA ALLE MARKAA MAGACA DIB U XORAYN H LA BEDDELO AYAAN QABAA OO LOOGU YEERO JIHAAD IYO WIXII LA HAL MAALA.

    WA BILLAHI TAWFIIQ

    abdullahi mohamed hassan | Sep 14, 2008 | Reply

  4. TO:WALAALKAY ABU-CABDIRAXMAAN.

    Waan dareemayaa,ruuxiyada kugu jirta hadaananba garan ninka aad tahay.waxaanse ka xumahay inaan kula mustawe aheen xagga diinta oo aad iga mustawe sareesid.

    Iyadoo ay sidaas,waxaan jeclaystay inaan ku su’aalo dhowr su’aalood oo meesha iiga soo baxay.

    SU’AAL:markaad leedahay waad cararteen,ma fardi fardi baad kuxuukumaysaa,mise waxaad leedahay iyagoo dhan baa cararay,hadey tahay iyagoo dhan,maxay yihin kuwa gudaha kujira ee ay taageeraan ee fikrada iyo dhaqaalaha ladaba taagan yihin ?

    SU’AAL: waxaad sheegtay,in magac iyo aduunyo ay udagaalamayaan,ma adigaa qalbigooda kala jeexay oo ogaaday ?

    SU’AAL:waxaad sheegtay,in tashwiish ay dadka ku furayaan,waxay sheegeen inay ay rabaan in ay mujaahidinta mideyaan,sidee labadaas hadal kala yihiin ?

    SU’AAL:waxaad u bishaaraysa,mujahidinta gudaha kujira,marka ma waxaad kawadaa AL-SHABAAB mise MAXKAMADAHA,waxaan taas kuu waydiiyay ragan aad eedaynaysid baa ah MAXKAMADAHA ?

    SU’AAL: miyuusan hadalkaagu u ekayn mid umadda sii kala fogeenaya ?

    SU’AAL: maxaad daliil ah ood usoo daliishatay,in nimankan ay xuma katalis yihin ?

    SU’AAL:jihaadka qaybihisa waxad ku dartay,inay kamid tahay MAALKA,hadii ay howl jihaadka kaalma u ah ku maqnaayeen,ma qaacidin bay ahaayeen.?

    SU’AAL:waxad sheegtay ood ku durtay,in ay dhaheen qolada JABUTI isku mabda’ma nihin,taasi ma dhaliil baa,markii horesa masaaliix iyo arimo ay adilo u haysteen,inay kuwada joogeen madhici kartaa,sidii adigu waqtigii lixda bilood aad uwada joogteen.?

    Ugu danbayntii waxaan aad ujeclaan lahaa,inaan ka baahi baxo,jawaabahaas iyo ku badan,oo lamid ah,waxaana ilaahay waydiisanayaa in uu ummadda tafaraaruqa ka saaro,manhajkii rasuulka ee saxda ahaana isugu keeno.waxaan kaloon ka codsanayaa dhamaan dadka mujaahidinta ah ee u istaagay,inay dulliga ka qaadan Umadda,inay isku cudur-daaran,oo ay isa saamaxaan,isku sabraan howsha sugaysana ogaadaan culayska ay leedahay….

    WALLAHU-ACLAM

    Abu-jacfar | Sep 14, 2008 | Reply

  5. Abuu jacfarow

    Nimankaan uu ninkaani u hadlayo dad badan baa ku kedsoon oo niyad sami haya. Laakiin nin dhuxul dab ah haya waxaa la yiri daa lama yiraahdo. Nimankaan iyo soomaali way kala bogan doonaan. Laakiin waxaan ilaahey ka barayayaa in barashadaasi noqoto iyadoo cadawgu banaanka naga tegey. Laakiin hadey noqoto cadawgii oo jooga labo khasaaro ayey noqoneysaa.

    1. Waa mide cadawgii ayaa libinta helaya sida Ciraq iyo Chechniya ka dhacdey oo kale. Taasna waa khasaaro weyn.

    2. Waa mida labaade xaqiiqdii ayaa lumeysa oo cibro qaadashadii la rabey in laga helo ayaa ku dhex lumeysa in eedeyn iyo faro isku fiiq.

    Su,aalaha aad ninkaanw aydiisey niyad sami ayaa ka muuqata, laakiin nimankaasi waxey diyaar u yihiin iney tooda dadka xabad ku geliyaan.

    Leysma gaarin laakiin (Inna ghadan li naadirihi qariib)

    wadaad yare | Sep 15, 2008 | Reply

  6. ??? ??? ?????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ???? ????
    ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ????? ??? ???
    Ku: walaalkay abu-jacfar.
    ALLAAH baa iska leh mahad oo dhan mid hore iyo mid danbaba, ALLAAH baan ka baryayaaa markasta in uu xaqqa i waafajiyo oo walaalahayg muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan uu ayagana xaqqa ku sugo, haddaan u soo noqdo hordhacaaga hadalka walaal ani iyo adi waynu u simannahay diinta rabbi oo hadba keenii xaqqa ku sugan waa in midka kale uu raacaa oo xaqqu waa baadida naga maqan meeshaynu ku aragno baadidaas waa in aynu qabanaa oo aynu sii dayn haddii kale waynu khasaaraynaa , haddaan u soo noqdo jawaabaha su’aalahaaga inshaa allaah saan u arko xaqqa baan kuugu jawaabi , su’aalkasta jawaabteeda baan ku soo hoos qoray , WALLAAHU ACLAM WA ACLAA WA AJALL WA AJMAL WA AXSAN WA AQWAA SUBXAANAH.
    …………………………………………………………………………
    1. Iyadoo ay sidaas,waxaan jeclaystay inaan ku su’aalo dhowr su’aalood oo meesha iiga soo baxay.
    SU’AAL:markaad leedahay waad cararteen,ma fardi fardi baad kuxuukumaysaa,mise waxaad leedahay iyagoo dhan baa cararay,hadey tahay iyagoo dhan,maxay yihin kuwa gudaha kujira ee ay taageeraan ee fikrada iyo dhaqaalaha ladaba taagan yihin ?
    JAWAAB/-1 - Ninkii markii hore ku dhawaaqay[ ALLAAHU AKBAR ] iyo xukunkaygu waa Alislaam , oo markii gaalo is bahaysatay oo soo duushay ayagoo wata gaala raaca ka cararay maydaanka ama meesha dagaalku ka socdo oo labada saf la isaga soo horjeedo baa la oran karaa waa caray fardi ha noqdo ama wadar ha ahaadee biya dhacu waa yaa gaalada iyo gaala raaca intaas hortaagnaa ? in ay fikrad iyo dhaqaale la daba joogaan markhaati kama ihi adaa lagaa rabaa caddayn? WALLAAHU ACLAM.
    SU’AAL: waxaad sheegtay,in magac iyo aduunyo ay udagaalamayaan,ma adigaa qalbigooda kala jeexay oo ogaaday ?
    JAWAAB/-2 – Ma adaa iska mala awaashay in aan saas u iri hadalka mase waa saad jeceshahay in aan u iraahdo , xaashaa quluubtooda ma galin waxaan xukumayaa daahirkooda iyo falkooda ay ku dhaqaaqeen iyo waxa cad ee muuqda , quluubta waxa ku jira rabbi baa og , mana suura galayso in qof walba suu rabo u socdo oo waxuu rabo sameeyo walow waxaas ay dhaawac ku yihiin diinta haddana uu yiraahdo qalbigayga rabbi baa og, tusaale nin saaladda aan tukanayn oo haddana ku leh qalbigaygu waa saafi !!! marka hadalkaas meeshaan ku iri adaa lagaa rabaaaa??? WALLAAHU ACALAM.
    SU’AAL:waxaad sheegtay,in tashwiish ay dadka ku furayaan,waxay sheegeen inay ay rabaan in ay mujaahidinta mideyaan,sidee labadaas hadal kala yihiin ?
    JAWAAB/-3 - Mujaahidiinta in la mideeyo maxaa keenay ? goormayse kala boodeen mujaahidiintu ? goormaase la is qabtay ? markaad jawaabta garato waad la soo bixi kartaa in ay ayaga yihiin kuwii keenay kala boodka , iyo kala tagga waana taas kuu muuqata in lagu kala magacaabo [garab/jabuuti] iyo [garab/asmara] , midda kale ha moodin in marka jihaad la galo in lawada joogayo waa lakal bixi walaal kuwa uurka ay kaga jirto beentu baa beentu banaanka u soo baxdaa , marka tashwiishku waxuu ka dad ayaguba kala baxay oo awoodi waayay in ay midoobaan maxay midaynayaan ? sow uma eka in ay u hadlayaan garabkooda oo kaliya maslaxaddiisa , hadda mujaahidiintu way guulaysanayaan oo inshaa allaah niyaddooda iyo ficilkooda ku aaddan in kalimadda rabbi kor laga dhigo iyo muuminiinta rabbi u soo baryaysa darteed bay nasriga ku heli inshaa allaah .WALLAAHU ACLAM.
    SU’AAL:waxaad u bishaaraysa,mujahidinta gudaha kujira,marka ma waxaad kawadaa AL-SHABAAB mise MAXKAMADAHA,waxaan taas kuu waydiiyay ragan aad eedaynaysid baa ah MAXKAMADAHA ?
    JAWAAB/-4 – Bishaaradu kuma koobna shabaab walaa maxkamadaha waxaa iska leh qofkasta oo muslim ah oo ku sifooba ikhlaas iyo diin saxa oo u jihaada kalimadda rabbi oo kaliya. WALLAAHU ACLAM.
    SU’AAL: miyuusan hadalkaagu u ekayn mid umadda sii kala fogeenaya ?
    JAWAAB/ -5 – Marka hore maxaa ula jeedaa ummad ? Haddaad ula jeedo ummadda muslimka ah oo diinta saxda haysata jawaabtu waa maya oo qofkasta wuu arki in hadalkaygu ku aadan yahay in rabbi kaliya diinta kor laga dhigo waxaadna igu xukuntaa daahirkayga iyo hadalkaan iri oo kaliya kaas diirada saar oo miizaan haddaan khilaafo kitaabka iyo sunnada iga leexo anna waan qaldamay haddii kale intaan xaqqa ka raaco ka sheeg intaan ku khilaafana sheeg , marka ummad diin taqaan ku kala tagi mayso inshaa allaah waa haddii caddaaladda aan laga leexan . Haddaad ula jeedo umadda soomaaliyeedna jawaabtu waa haa , adaana ka markhaati ah in ummad soomaali ah oo is haysata in aysan jirin !!!! ummad iska daaye qoys soomaali ah oo si saxa isu haysta waa yar yahay , maxaa yeelay mar haddaan diintii rabbi si saxa loo haysan inta u taagan oo kaliya baa sax ah inta kale [4.5] bay raali ku noqdeen , marka qof uu sharciga rabbi waxaan ahayn uu sharci ka dhigto waa qof ka yiri oo kale rabbi baan la daagaali , marka hadalkayga waa lagu kala tagi oo waxaan taageersanahay walaalahayga soomaaliyeed ee u kacay in diinta rabbi naftooda u huraan oo ay u jihaadaan , marka kuwa taageera xabashi iyo mooryaanta waanu kala tagaynaa , Haddaad ula jeedo ummadda kuwa sheegtay diinta jawaabtu waa haa waana kuu muuqataa in ay haddaba ku kala tageen wax intaas aan soo sheegay ka yar .WALLAAHU ACLAM.
    SU’AAL: maxaad daliil ah ood usoo daliishatay,in nimankan ay xuma katalis yihin ?
    JAWAAB/ - 6 – Kalimaddaad adeegsatay oo ah in ay yihiin xuma katalis meeshaad ka keentay adaa lagaa rabaa anna maanan oran nimankaas waa xuma katalis ee nin yahaw miyaad iska samaysanaysaa waxaad rabto fadlan waxaan soo qoray wax iga waydii haddaad doonto waxii aad qaloocinayso waa yeelkaa kaliya caddaaladda ha ka leexan saan wax u sheegay iiga waydii kaliya soo guuri saan u soo guuriyay su’aalagaaga oo aan kaaga jabay haddii kale adaa xumaan raadis ah. WALLAAHU ACLAM.
    SU’AAL:jihaadka qaybihisa waxad ku dartay,inay kamid tahay MAALKA,hadii ay howl jihaadka kaalma u ah ku maqnaayeen,ma qaacidin bay ahaayeen.?
    JAWAAB/ - 7 – Qaacidiin waxaan u filayaa in aad ula jeedo kuwa j ihaadka ka haray oo waa kalimad carabi ah saas haddaad ula jeedo , jawaabteedu waa si guud oo ma khusayso waxaan soo qoray , qofkii camal saalaxa la yimaada naftiisa buu wax taray , marka kii ka hara jihaadkana naftiisa buu ku gabood falay ee miizaanku waa diinta rabbi iyo waxa ka muuqda qofka oo loo fiirsho inta uu u jiro miizaankaas cabbirkiisu uu yahay mid aan laga dhumi karin , WALLAAHU ACALAM.
    SU’AAL:waxad sheegtay ood ku durtay,in ay dhaheen qolada JABUTI isku mabda’ma nihin,taasi ma dhaliil baa,markii horesa masaaliix iyo arimo ay adilo u haysteen,inay kuwada joogeen madhici kartaa,sidii adigu waqtigii lixda bilood aad uwada joogteen.?
    JAWAAB/ - 8 – SUBXAANALLAAH waad iska malaynaysaa oo malahagaaga baad ciyaaraysaa ee mawduuca ka hadal wax ka baxsan oo aadan ogayn ha ka hadlin , marka hore ani iyo ayaguba in aan wada joognay iyo in kale miyaad caddayn kartaa ?? waa cilmi darri ku haysata ,ee rabbi u toobad keen , waxaadan cilmi u lahayn looma sheego sidii in ay sax u dhaceen haddii kale beenaale baad noqonaysaa ee runta akhlaaq ha kuu ahaato , haddaan u soo noqdo mawduuca aan wax ka iri , walaal muuminku hal waji buu leeyahay munaafiquna kumaakun waji buu kuula imaan , muuminka hal hadal baad ugu imaan munaafiqana kumaakun hadal oo kala duwan baad ugu imaan , marka qofka muslimka ah waa in uusan ku sifoobin munaafiqnimada isbadaysa oo dabaysha la socota, saas daraadeed jawaabta waa kuu qorantahay ee si fiican u akhri iska daa malaha nimankaan , waxaa loo haystaa waa ka wayn tahay intaas , ama afeef hore lahaw ama adkaysi danbe yeelo , diintaad lixda bilood ummadda la hortaagnayd ma afawurqi iyo geele iyo meliz baa ka adkaaday mase waad u sabri oo taada baad u dhiman ama waad guulaysan inshaa allaaah , WALLAAHU ACLAM .
    Diinta rabbi ha lagu dadaalo sidii aynu runta uga sheegi lahayn , haddii kale jaahwareer baa nagu dhacaya , ALLAAHU AKBAR ,WA ACLAM.

    abucabdurraxman | Sep 16, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo