Burcada Haysata Markabka Masar oo dalbatay Madax furasho

Published on September 9, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

burcad-badeed1.jpgKaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada Masar ugu qaabilsan dhinaca Safaaradaha Axmed risqi ayaa isniintii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in Burcad Badeeda afduubatay Markabka laga leeyahay Masar ay dalbadeen Madax furasho si ay u sii daayaan Markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa oo gaaraya 25 qof.Axmed Risqi ayaa yiri “Afduubayaasha waxa ay dalbadeen Madaxfurasho lacag ah si ay u sii daayaan Markabka iyo shaqaalaha saaran, waxaa jira xiriir joogta ah oo lagu xalinayo dhibaatadan sida ugu dhakhsiyaha badan”

 Risqi ma sheegin Tirada lacagta Madaxfurashada ay dalbadeen Burcadda afduubatay Markabka Masar laakiin waxa uu xaqiijiyay “in Warbixinada soo gaaraya Wasaarada Arimaha Dibada ay filayso in la sii daayo Markabka”.

 Waxa uu intaa ku daray “dhamaan Warbixinadu waxa ay sheegayaan in Barmareenada u dhashay Masar ay yihiin kuwo ay xaaladoodu degantahay”

 2 Bishan ayay ahayd markii Bur cad Badeed Soomaali ah ay Markabka Masar iyo Doon laga leeyahay Faransiiska ka afduubteen Xeebaha Dalka Soomaaliya.

 24 fal ayaa sanadkan bilowgiisa ka dhacay Xeebaha Dalka Soomaaliya kaas oo lagu afduubtay maraakiib gaaraysa 30 markab kuwaas oo qaarkood laga qaatay Madax furasho gaaraysa Malaayiin Doolar.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab Ruushan ah oo bil kadib madax furasho looga siidaayay Eyl
  2. Ciidanka MGPL oo galabta la soo wareegay dooni lagu heystay xeebaha Bari ee Soomaaliya
  3. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  4. Burcad-badeed ku Hanjabtay Dil
  5. Burcad Badeed Soomaali ah oo dalbatay Madaxfurasho gaaraysa 8.2 Milyan oo doolar

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab Ruushan ah oo bil kadib madax furasho looga siidaayay Eyl
  2. Ciidanka MGPL oo galabta la soo wareegay dooni lagu heystay xeebaha Bari ee Soomaaliya
  3. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  4. Burcad-badeed ku Hanjabtay Dil
  5. Burcad Badeed Soomaali ah oo dalbatay Madaxfurasho gaaraysa 8.2 Milyan oo doolar

Latest Headlines