Qarax ka Dhacey Agagaarka Isgoyska Fagax

Published on September 6, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

qarax.jpgQarax xoogan oo aan la ogeyn waxa uu ka dhashey ayaa maanta ka dhacey inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Hotel Kaah ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. 

Qaraxan ayaa inta la ogsoon yahey waxa ku dhintey hal Ardey waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen  3 Qof oo kale oo isugu jirta Ardey iyo Rayid.

  

Ardeyga dhintey ayaa lagu magacaaba Axmed Maajid Yuusuf, waxa ayna ka wada tirsanaayeen ardeyga dhintey iyo kuwa kale ee dhaawacyo soo gaareen iskuulka Al-fajri oo ku yaala duleedka Hotel Ramadaan.

  

Dadkii halkaa ka agdhawaa ayaa kala garan waayey waxa uu qaraxani ka dhashey, balse dadka qaar ayaa ku macneeyay Hoobiye meesha ku soo dhacey, kaas oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda dhanka laga soo ridey iyo cidda soo ridey midna.

  Qaraxyada noocan ah, ayaa ah kuwo dadka rayidka ah ay ka soo gaaraan khasaarooyin kala duwan, kuwaas oo naf iyo maalba isugu jira.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Booyad Itoobiyaan ah oo ay miino kula kacday agagaarka Isgoyska Fagax
  2. Ciidamo Isku Rasaaseeyay Isgoyska Fagax
  3. Dagaal ka dhacay Isgoyska Fagax
  4. Wiil Dhalin Yaro ah oo Isgoyska Fagax Lagu Diley
  5. Qarax Ka Dhacey Degmada Afgooye

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Booyad Itoobiyaan ah oo ay miino kula kacday agagaarka Isgoyska Fagax
  2. Ciidamo Isku Rasaaseeyay Isgoyska Fagax
  3. Dagaal ka dhacay Isgoyska Fagax
  4. Wiil Dhalin Yaro ah oo Isgoyska Fagax Lagu Diley
  5. Qarax Ka Dhacey Degmada Afgooye

Latest Headlines