Nin lagu diley xaafada fiya leyberiya

Published on September 10, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

muqdisho.jpgKooxo ku hubeysan Bastooladu ayaa Barqanimadii Maanta Nin ku toogtey xaafada Fiya Leyberiya ee degmada Waaberi, kaas oo xilliga ku sugnaa makhaayad uu leeyahey oo ku taaley Xaadda Fiya Leyberiya.

  

Ninka la dilay, ayaa goobta lagu dilay waxa uu ku lahaa makhaayad u shidneyd taas oo ku howlanaa xilliga la dilay ka shaqeyn teeda sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafada u waramey.

  

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in dhowr jeer oo hore ninka la dilay loo jeediyay hanjabaado aan la ogeyn cidda ay ka timid balse uu ka dhaga adeygay.

  

Makhaayada la sheegay in Ninkan la dilay ay u shidneyd ayaa waxa ku qayili jirey qaar ka mid ah ciidamada DKMG ah oo goobta makhaayadu ku taalo fariisin ciidan ku leh.

  Dilka ninka ka dib kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsdey, iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya oo goobta ka agdhawaa rasaas xoogan fureen taas oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha Dadka Rayidka ah ka soo gaarey.  



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Askari Lagu Diley Sanca
  2. Askari lagu Diley Deg. Dharkeynlay
  3. Wiil Dhalin yaro ah oo Muqdisho Lagu Diley
  4. Burcad Lagu Diley Duleedka Luuq
  5. Asakri Lagu Diley Suuq Bacaad

Readers Comments (1)

  1. abdikarim says:

    Ciidamada maxkamadaha maxey dhowr labaatan qeybood ugu kal jabaan yaase ugu horeeyey oo dhinac uga baxey ?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Askari Lagu Diley Sanca
  2. Askari lagu Diley Deg. Dharkeynlay
  3. Wiil Dhalin yaro ah oo Muqdisho Lagu Diley
  4. Burcad Lagu Diley Duleedka Luuq
  5. Asakri Lagu Diley Suuq Bacaad

Latest Headlines