Yemen: – waan garab taaganahay DFKMG ah.
Published on September 2, 2008 by Somalimirror · 4 Comments ·
Cali Cabdalla Saalax Madaxweynaha Dalka Yemen oo khadka Taleefanka ay ku wada Hadleen C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Dowladiisa Yemen diyaar u tahay in ay garab istaagto DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.
Laba nin ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xaalada guud ee geeska Afrika gaar ahaan xaalada Cakiran ee ka aloosan Gayiga Soomaaliya.
Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in ay Dowladiisa ka caawinayso DFKMG ah dhinaca Sugida Amaanka iyo waliba sidii ay u ilaashan lahayd Midnimadeeda iyo jiritaankeeda.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Meles Zenawi uu shaaciyay in uu ciidamadiisa kala baxayo Dalka Soomaaliya Culaysyo kala soo gudboonaaday dhinaca Dhaqaalaha iyo Miisaaniyada awgeed.
Related posts:
- DFKMG ah oo Codsatay Ciidamo Caalami ah
- Ciidamada booliiska & milatariga DFKMG ah oo xalay is rasaaseeyay
- Taliye ka mid ah Booliiska DFKMG ah oo iscasilay
- Waan-waan ka socota Baardheere
- Aadan Madoobe “Hadaan la shaqaynaynin anigu xilka waan ka dagayaa”
waxaan somali odhan lahaa somalidaay ka tashada wadaad xumayaasha, aan marnaba u adeegayn danta dalka iyo dadka, balse danahooda gaara fushanaya, cidna aan wax u ogolayn, iyagiina maanta kala qaybsamay, oo waxa ay ku heshiin waayeen waxoogaagii maraykan laga soo qaaday.
Waxaan ku leeyahay Khadija Dalmassow afkaaga hagaajiso, wadaad xumo meesha ma joogo, waxaa jooga wadaado doonaya in ay Kitaabka Alle dalka ku xukumaan. Shareecada Islaamka ma wax baa ka wanaagsan? Yaase yaqaan shareecada oo inagu xukumaya? Qof kastaa waxa uu yaqaan ha loo daayo.
Mida labaad wadaado khilaaf ka dhaxeeyaa ma jiraan waana isku wada hadaf, hadafkaas oo ah:
1. Xabashi dalkayaga ha nooga baxdo.
2. Dadkayagu ha heshiiyo
3. Shareecada Islaamkana ha nalagu maamulo
Saddexdaas ninkii diidan maanta boos ugama banaana Soomaaliya siyaasadeeda ee waa in uu iska tagaa.
Adiguna gabadh baad tahay ee wadaada ka xishood oo ha ku sheegin in ay Maraykan lacag ka soo qaateen yaan afku ku qaloocan e, bil ramadaana waa lagu jiraaye
Xidig
walaalayaloow cabadala saalax iyo meli sanaawi sooma ahan dameer iyo labadiisa dhagood waa 2ba cadaw allaaha umada ka qabto
Cali cabdalla saalax iyo dawladdiisu waxay horey uga qaybqaateen burburkii Soomaaliya iyo Soogailitaankii Dalka Soomaaliya ay soo galeen caddowga Ethiopia, Waxayna Ethiopia iyo Yemen Heshiis ku yihiin Burburinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciribtirka Shacabka Soomaaliyeed, Melez ayaana kuyiri Cali Cabdalla, War anigu kudaalaye ninyohow igu siisin oo dhurwaaga dhagaha sii qabo intaan kasoo tabaraysanaayo, ee ujeedadu maaha dawlad ayaan cawinaynaa, Illeen dawladiba meeqsha kama muuqatee . Mushkiladduse waxay tahay Soomaaliya oo noqotay Dhillo dayacan oo ninkii rabaaba uu iska watto .