Nin lagu diley xaafada fiya leyberiya

muqdisho.jpgKooxo ku hubeysan Bastooladu ayaa Barqanimadii Maanta Nin ku toogtey xaafada Fiya Leyberiya ee degmada Waaberi, kaas oo xilliga ku sugnaa makhaayad uu leeyahey oo ku taaley Xaadda Fiya Leyberiya.

  

Ninka la dilay, ayaa goobta lagu dilay waxa uu ku lahaa makhaayad u shidneyd taas oo ku howlanaa xilliga la dilay ka shaqeyn teeda sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafada u waramey.

  

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in dhowr jeer oo hore ninka la dilay loo jeediyay hanjabaado aan la ogeyn cidda ay ka timid balse uu ka dhaga adeygay.

  

Makhaayada la sheegay in Ninkan la dilay ay u shidneyd ayaa waxa ku qayili jirey qaar ka mid ah ciidamada DKMG ah oo goobta makhaayadu ku taalo fariisin ciidan ku leh.

  Dilka ninka ka dib kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsdey, iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya oo goobta ka agdhawaa rasaas xoogan fureen taas oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha Dadka Rayidka ah ka soo gaarey.  



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. Ciidamada maxkamadaha maxey dhowr labaatan qeybood ugu kal jabaan yaase ugu horeeyey oo dhinac uga baxey ?

    abdikarim | Sep 10, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo