Dhamaan Xubnihii Maamulka Gobolka Banaadir oo Xilalkii Laga Qaadey

gobolka-banaadir.jpgWareegto Maanta ka soo baxdey xafiiska C/laahi Yuusuf, madaxada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ayaa xilalkii looga qaadey dhamaan xubnihii Maamulka Gobolka Banaadir sidoo kalena lagu magacaabey maamul cusub oo sida KMG ah u sii shaqeyn doona inta maamul guud laga soo dhisayo .

  

Xubanaha aamulka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaadey ayaa isugu jira kii horey uu Nuur Cadde xilka uga qaadey ee Maxamed Dheere hogaaminayay, iyo kii danbe ee sida KMG ah Nuur Cadde xilka Gobolka Banaadir ugu magacaabey ee Dhagax Tuur madaxa ka ahaa.

  

Waxa ka mid ah xubanaha xilalka laga qaadey ee magacyadooda la shaaciyay, Maxamed Dheere, Dhagar Tuur, C/Risaaq Shaaweeye, Axmed Taajir iyo xubno kale.

  

Xubnaha xilalka laga qaadey, ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in ay xilalkii wareejiyeen, kan danbe ee lagu dhawaaqi doonana la shaqeyn doonaan.

  

Isla wareegtada Maanta ayaa lagu magacaabey maamul cusub oo gobolka banaadir yeelan doono, kaas oo xilka heyn doona muddo 15 maalmood oo lagu soo dhisi doono maamul guud oo Gobolka Banaadir yeelan doono.

  

Xubanaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir sida KMG ah loogu magacaabey waxa ka mid ah Ibraahim Sh Muxyadiin oo ah gudoomiyaha maamulka iyo C/Qaadir Walaayo oo ah gudoomiye ku xigeen iyo xubno kale.

  

Xubnaha cusub ee maanta la magacaabey ayaanan ka qeyb qaadan doonin olalaha danbe  lagu soo dhisi doono maamulka danbe ee rasmiga ah ee Gobolka Banaadir yeelan doono.

  

Mudda 15 maalmood gudahood ee maamulkan cusub shaqeyn doono, ayaa lagu wadadaa in la sameeyo doorasho guud oo lagu dooran doono maamulka guud ee ka arimin doono Gobolka Banaadir, kaas oo hoos tegeya DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

  Goobta kulanka xil ka qaadista iyo magacaabista Gobolka Banaadir ka dhacdey, waxa sidoo kale goob joog ka ahaa Nuur Cadde oo sida wararka lagu helayo si  wada jir isaga iyo C/laahi Yuusuf wareegtan horey uga soo wada shireen, arintan ayaa sidoo kale daba socota heshiiskii dhawaan dalka Itoobiya ku soo wada yeesheen.   

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo