Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubooyada Hoose ayaa bandow lagu soo rogay habeenimadii xalay kadib markii ay dhaceen 2 labo dhacdo oo dil ah kuwaas oo dhacay mudo ka yar 24 Saac.
falalkan oo argagax wayn ku beeray Bulshada Reer Kismaayo ayaa Maqrinimadii xalay uu ku dhawaaqay Madaxa Amniga Magaalada Kismaayo ee Maamulka Cusub Sheekh C/raxmaan Max’ed Cali (C/raxmaan Fiilow) inay Magaaladu Bandow la saaray taas oo uu sheegay inay dadwaynahu xaroodaan inta ka horaysa 07:30 fiidnimo.
Lama sheegin illaa iyo hadda xiliga rasmiga ah ee uu ku egyahay Bandowgan.
waxaa sidoo kale xalay lagu arkaayay Dariiqyada Magaalada Ciidamo fara badan iyo Baabuurta Gaashaaman oo wareegaayay xaafadaha magaalada.
iskusoo wada duuboo xaaladan bandowga ah ayaa loo aanaynayaa inay keentay falalkii dilka ahaa ee ka dhacay magaalada kismaayo maalinimadii Shalay.

Related posts:
koly iyo koley warbixinta waa la helay maxaa dhacay nimankii maqaayada ku dilay labadii walaalaha waa la haya kana waa lagu raad joogaa waa somaliya wax qarsoomaya ma jiro waa la sheegaayaa waxayna maslaxda u tahay dhiiga dadka walaalaha ah oo lakala badbaadiyo sidaa tuhunka ayaa keenay bandowga ama odayaasha oo aan si feejignaan la’aan ah u dayacay howshoodii baaritaan xoogan ayaa socda illaahay hala garab galo aslaaxinta nabada shacabka magaalada kismaayo waxaan leeyahay Aamiin—–Aamiin—-Aamiin