Markab Laga Leeyahay K/Kuuriya oo la Afduubay

Published on September 10, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

markab1.jpgMarkab laga leeyahay Dalka K/Kuuriya oo nooca xamuulka qaada ah ayna ku raran yihiin shixnado ganacsi ayaa waxaa uu maanta gacanta u galay Burcad badeed Soomaali ah xilli uu marayay meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya oo ka mid ah Gacanka Cadmeed. 

Wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Koonfurta Kuuriya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in markab dalkeeda laga leeyahay ay afduub u gaysteen Burcad badeed Soomaali ah.

  

Sidoo kale W/Arrimaha Dibadda K/Kuuriya ayaa xaqiijisay  in markabkan ay saarnaayeen badmaaxiin tiradoodu dhantahay 24 oo 8 kamid ah ay yihiin Muwaadiniin u dhalatay Dalka Koonfurta Kuriya.

  

Burcadda ayaa la sheegay in ay markabkan ku weerareen hubka Mishigans-ka loo yaqaano iyo Gantaalada Garabka laga tuuro waxayna Markabka ula jihaysteen dhinaca Xeebta Degmada Eyl oo hoy u noqotay Burcad badeeda ka qawlaysta xeebaha Dalka soomaliya gaar ahaan kuwa Maamul goboleedka Puntland.

  

Markabkan maanta gacanta u Burcad badeeda ayaa waxaa uu tirada maraakiibta u afduban ka dhigayaa 11 markab oo laga leeyahay dalal kala duwan oo caalamka ah kuwaas oo ay saaran yihiin badmaaxyo dhan 130 ruux oo kala haysta jinsiyado kala duwan.

  

Burcad badeeda afduubka u gaysatay markabkan ayaa waxay sida caadada u ah dalbanayaan lacago Maradaxfurasho ah taas oo aan cadadkeeda la qiyaasi Karin, wuxuuna markanu noqonayaa kii 4 oo laga leeyahay Dalka K/Kuuriya oo ay afduubtaan burcad badeed Soomaali ah tan iyo sanadkii 2006-da ee la soo dhaafay.

  

Burcad badeeda Soomaalida ah ee ka qawlaysta xeebaha dalka Soomaaliya ayaa mudooyinka aad u sii kordhaya waxaana xeebaha Soomaliya lagu sheegay in ay noqdeen kuwa ugu khatarta badan caalamka sida ay bayaan ku sheegtay Hay’adda Badmaaxyada aduunka.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  2. Doon laga leeyahay Faransiiska oo la Afduubay
  3. Markab lagu afduubay Gacanka Cadmeed
  4. Markab Kalumeysi oo Burcaddii Heysatey Laga Sii Daayey
  5. Markab la Afduubtay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  2. Doon laga leeyahay Faransiiska oo la Afduubay
  3. Markab lagu afduubay Gacanka Cadmeed
  4. Markab Kalumeysi oo Burcaddii Heysatey Laga Sii Daayey
  5. Markab la Afduubtay

Latest Headlines