Dagaal Beeleed Khasaare Geystey oo ka Dhacey Xuduudka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

dagaal-beeleed.jpgDagaal Beeleed inta la ogsoon yahey ay ku dhinteen 15 Qof, ayaa ka dhacey xuduudka u dhaxeeya gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

  

Dagaaladan oo dhacey shaley, ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed labada beeleed ee dagaalku u dhexeeyo ay isku hayaan.

  

Sidoo kale dagaaladan ayaa loo sababeynayaa, aanooyin qabiil oo horey ugu dhexeeyay labada beeleed ee dagaalamaya, kuwaas oo salka ku haya dhulka saaqsiinka ee beelahani wada deegaan.

  

Deegaanada dagaaladu ka dhaceen, waxaa ka mid ah deegaanka Ceel Dheere iyo Ceel Baraf oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

  

Ciidamo ka socda MMIS ayaa u dhaqaaqey deegaanada dagaaladu ka dhaceen, kuwaas oo ka kala yimid dhanka Degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah gobolka Shabeelada Dhexe.

  

Saraakiil ka tirsan MMIS oo saxaafada u waramey ayaa sheegay in khilaafka dagaaladu sababeen ee u dhexeeya beelahada walaalaha ah ee wada dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe,ku dhameyn doonaan Shareecada Islaaska.

 

Ciidamada ayaa goobta dagaalku ka dhacey ugu dhaqaaqey sidii ay u kala dhex geli lahaayeen Beelaha dagaalamaya si looga hor tago dagaalo kale oo dhaca oo ay ku daataan dhiig kale oo khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawacba leh keena.

  

Dagaalad Beeleedka soo noq noqda ee dhex mara beelaha deegaanku ka dhaxeeyo ayaa ah kuwo ay ka dhashaan khasaarooyin xoogan iyo colaado jiitama oo keena in dhul weyn oo deegaanka iyo daaqa ku haboon laga wada caago.

 



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo