Waar lacagta inoo qaybi

Waa amin habeen ah, meeshuna waa Xamar Cadde, waxa hadlayaa waa TV-gii qaranka, barnaamijku khabar muhiim ah iyo maaddo cilmiya midna ma ahayn, wuxuuse jilayay dhalanteedka ay waqtiga isku dhaafiyaan kuwa waxay u hanqaltaagayeen haaban waayay ama hilinkiisii ka habaabay iyo kaaga darane sida intay hawo aan jirin u dhisaan, haddana ay darteed huf iyo qaraaban isugu noqdaan iyagoo hilmaansan In wuxuu huf beena iyo halaan jirin yahay.

Waxaa matalayay laba jile oo nimanka la caana-cabbay ama si aad ah ugu kuurgalay. Waxaa ku habsaday busaarad aan iyadoo kale la arag. Waxaa ka hor hillacaayay mar kasta hodontinimo degdeg ah oo aysan wadiiqeheedii hayn. Say u gaaraan waxay maamiyeen wax suuragal ah iyo waxaan suuragal ahaynba, har iyo habeen, iyo hurdo iyo soo jeedba hammi iyo hawo kale midna ma yeelan, waxse kumay helin halgankaas dayn iyo deeq kay doonto ha ahaatee.

Markii albaabkay garaacaanba isa sii xiray, meel damboo loo irkadana la waayay ayay iska soo horjeesteen oo midkood yiri:

waar haddaynu lacag helno ka waran?,

kolkaasuu kii kalena soo boodayoo yiri:

dee xaggaan ka helnaa?,

suuye: dee cirkaasay inooga soo dhacday!,

suuye haddana: dee waa immisa?,

isna ismaba lurine jawaab dhaw buu siiyay oo ye: dee waa malyuun iyo toddobo boqol oo kun.

Kii kale shakiba kama galin lacagtee wuxuu ku sii mashquulay sidii loo qaybsan lahaa, wuxuuna yiri: dee inoo qaybi, kanina in lacagta la wada leeyahay waa ogaaye qayb buu ku dhuftoo wuxuu yiri:

dee malyuunka shan boqol iyo shan boqol inoo kala sii, suuye haye.

Wuu ku noqdoo haddana wuxuu yiri: toddobada boqol seddex boqol iyo seddex boqol inoo kala sii, wuuna yara aamusay.

Saaxiibki isagoo waxa dhimman in la qaybsho ka dhursugayuu yiri:

dee boqolkana inoo qaybi, suuye:

dee boqolku waa xaquuqalqalin!.

Kii kale iskama samrin mar haddii ninku lacagtii badankeedii qaybshay, awalna uu fikradda lacagta lagu helay lahaa oo waxaa u cuntami weyday inuu boqol kun oo waagaas joogtay yiraahdo: qaybintaa yarbaan xaquuqalqalin ahaan ugu qaadanayaa, isagoo hunguriga saaxiibki la yaaban buu yiri:

waar ma boqol kunoo dhan baad xaquuqalqalin u qaadanaysaa?,

ka dibna meeshii ayaa la isugu gacanqaadayoo raggii lagu kala qabtay!.

Waar maxaad isku dilaysaan?,

dee lacag.

Oo meeday lacagtu?.

Dee waa lacag uun.

Nimankii iyagoo isu naqsanaya, nin walbana isla gar leeyahay ayaa waagii ku baryay markii la dhexdhigay su’aasha ah: meeday lacagtu!, mise waa maxaad ii dhiibatay?,

maxaadse saaxiibkaa isku seegteen ama isku disheenba?!.

Axmed C/samad

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

2 Comment(s)

  1. Waaa xaqiiqda arinta ka taagan soomaaliya madaxtinimo aanan wadadeeda loo marin ayaaaba rag isku haysaa ,laakiin waxaa su’aaal mudan ah raggaan majaajilada dhigay maxay waa garawsadeen in ay qalad isku dileen laakiin kuwa mas’uuliyada ummada sheeganaya ma garawsanyhiin in wax ay isku haystaan aysan aheyn wax ama loo doortay ama ay awood ku qabsadaan jawaaabtu waaa maya ,

    Abdala | Sep 8, 2008 | Reply

  2. nabdu waa daruuri allow nabad baan ku weydiisanahay

    saahid | Dec 30, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo