2 Markab oo la Siidaayay

Published on September 11, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

maraakiib.jpg2 markab oo laga kala leeyahay dalalka Jabaan iyo Jarmalka ayaa waxaa maanta siidaayay Burcad badeed Soomaali ah oo xeebaha Degmada Eyl ku haystay muddo bilo ah kadib markii ay heleen lacago madaxfurasho ah.

  

MV BBC Trinidad oo ah markab laga leeyahay dalka Jarmalka iyo MT Irene oo ah markab nooca shidaalka qaada lagana leeyahay dalka Jabaan ayaa maanta la sii daayay kadib markii ay dalalkaasu dhiibeen lacago madax furasho ah oo aan cadadkeeda la cayimin.

  

Sida uu xaqiijiyay Wakiilka Hay’adda Badmareenada aduunka u fadhiya Gobolka Bariga afrika Andrew Mwangura maraakiibtan ayaa burcad badeeda u gacan galay 21-kii bishii August ee la soo dhaafay.

  

“Waxaan hadda xaqiiqsanay in 2-da markab ay burcad badeedu sii daayeen” ayuu yiri Andrew Mwangura oo u waramayay Wakaaladda Wararka EFP xilli uu ku sugnaa Magaala xeebeeda dalka Kenya ee Mambassa.

  

Markabka laga leeyahay dalka Jarmalka  MV BBC Trinidad oo ay saarnaayeen 13 shaqaala ah oo 10 kamid ah ay u dhasheen dalka Filipin, 2 kale oo u dhalatay Dalka Ruushka iyo Kabtanka Markabka oo u dhashay Dalka Slovenia ayaa waxaa la siidayay ayaga oo dhamaantood badqaba isla markaana aysan soo gaari wax dhibaato ah.

  

“Burcaddu waxay dalbadeen lacag farabadan oo madax furasho ah balse lama socdo in lasiiyay iyo in kale” ayuu yiri Mwangura.

  

Sidoo kale Markabka shidaalka MT Irene ee laga leeyahay dalka Jaban oo ay saarnaayeen shaqaale garaya ilaa 16 oo 13 kamid ah ay u dhasheen dalka Filipins iyo 3 kale oo u dhalatay dalka Kuruwatiya ayaa la siidayay ayaga oo kuligood badqaba sida uu sheegay  Andrew Mwangura.

  

Burcad badeeda oodda ka qaaday maraakiibtan ayaa waxaa la rumaysan yahay in ay dawladaha Jarmalka iyo Jabaan ka Qaateen lacago madax furasho ah oo aan caddadkeeda rasmiga ah la garanayn balse waxaa jira warar tibaaxaya in burcaddu ay Dalalkaas ka qaadatay maaliyad dhan 1.5 milyan oo doolarka maraykanka ah sida ay EFP u sheegeen ilo ka agdhaw Burcad badeeda Soomaalida ah. 

 

Buracad badeeda Soomaalida ah ayaa waxaa hadda gacanta ugu jira 9 markab oo laga leeyahay dalal kala duwan oo caalamka ah kuwaas oo ay saaran yihiin shaqaale tiradoodu dhan tahay 101 ruux kuwaas oo ay ka mid yihii lamaane u dhashay dalka Faransiiska oo ay burcaddu siidayntooda ku xireen madaxfursho dhan 1.4 milyan oo doolarka maraykanka ah.

  

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay hoy u noqdeen Burcad badeed aad u farabadan oo xeebaha Soomaaliya ee dhirirkoodu dhanyhay 3,700 KM (2,300 mile) ka ugaarsada Maraakiibta kala duwan ee ku soo dhawaada Biyaha Soomaaliya iyo kuwa maraya Gacanka cadan.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab Ruushan ah oo bil kadib madax furasho looga siidaayay Eyl
  2. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  3. Markab Laga Leeyahay K/Kuuriya oo la Afduubay
  4. Markab Kalumeysi oo Burcaddii Heysatey Laga Sii Daayey
  5. Markab la Afduubtay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab Ruushan ah oo bil kadib madax furasho looga siidaayay Eyl
  2. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  3. Markab Laga Leeyahay K/Kuuriya oo la Afduubay
  4. Markab Kalumeysi oo Burcaddii Heysatey Laga Sii Daayey
  5. Markab la Afduubtay

Latest Headlines