Fataawida Ramadaan Q.2-aad
By Somalimirror on 6 Sep, 2008 2:09 PM in Fat/Ramadaanka
Su’aal 2-aad: – waxaan doonayaa in layga jawaabo istimtaaca keena madida badan soonka ma buriyaa?, nahaaru ramadaanka istimtaaca ma la samayn karaa?, Baarakallaahu Fiikum.
Jawaab: – Caaishu radiyalahu canhaa,waxay sheegtay in nabigu suubani ku istimtaaci jiray xaasaskiisa isaga oo Sooman wuxuuna ahaa kii iska adag oo naftiisa hantiya.
Waxaa kaloo jirta in uu dhukanjiray xasaskiisa,waana loo fasaxay dhunkashada odayaasha dhalinyaraduse ha iska jireen,Madiduna(waa dhacaan shahwadu keento) soonka ma jabiso.
Waxaa wanaagsan in dhalinyaradu iska ilaaliso istimtaaca ayaga oo sooman si aynan ugu dhicin khatar ka wayn.
Su’aal 3-aad: – marka hore waxaan idiin soo gudbinayaa salanta islaamka ee sharafta badan bacda salaan waxaan idinka mahad celinaynaa sida fiican ee aad nuugu fudu dayseen su’aalaha ku saabsan diinteen qaaliga ah su, aasha aan qabaa waxa ay tahay:-
1: Hooyaday oo anan soomi karayn intee kiloo ayaan ka bixinayaa oo raashin ah?
2: Bishii Ramadan ee hore xanuun awgii ayaanan Soomin ma Soomi karaa markay tan dhamaato mise raashin ayaan bixinayaa?
Jawaab: –
1-Qofkii aan soomi karin oo aan la rajaynayn in uu caafimaado,wuxuu quudinayaa miskiin (wuxuu siinaya cuna karsan oo qof ku filan ama cuna aan karsanayn waxaa lagu qiyaasaa hal mud waa labada sacab waxay qaadaan wax u dhigma waa wax ka badan nus kiilo.
2-Hadaadan soomin soonkii hore xanuun owgii waxaad qalaynaysaa markii tani dhamaato ,karaaro kale lagaama rabo.
Su’aal 4-aad: – sheekh qof lagu leeyahay soon ma soomi karaaa 6-da shawaal?
Jawaab: - qof lagu leeyahay Bil Soon ma Soomi kara 6shawaal.
Arinkaas culimadu waa isku khilaafeen,waxaase raajaxsan in la soomi karo lixda shawaal dabadeedna waxaa la qalaynayaa soonkii.
Su’aal 5-aad: – Asalaama aleykum walaal, qof xanuunsan oo aan awoodin inuu soomo kuna nool Qurbaha ayaa lacag u diray Dad Qaraabadiisa ah si looga Soomo, ama Qof kale uu uga Soomo, marka Soonka Qofka Xanuunsan sidaasi ma ku gudmayaa mise waa laga rabaa inuu soo qalleeyo mar kuu caafimaad helo.
Jawaab: - qofka jiran waa laba nooc:-
B-qof rajeunaya in uu Caafimaado qofkaasi laga soomi mahayo cunana bixin mahayo ee wuxuu sugi markuu Caafimaado ayuu qalaynaya.
T-qof aan rajayneyn in uu Caafimaado (wuxuu qabaa jirooyinka joogtada ah sokorta dhiikarka IWM mana soomi karo) qofkaasi wuxuu quudinayaa miskiin maalin walba lagamana soomayo.
Su’aal 6-aad:- Asalaamu calaykum Dr.Axmed salaam ka dib waxaan jeclahay in aan ku weydiiyo:- istimnaha ama waxa loo yaqaan Siigeysiga Soonka ma jabiyaa? Xugumkiisa asalka ahse muxuu yahay ma xaaraan mise xalaal?
waanad mahadsantahay
Daabaco
Fikrad ka dhiibo