Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Su’aal 7-aad:- Daawada Neefta ma jabinaysaa Soonka hadaad isticmaasho adoo sooman anagoo og in ay tahay daawo hawo ah oo afka lagu buufiyo.
Baarakalaahu fiikum sheekhanaa
WSC
Jawaab:- Buufiska loo isticmaalo neefta ma burinayso Soonka sida ay fatwoodeen Majmaca Fiqiga.
Su’aal 8-aad:- adoo soomana hadii uu kaayimaado biyaha ka horeeya shahwada inta aanay soo bixin shawadana aaney soobixin soonkaaga waasidee ?
Jawaab:-
1-soonka waxaa buriya galmada(jimaaca maalin ramadaan) iyo biyaha shahwad kaaga yimaada taataabasho iyo siigaysi darteed, waxaana u daliil ah xadiiskii micnihiisu aha: wuxuu ka tagayaa cunadiisa iyo cabidiisa iyo shahwadiisa aniga dartay.
2-biyaha loo yaqaan madiga oo yimaada markii dareen yimaado soonka ma jabiyaan(qofku ha iska ilaaliyo wax kasta oo keeni kara in uu sibiibixdo).
Su’aal 9-aad:- su’aasheydu waxay tahay adoo jiifa ayaad isku junubtay (habeenkii) waqti soon ah lagu jiro subaxdii ayaad soo kacday soonkaaga makuujiraa mise waaburay? anagoo og in soonku xaaraan ka yahay qof junub qaba?
Wabilaahi Towfiiq.
Jawaab:- soonkii waa kuu jiraa waxaana u daliil ah Xadiiskii Caa’isha iyo um Salama oo Macnihiiso ahaa:Nabiga salalaahu calayhi wa salama waxaa haleeli jiray fajarka Bisha Ramadaan isaga oo junub ah isaga oo riya uga imaan Biyuhu markaasuu qubaysan jiray oo soomi jiray.
Hadii qofku isku junubo Maalin Ramadaan Riya uu arkay darteed wax u dhimi mayso Soonkiisii
Su’aalo 10-aad:- Sheekh Dr. Axmed illaahay ha kaa abaal mariyo fursada Qaaliga ah ee aad noogu ogolaatay in aad nooga Jawaabto Su’aalahaan ka qabno Bisha ramadaan.
Sheekhii waxaan rabaa in aan ku weydiiyo 2 su’aal ah:-
1- aniga oo Janaabo qaba ma soomi karaa?
2- aniga oo sooman xaaskayga ma nuugi karaa? sideedana shareecadu maxay ka qabtaa in ninku xaaskiisa nuugo, hadayse caano ka yimaadaan ma iga furmaysaa?
sheekhii ii ogolow in aad iiga soo jawaabto su’aalahaas illaahay ajar ha kaa siiyee
Jawaab:- 10
1- adiga oo junub ah waad soomi kartaa waxaa u daliil ah xadiiska macnihiisu yahay: nabigu waa waabarsan jiray isaga oo junub ah ka dibna waa qubaysan jiray waana soomi jiray.
2-Waad ku raaxaysan karta xaaskaaga adiga oo sooman waa hadaad iska adagtahay ,haddii kalana iska ilaali(maxaa yeelay haddii biya kaa yimaadaan soonkii waa kaa burayaa hadaad isticmaashidna soonkiina waa kaa buray kafaarana waa lagaa rabaa).
Nuugida xaaska laga nuugo naasaha waxay ka mitahay istimtaac banaan, caanaha aad ka noogtay ku furmimayso (hadaad awoodid in aad liqdid).
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:

Related posts:
marka hore waxaan kugusalaamayaa salaanta qaaliga ah ee islaamka sckm
shiikh waa imisa inta ugu badan ee soon sanad lanadrikaro ma bishii sedex baa ma afarbaa mase sanad koodhan buuqofku isku waajibinkaraa