Fataawida Ramadaan (Q.6-aad)

Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo  Dr. Axmed X. C/Raxmaan.

  

Asc War Wab.

Su’aal 18-aad: -Sheekh Dr. Axmed Kheryr badan alle ha kaa siiyo,
anigu waxaan rabaa in aan sheekha weydiiyo laba su’aalood oo kala ah:-
1- Aadaanka Danbe hadaan u qaato aniga oo suxuuranaya midkii hore soonkaygii muxuu noqonayaa?
2- Haddii Cad cadii qoraxda ay isku gadaamaan Daruuro ka dibna aan u qaadano in ay qoraxdii dhacday, ka dibna la arko qoraxdii oo soo jeeda oo aan wali dhicin Soonkaygii muxuu noqonayaa? 
www.

  

aljawaab:-marka hore halaga dadaalo waqtiga la afurayo iyo kan laga joogsanayo waxa wax afuriya,waqti hadda la joogana waxaa suurta gashay siyaabo badan oo arinkaas loo xaqiijiyo.
tan kale hadaad u qaadatid aadaankii danbe in uu yahay kii hore oo saas darteed aad wax cuntid see xaalku noqunayaa?,jumhuurtu waxay aragtaa in maalintaas laqalaynayo.

Sh.Islaam Ibnu Taymiya iyo rag kale waxay arkaan in soon u ujiro qofkaasina la mid yahay sidii qof isaga oo hilmaansan wax cunay,ilaahayna waa u dhaafay umadaan waxii ay hilmaanto.

2-Arinkaan hadii daruur darteed loo qaato in qoraxdu dhacday ka dibna ay soo baxdo,waxaa jumhuurtu aragtaa in la qalaynayo maalintaas,Sh.Islam Ibnu Taymiya wuxuu arkaa in aan la qalaynayn oo soonkii u jiro waxayna daliishadeen Aathaar Cumar Bin Khadaab laga wariyay iyo xujadii horay aan u soo sheegnay oo ahayd in uu la midyahay qof isaga uu hilmaansan wax cunay.

  

Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:

  

somalimirror@hotmail.com

  somalimirror@gmail.com   

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo