Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee G.Bay oo la dilay

Published on September 12, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

baydhabo1.jpgGudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ugu qaabilsanaa Maamulka Gobolka Bay ee DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, Sh Maxamed Xaaji C/Qaadir, ayaa Maanta lagu toogtey Bartamada magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

  

Dilka ninkan ayaa sida wararka lagu helayo waxaa geystey 3 nin oo ku hubesnaa bastoolado, kuwaas oo dilkiisa ka dibna goobta sibad gelyo ah uga baxsadey.

  

Goobta lagu dilay gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Bay oo ah gudaha Suuqa weyn ee magaalada Baydhabo, waxaa soo gaarey ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Gobolka Bay, oo rasaas xoogan dhan walba u ridey.

  

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaano xoogan ka sameeyay goobta lagu dilay Sh Maxamed Xaaji, wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadu dhowr qof soo qab qabteen, kuwaas oo ay u taxaabeen xabsiga magaalada baydhabo.

  

Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Baarlamaanka KMG ah, waxaa maalmihii ugu danbeeyay ku soo badanayey dilalka qorsheysan oo qaarkood lala beegsanayo madaxda DKMG ah ee ku sugan Baydhabo, dhawaan ayayna aheyd markii Bartamaha Magalaada lagu toogtey xilli habeen ah mid ka mid ah xubnaha Baarlamaanka KMG ah oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Maye.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudoomiyihii hore ee Baladweyn oo xalay toogasho lagu dilay
  2. Nin Caawa lagu dilay Baydhabo
  3. Gudoomiyihii Madaniga Leego oo la Dilay
  4. Gudoomiyihii Maxkamada Wadajir oo la dilay
  5. Wiil xerow ah oo lagu dilay Baydhabo

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudoomiyihii hore ee Baladweyn oo xalay toogasho lagu dilay
  2. Nin Caawa lagu dilay Baydhabo
  3. Gudoomiyihii Madaniga Leego oo la Dilay
  4. Gudoomiyihii Maxkamada Wadajir oo la dilay
  5. Wiil xerow ah oo lagu dilay Baydhabo

Latest Headlines