Dacwadu way Inoogu Soconaysaa!

Published on September 9, 2008 by   ·   6 Comments   ·   print

 Nin Sheekh ah ayaa la waydiiyay dhulku ma wareegaa?, markaasuu ku jawaabay: hadduu wareego iyo haddaanu wareeginba innaga dacwadu way inoogu soconaysaa!.

 

 Way wanaagsan tahay in Culimada la waydiiyo wixii Qofka wax taraya Adduun ama Aakhiro oo uu jaahil ka yahay, Ilaahayna wuxuu yiri: su’aala dadka cilmiga leh haddydnaan wax garanayn. Waxaase laga wacan yahay in Culimada la waydiiyo Su’aalo aan waxba tarayn ama looga jeedo xujo ama qosol uun.

 

 Su’aashan waa Su’aal Cilmi ah oo mudan in la is weydiiyo, Sheekhuse wuxuu ka eegay in danta uun laga raaco oo maadaama dadka meesha fadhiya dacwo iyo diin isugu yimaadeen ay tahay in ay dhulka dantooda ku fushadaan ha wareego ama yaanu wareegine.

 

 Gabagabaii waxaa ina la gudboon in aynu ka shaqayno kaliya wixii inoo leh waxtar adduun ama mid aakhiro, taasina inoo diidi mayso in aynu mar mar xoogaa madadaalo ah samayno, waxaase muhiim ah in aysan noqon wax tiro badan ama sharciga khilaafsan.

 

 Axmed C/samed

 alwaqaar@hotmail.com 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (6)

  1. cabdi says:

    walaahi qoso daraadii waan akhriyi kari waayey.

  2. abuu c/lla says:

    a/c ku somalimirror, suaalaha diiniga ah oo aduun iyo aakhiraba anfacaaya maleydinsoo weydii karaa?

  3. C/rashiid Cali Yusuf Matax says:

    waa sheeko aad iyo aad ulayaab badan tasoo loo qoray sixigmadi kudheehantahay!!

  4. C/kariim xasan dhibac says:

    Meesha waxa kacad in ahlu cilmigu dadka wax dheer yahay marka wax halabarto ayan kutalin laha weliba kan aakhiro saa iyada daa’im ahe

  5. anwar says:

    haaaaaaaaaaa waa run horta inlawaydiiyaa culomada wax xikmad iyo diin ku dhehantahay lkn maya wax kale byyyyyyyyyyyyyy

  6. madadaalo says:

    waxanu baah nahay sheeko iga qoslisa,




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines