Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Su’aal 11-aad: – Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.
salaan ka dib sheekh Dr Axmed Xaaji iyo Somalimirrorba waxaan Allaah Idinka baryayaa inuu Acmaashiina wanaagsan Aqbalo Gafafkiinana idiin dhaafo.
intaa ka dib su’aasheydu waa:
Sheekh ka waran Xukunka Qofka Sooman ee Galinka Dambe ee maalintii cadayanaya ee cadaygu ilkaha dhiig ka keeno Soonkiisa?
sidoo kale Banaanida Qubeyska Xiliga Galabtii ayana ka waran?
Jawaab: – waa la cadayankaraa Galabtii iyo Waqti kasta adiga oo Sooman sida nusuusta ku cad(dhiiga ku yimaada cadayashada dhib malahan).
Sidoo kale waa la qubaysan karaa adiga oo sooman waxna u dhimi mayso Soonka.
Su’aal 12-aad: – Sh. Dr. Ahmed hooyo ayaan leeyay muddo xanuusanaysay waxay hooyaday ii sheegtay in aanay soomi karayn waxayna ku sababaysay in aanay Biyaha iyo Cutooyinka fudud ka maarmi karin hadday iska daysana way xanuusanaysaa hadhaw Ramadaan ka dibna lama garan doono siday xaaladdu noqonayso iyo Xaaladeeda Cafimaad inay ka soo rayn doonto iyo in kale.markaa maxay hooyaday yeelaysaa una soo ducee in uu ilaahay shaafiyo.
Wasalamu Calaykum.
Jawaab: - Hooyo Allaha Caafimaadiyo,Aljawaab:- haddii la filayo oo rajo laga qabo in ay caafimaado waa la sugayaa, ka dibna way qalaynaysaa.
Haddii la filayo in arintu da’ ay keentay iyo Jirooyinka Dadka la Saaxiiba sida Sokorta IWM kafaaraa laga bixinayaa(miskiin baa maalin walba oo Soon ah la quudinaya)
Su’aal 13-aad: - s/caleykum walaalaha SOMALIMIRROR iyo Sheekh Dr. Axmed C/Raxman inaan weydiiyo su,aal ku Saabsan Bisha Ramadan taas oo ah imisa Rakcadood ayaa la tukadaa Salaada Taraawiixda Goorme ayeyse soo aroortay 23 rakcadood?
W/Caleykum
Jawaab: - Rakcadaha Taraawiixda iyo Salaatulaylkaba waa 11 Rakcadood sida fiican waxaa u Daliil ah Xadiiskii Caa’isho oo Macnihiisu ahaa Nabigu Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee
Hadii imaamku intaa ka badan Tukado Isagaad Raaci khilaafku waa Shar.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:

Related posts: