Maxamed Cusmaan Cali(Dhagax Tuur) oo saxaafada shir Jaraa’id ugu qabtey Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in uu u sharaxan yahey xilka maamulka Gobolka Banaadir, ee lagu wado in dhawaan la soo doorto.
Shirka Jaraa’id ee uu qabtey Dhagax Tuur ayuu ku soo bandhigay qorshihiisa wax qabad, ee uu ku doonayo in lagu doorto, waxa uuna sheegay in uu doonayo in amaanka guud ee Gobolka Banaadir wax ka badeli doono, hirgelin doonana nabad taam oo ka hirgasha Gobolka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii ka qaxey Magaalada Muqdisho uu dib gurayahooda ugu soo celin doono, iyada oo sidoo kale la furayo wadooyinka xiran, waa sida uu hadalka u dhigayee.
Waxa uu kale ee shirka Jaraa’id ka sheegay in ciidamada degan deegaanada Dadka Rayidka ah laga rari doono, si dadkii deegaanada deganaa dib ugu soo nodaan deegaanadooda.
Shirka Jaraa’id waxa uu sidoo kale ku soo bandhigay wax qabadkiisa, intii uu kusime ahaan ugu magacownaa Maamulka Gobolka Banaadir ee sida Kmg ah Nuur Cadde ugu magacaabey, isaga oo sheegay in intii uu xilka hayey la furey wadooyin xirnaa, sidoo kalena ladayac tirey wadooyinka qaar ee Gobolka Banaadir.

Related posts: