Waxay ila tahay jawaabtu waa haa, waliba aad ka sii badan jeceshahay. Haddaba walaal ha u qaadan in aan ka badan la akhriyi Karin ee waa inta ugu yar oo aan waqti badan kaa qaadayn.
Haddii aynu diyaar wada nahay aynu is weydiino sidee?:
Jawaab: walaal imow masjidka salaadaha 15 ka hor, markii aad sunnaysatidna akhri Qur’aanka. Markii salaadda laga boxo oo la sunnaystana 10 daqiiqo dadka degdegaya kaga dambee oo Qur’aanka akhri marka laga reebo maqribka oo afur la doonto.
Qofka dhexdhexaadka ah wuxuu juzka Qur’aanka ah ku akhriyaa 25 daqiiqo, afarta juzna waxaa lagu akhriyi karaa hal saac iyo afartan daqiiqo. Waxaa maalin walba kuu soo haraya 15 daqiiqo oo kayd ah. Taa macneheedu waxa weeye in aad Qur’aankii afar goor dhammaysay.
Siyaabo kaloo Qur’aanka loo akhriyi karo
Walaal maxay kula tahay haddii aad habeenkii ku tukatid hal Juz; si mar shanaad ay kuugu noqoto, Qur’aanka xifdigiisuna kuugu sahlanaado?. Tan kale soo ma yeeli kartid in aad salaadaha faradka ah iyo sunnayaashaba ku akhridid Qur’aanka?. Markii aad dariiqa maraysid soo ma akhriyi kartid?. Miyaadan masjidka ilaa qorraxdu ka soo baxdo ku nagaan Karin adigoo Qur’aan akhrisanaya oo aadan hadhawna labo rakco tukan Karin. Tan kale miyaadan maqribka iyo cishaha dhexdooda masaajidka imaan Karin o aadan Qur’aanka ku sii macaansan Karin? Yaa walaalow waxaasoo dhan kaa hortaagan?.
Ma ku dari kartaa in aad xafidid bishaas 10 juz?
Haddii markii khayr la isugu baaqaba jawaabteenu tahay diyaar baan ahay waxaa is weydiin leh sidee?
Jawaab: Haddii maalin walba aad xafidid labo maqro (juz rubuci) bishii waxay isku noqonaysaa 60 maqro oo u dhiganta toddobo juz iyo bar. Waxaan ka soo qaadaynaa in aad awal xafidsanayd labo juz iyo bar. Alla fududaa!, Ilaahoow noo sahal.
Labo Juz tafsiirkood ma ku darnaa?
Kolley jawaabtu waa haaye sidee u fulinaa ?. Haddii maalin walba nus maqro laguu akhriyo tafsiirka bisha waxay isku noqonaysaa 15 maqro oo u dhiganta labo Juz oo hal maqro ka dhimmantahay.
Axmed C/Samad
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Related posts:
asc
baarakalaahu sheekh axmed cabdi samad ilaahey ha ku xifdiyo runtii waad noo faa,iidaysay ilaahey hakaa abaal mariyo
runtii waa qaab muhiim ah oo loo xifdiyo ama loo aqriyo ilaahey hakuu saaro miisaanka xasanaadka intaan ku arkay kheyr badan baan kaa maqlay ilaahey jano ha kuu badalo aamiin yaa rabi
wsc