Fataawida Ramadaan (Q.5-aad)

Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo  Dr. Axmed X. C/Raxmaan.

  

Su’aal 14-aad: -As, Waxaan Shiikha Su’aalayaa: Waxaan ka Shaqeeyaa Xafiis iyo meel mutuleel ah inta badan waxaa iga yimaado xaako meel aan ku tufana mahelo, ama aniga oo tukanaya ayay Afkayga soo gashaa, ama aniga oo dad shaqo u ahaya oo aad u mashquulsan, hadaba shiikow Xaakadaas Soonkayga ma iga burinaysaa?

  

Aljawaab:-wax dhibi kuma jiraan liqid Candhuufta iyo Boorka iyo Xaakada ,wax daliil ah looma hayo in xaako Soon jabiso.

  

Su’aal 15-aad: -Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuhu,
bahda Somalimirror.Com iyo Asheekh Dr. Axmed Xaajiba Khayr badan Allaah ha idin siiyo.

 

Suasheydu waa :-Sheekh ka waran Dadka wax ku kariya Meheradahooda Maalinta Ramadaanka isla markaana diida inay xiraan oo dagaal la soo istaagaan oo waliba loo sheego in kirada guryaha ay ku ganacsanayaan laga bixin doono ayaguna ay qaataan faa’idada habeenkii wixii laga gato oo diida sidoo kalena aan salaada tukan xukunkooda muxuu noqon?
hadii dagaalse uu dhex maro labadaas qeybood ee kuwana rabaan in meesha ay habeen iyo maalinba ku ganacsadaan oo raashin kariyaan kuwana rabaan inay maalintii iska xiraan oo habeenkii furaan hadii uu dagaalkaas qof kuwa wanaag doonka ah dilo mid ka mid ah xumaan doonka ah dilo qofkaas dilka geystay ma noqonayaa ama maka mid noqon kuwa la yiri (Man qatala mu’minan mutacamidan)?

  

Aljawaab:-Qofka Muslin sheeganaya waa in uu Soomaa Bisha Ramadaan,mana banaan bil Ramadaan maalinteeda in uu kariyo raashin,hadii meesha maamul ka jirana waxaa laga rabaa maamulkaas in ay xiraan meheradaha furan maalintii.

 

Waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado munkarka doorintiisu waxay u baahantahay fiqhi waa in doorintaas aynan ka dhalan munkar ka wayn kii hore. 

   

Su’aal 16-aad: -ASC. Shiikh Allaah yaxfadka. Waxaan jeclahay inaan ku waydiiyo su’aal ku saabsan Ramadaanka oo ah Xadiithka dhahaya
(( Man Qaama Ramadaana Imaaman Waxtisaaban Qufira Lahuu Maa Taqadama Min Dan Bihi ee Bukhaari)) ma wuxuu ka kooban yahay dunuubta saqaa’irta ah mise kabaa’irta iyo saqaa’irta looma kala qaadayee waa bishaaro caam ah?

  

Al jawaab:- xadiiska:( Man Qaama Ramadaana Imaaman Waxtisaaban Qufira Lahuu Maa Taqadama Min Dan Bihi ee Bukhaari Wariyay).waxa la dhaafayo waa dunuubta yaryar sida ay qabaan jumhuurtu waxaana cadaynaya xadiiska kale (waa la dhaafaa dunuubta Ramadaan ilaa Ramadaan hadii laga fogaado kuwa waa wayn).
Imaam Alnawawii waxuu sheegay:in dunuubta yaryar ay tirtirayso tan waawayna ay khafiifinayso

 

Su’aal 17-aad: -A/S  ugu horrayntii waxaa salaamayaa Dr Axamed C/raxmaan iyo bahda Somalimirror salaan kadib, Su,aasha aan rabo in la iiga jawaabo waxaa weeye (hadii anoo cunaayo suxuurta Adinkii dambe iigu yeero saxuurta ma iska dhaafayaa mise waa sii cunaayaa illaa aan ka dhamaysto ) Su,aashaas iiga jawaaba,W/S.

 

Aljawaab:-sida ku cad Ayaada Quraanka ah iyo axaadiistaba waxaa cunidu ku egtahay markii uu dhasho Fajarka Labaad(loo yaqaan Fajarka Dhabta ah) saasayna Culimada badideed aaday,waxaa soo arooray xadiis uu Abu Daawood wariyay oo macnihiisu yahay: hadaad maqashid Aadanka adiga oo Weelkii gacanta ku haya ha dhigin ilaa aad dantaada ka dhamaysatid,Culimada qaarkeed waxay ku fasireen sida Khadaab oo kale: xadiiskaasi wuxuu la macnayahay xadiiskii aha: ha ku kadsoominina Aadaanka bilaal wuxuu adimaa Habaynimo,marka waa in aad joojisaa Cunida  iyo Cabida hadii u Adinku yahay kii labaad oo Fajarka dhabta ahina uu dhashay.

  

Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:

  

somalimirror@hotmail.com

 somalimirror@gmail.com   

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo