Unicef oo ka dayrisay Caruurta Somalia
Published on September 6, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
Hey’adda QM u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa sheegtay in ku dhawaad 3.5 milyan oo carruur ah oo ku sugan Geeska Afrika ay halis ugu jiraan geeri, cudurro iyo nafaqo-darro ka dhashay masiibooyin is-biirsaday oo isugu jira abaaro, colaado iyo qiimaha raashinka oo kor u kacay.
Carruurtan ayaa kamid ah 14 milyan oo dad ah oo masiibooyinkaasi ay si ba’an ugu saameeyeen dalka Ethiopia, Somalia, Eritrea, Kenya, Uganda iyo Djibouti.
hey’adda UNICEF sheegtay in Howlaha gargaarka ee laga wado meelaha aafadu gaartay ay xagal-daacinayaa dowlad-xumo, iyo iyadoo meelaha qaar, sida Somalia, la bartilmaameedsanayo shaqaalaha gargaarka.
Dalka Somalia, UNICEF waxa ay sheegtay in qiimaha cuntadu uu sare u kacay boqolkiiba saddex boqol, meelaha qaar-na boqolkiiba kun.
Walaaceygu wuxuu yahay ayuu yiri Mr. Engebak, in masuubida ka dhalata arrintan ay saameyn aan laga soo kabsan karin ku yeelato dadka Geeska Afrika.
Si gaar ah, ayeey UNICEF usoo hadal qaadday dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya. Carruur tiradoodu kor u dhaafeyso afar milyan iyo bar ayaa abaaro iyo nafaqo darro la il-daran dalka Ethiopia.
“Somaliya dhibaato taas lamid ah ayaa ka jirta. Waxaana uga sii dareya kacdoonka socda ee dhiigga badani uu ku daatay, kaas oo ku dhawaad hal milyan oo qof ka barakiciyay caasimadda Muqdisho.” Ayay Tiri UNICEF
Mr. Engebek ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas ay uga sii dareen ammaan darro ka jirta Dekedda Muqdisho, oo ah tan ay soo maraan 80% agabka soo gaara dalka. Wuxuu sheegay in QM ay u baahan tahay ugu yaraan $10 Milyan oo Dollar oo ay wax uga qabato ammaanka caasimadda.
Related posts:
- Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay Somalia
- Maraykanka oo taageeray Ciidamo Nigeria u dirto Somalia
- Maraakiib Dagaal oo loo diray Somalia
- Cumaan oo Cunaqabateyntii ka qaaday Xoolaha Somalia
- Maleysiya oo Maraakiib Dagaal u diraysa Somalia