Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 2aad)

Waxaynu kaga soo hadalnay qeybta koowaad ee qormadan ahmiyadda ummad kasta suugaanteedu u leedahay iyo qiimaha ay ugu fadhido, iyo sida loogu baahan yahay in loo abtiriyo, lagana ilaaliyo lumitaanka, is dhaxgalka iyo in duulal kale inoo ku soo dhaxdhuuntaan ooy dhaqamadooda iyo caqiidooyinkooda inoo soo dusiyaan. Waxaa kaloon soo qaadnay asbaabta keenaysa in aynu u abtirino suugaanteenna. Qeybtanna waxaynu ku eegaynaa siyaabaha loogu abtirin karo suugaanta.

Sidee lagu helayaa abitrka saxda ah ee suugaanta?

Mar haddii ay caddaatay in suugaantu u baahantahay abtir lagu garto nasabkeeda iyo cidda curisay waxaa is weydiin mudan sidee ayaa lagu helayaa abtirka saxda ah ee suugaanta la doonayo in loo abtiryo? Jawaabtana waxaan ku soo koobaynaa qodobbadan soo socda:

1. waa in suugaanta deegaan walba si gaar ah loo uruuriyaa; maxaa yeelay waxaa deegaankaas laga heli karaa magaca gabyaaga oo dhammaystiran, sababtii gabaygan keentay iyo macnaha erayada ku jira ee Soomaali ahaan dadka qaar ku adkaan kara, sidoo kale waxaa suura galaya in gabay walba isaga oo dhammaystiran la helo intii suura gal ah. Hadiise suugaanta ka soo jeedda Doollo laga baadi doono Saraar ama Nugaal, midda ka soo jeedda Hobyana laga raadiyo Qarri juqood ama Faafan waa lagu jirrabmi doonaa, lamana soo heli doono; maxaa yeelay shaygu weel uusan ku jirin lagama soo helo. si ururinta noocaas ahi u hirgashana waa in deegaan walba isu xilsaaraa inuu baadi goobo oo uruuriyo suugaanta ay curiyeen gabyaaga deegaanadooda ka soo jeeda oo sida badan iyaga cid ka taqaannaa ayna jirin ama ay yartahay, gaar ahaan marka gabyaagu aanu caan ahayn ama aan magiciisa horay loo maqlin.

2. waa in la darsaa taariikhda suugaanta iyo suugaanyahanada si loo garto maanso walba xilliga ay ku beegantahay iyo waagii uu gabyaa kasta noolaa, taasina waxay fududaynaysaa in la helo inay sax tahay iyo in kale suugaan badan oo dadka qoloba nin u tiiriso iyaga oo dhab ahaan dhimashadooda wakhti badani u dhexeeyay, waxaana kala caddaan doona inay isa soo gaadheen iyo in kale dad la sheego inay gabayo isu direen ama mid midka kale gabaygiisa ku xusay, sida qisada la sheego inay dhexmartay Raage Ugaas iyo Wiil waal ee ku saabsanayd naag ay isku qabteen sida la sheegay ama baydadka loo nisbeeyay Raage ee uu sida la sheegay ku ammaanay gabayga Aw Muuse. Haddii aynu helno taariikh nololeedkii raggaas aan xusnay ee la sheegay in gabay kala gaadhay ama xaajo dhexmartay waxaan si dhab ah u sugi karnaa ama u diidi karnaa in dhacdadaasi jirto iyo in kale. Hadiise aan la helin taariikh nololeedka suugaanyahannada waxaan laga lug baxaynin in rag halqarni ama ka badani u dhexeysay maanso la wadaajiyo ama qiso la dhexdhigo, waxaana arintaas tusaale ugu filan warqad been abuur ah oo ay Yuhuuddu qarnigii 5aad ee hijrada sheegteen in Nabi Muxammad (scw) u qoray oo sheegysa inay xaq u leeyihiin inay Khaybar degganaadaan. Haddii warqaddii la akhriyayna waxaa ku qoran in Mucaawiye iyo Sacad ibnu Mucaad makhraati ka ahaayeen heshiiskan, markii arrintaas lagu wareerayna waxaa loo geeyay Al khadiib Al Baqdaadi oo ka mid ahaa culimada baaca dheer ku leh cilmga xaddiiska, wuxuna xukumay in warqadda la been abuuray; maxaa yeelay Sacad Ibnu Mucaad wuxuu dhintay duullaankii Axsaab ka dib, duullaanka Khaybarna ma soo gaadhin, Mucawiyana xillgaas muslimba ma ahayn. Wax walba oo taariikhdiisa la helana sidaas ayaa loo soo afmeeri karaa inuu jiro iyo inuusan jirin.

3. waa in loo fiirsadaa magacyada dadka ama goobaha gabyga ku soo arooray; si looga raad raaco deegaanka gabaygu ka soo jeedo iyo gabyaaga magacyadaasi la xidhiidhsanaan karaan, tusaale ahaan tixda uu ka mid yahay baydka ah :
naa soo xaliimooy xaddiya xaalna kama raacdid
waxay dadka qaar wariyaan in Raage Ugaas leeyahay, dadka qaarna waxay sheegaan in ninka tiriyay tixdaas uu yahay Raage Aadan waal ama Aadan dhallin oo si weyn looga yaqaanno deegaanka Tureed. Labada riwaayo midda saxanna waxaa lagu garan karaa in afooyinka raggaas u kala dhaxay magacyadoodii la helo ama la ogaado midka labadaas dumarka ah loogu kala xiskiisamay, ka dibna waxaan guddoomin karnaa gabyaagii dhab ahaan iska lahaa tixdan.

Sidoo kale waxaa gabyaaga u caado ah inay ku halqabsadaan rag ay saaxiibbo yihiin ama isku dhowyihiin ama maansadaas marinteedaba ku kallifay oo aalaaba ay ararta gabayga ku sheegaan. Tixraacidda magacyadaasina waxay sahlayaan inaan helno labada ama saddexda nin ee gabayga loo kala tiiriyay keebuu magacani la xidhiidhaa ama la yaqaannay inuu ku dhowyahay ama saaxiib la yahay. Waxaa iyana sidaas oo kale ah magacyada deegaanka ama beelaha uu gabyaagu soo hadal qaado oo iyaga laftoodu ah fure lagu gaadhi karo qofka tixdan mariyay .

4. waa in maansada si dhammaystiran loo wariyo intii suura gal ah oo aan hal qayb lagu kaaftoomin; maxaa yeelay waxaa suuragal ah in gabyaagu meelo si qayaxan ugu caddeeyo waxyaabo laga fahmi karo ninka uu yahay. Tusaale ahaan tixda uu ka midyahay baydka ah:
Harre maxay wadaagaan caqligu hoos u galiwaaye
haddii aan si dhammaystiran u raadinno waxaan heleynaa isaga oo uu gabyaagu waa Muxumad Daahire abtirkiisa isla gabayga ku sheegay sida uu yidhi :
haybkaynu nahay reer cigaal horinta guuleed ah
taasina waxay meesha ka saaraysaa in baydad ama bayd gabayga ka mid ah gabyaa kale loo leexiyo, waxayna inagu caawinaysaa inaan si dhab ah u helno suugaanyahanka tixda lagu muransanyahay mariyay oo marag madoonto ah.
Sida badanna gabayada loo tiiriyo cid aan lahayn waxaa la wariyaa qaybo ama qayb ka mid ah oo kaliya ee lama sheego isaga oo ebyan, haddiiba isaga oo idil la warin lahaana gabaygu isaga ayaaba abtirsan lahaa.

5. waa in la darso sababta gabaygan keentay oo inta badan ay maansayahanadu ararta gabaygooda ku sheegaan taas oo sahli doonta in si dhib yar loo helo waxyaabo badan oo laga tilmaansan karo qofkii gabaygan mariyay, sababtaasina waxay noqon kartaa mid shakhsi ah ama khusaysa beesha iyo deegaanka uu ka soo jeedo ee uu afhayeenka u yahay, waxaana arrintaas lagu tilmaansan karaa midka uu yahay gabyaaga tixda curiyay. Tusaale ahaan tixda uu Aw Yuusuf Barre ka mariyay guurka ee uu dhextaalka uga dhigay “ guur aan ka la’aado” wuxuu ku xusay rag uu adeer u yahay oo markaas guur doon ahaa sida ka muuqata hadalkiisa. Haddii aynu haddaba garan weyno ninka gabaygaas tiriyay, sababta ku soo aroortay waxay inoo noqon kartaa dhabbe aan u raacno helidda gabyaaga iska leh tixda ina hortaalla. Waxaa iyana sidaas oo kale ah tixda uu ka mid yahay baydkaah :

wayshaan u xidhay reer subeer wiil u fura waaye
oo ninka tiriyay la sheego inuu yahay Cali dhuux, waxay dad kalena sheegeen inuu yahay Buraale Cali Seexde. Haddii aan haddaba waysha la xidhay oo ah sababta gabaygu ku qotomo ogaanno waxaa fududaan doonta inaan ogaanno kumuu ahaa ninka qisadaas la soo gudboonaatay ee dabadeedna ka gabyay, sidaasna waxaa ku xallismi lahaa khilaafka arrintaas ku saabsan.

6. in la dhuuxo macnaha uu gabaygu ka hadlayo si loo qiimeeyo inay suuragaltahay in hebal uu yahay midka gabaygan tiryay iyo in kale iyada oo la tixraacayo mawaadiicda uu horay uga hadli jiray; maxaa yeelay gabyaa walba hilimmo gaar ah ayuu sida badan maansadiisa ku cabbiraa ama u badan waxa uu ka hadlo. Tusaale ahaan Cabdi Gorod wuxuu caan ku ahaa inuu ka hadlo wixii cusub ee markaa soo baxa, tixo badan oo noocaas ahna wuu leeyahay, erayadii uu yidhi isaga oo idaacaddu waagii ay soo baxday ka hadlayana waxaa ka mid ah:
birtan danani ee laga dikriyi sida wadaad duuble
warkan kugu soo duulayee kaana sii durugsan
dib waxay kanoqonba waa adduun doorshey kii hore’e
rag kale waxay ku caanbexeen sida Sayid Maxamed, Xaaji Aadan Afqallooc iyo Tima cadde inay ka hadlaan xornimada iyo gumeysi diidka. Haddaba haddii tixda ina hortaalla ay ka hadleyso macne ragga maansada loo dhexeysiiyay qaarkood caan ku ahaayeen inay ka hadlaan waxaan soo dhoweyn karnaa inaan rajaxno in gabyaa hebal ku mudanyahay tixdan, hebalna baabkii uu ka hadli jiray ayna maansadani ku qotomin.

7. in dadka suugaanta isku hawlaa ay taxaan abtirka gabayga ama eray suugaaneedka kale ku soo gaadhay si la isu barbardhigo dadka laga wariyo riwaayado kale duwan midka warkiisa la qaadan karo iyo midka kale ee aan aqoonta u lahayn suugaanta ama aan lagu kalsoonaan Karin waxa uu soo tabiyo.
Arrintaasi waxay keeni doontaa in qofka gabay afkiisa laga maqlo la waydiiyo yaa kuu sheegay, haddii uu sheegana la sii waydiiyo yaa midkaasna u sii sheegay ilaa laga gaadho ninkii gabayga tiriyay, sidaasna waxaa ku soo baxaya silsilad dad ah oo kala wariyay gabaygan, taasina waxay fududayn doontaa in raggaas gabayga kala wariyay mid mid la isu dultaago, lana hubsado inuu yahay mid warkiisa wax lagu dhisi karo iyo in kale. Waxaa sidoo kale halkaas ka soo bixi doona in suugaanta laga waayo wax aan abtir lahayn ama albaabada laga wada xidho cid kasta oo isku dayi lahayd inay suugaanta ku darto wax been abuur ah ( mowduuc).

8. in loo fiirsado erayada ku soo arooray tixda dhexdeeda si loo soo sooco deegaanka laga isticmaalo erayadaas in kasta oo gabyaagu uu si baahsan u isticmaalo luqadda Soomaaliyeed laakiin haddana guud ahaan waa la fahmi karaa deegaanka ay tixdu u biyo shubanayso ama sida gaarka ah looga isticmaalo erayada ku soo arooray qaybo ka mid ah. Tusaale ahaan markaad maqasho :
Godogodo ninkii dilay
Guushaana gowracay
ar geela gabalow ku leeyahay
waad saadaalin kartaa deegaanka uu ka soo jeedi karo ninka geeraarkaas mariyay, haddii la isku qabtana waxaad rajixi kartaa cidda la siin karo adiga oo arrintaas deegaanka wax ku dhisaya.

Waxaa iyana aan meesha laga saari Karin inay aad isugu lahjado dhowyihiin deegaannada inta badan suugaanta la hayo loo nisbeeyo ilaa xad ay adkaan karto in la kala sooco, hase yeeshee haddana waa uun la heli koley tahay eray tixda ku sarooray wax lagu kala saaro ama lagu fahmo deegaanka loo sii iili karo gabayga markaas la hayo iyada oo la raacayo kalmadaha ay ku kala duwanaan karaan deegaamada qaarkood.

9. in la eego macnaha iyo afkaarta gabaygu xambaarsan yahay. Gabayada ama noocyada kale ee suugaanta markii mid walba abtirkiisa la raaciyo, lana xaddido qofkii curiyay waxaan shaki ku jirin in ay soo hadhi doonto suugaan badan oo aan la heleynin cid tirisay ama tidhi tix iyo tiraab midka ay tahayba. Suugaanta noocaas ah waxaa ka mid ah maahmaahaha intooda badan, hadallada loo nisbeeyo xayawaanka ama dugaagga iyo suugaan kale oo gabaygu ka mid yahay. Suugaanta noocaas ah iyana waxaa loogu abtirin doonaa inay tahay mid Soomaaliyeed haddii ay wadato wax lagu aqoonsan karo inay Soomaali wax u galeen oo aan ahayn luqadda kaliya; maxaa yeelay luqadda dad badan oo bartay ayaa ku cabbiri kara dhaqammo aan ahayn kuwo Soomaali lagu yaqaanno. Suugaantaasna in ay Soomaali ka soo jeeddo guud ahaan waxaa lagu garan karaa caqiidada, dhaqanka iyo akhlaaqda ay xanbaarsantahay, haddii ay tahay wixii Soomaali lagu yaqaannay waxaan odhan karnaa waa suugaan Soomaaliyeed oo aan la garanaynin ninkii curiyay, haddii ay dhaqammo kale wadatona waxaan dhahaynaa waa suugaan dool ah oo qalaad Afsoomaaliba ha ku hadashee, abtirna sidaas kuma heleyso, waxaana lagu darayaa suugaanta la been abuuray ( mowduuca ah).

Qodobadaas aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan filayo dad suugaanta iiga aqoon badan inay soo kordhin karaan haddii la cuskado waxaan ku wadaa in laga nasan doono ismaandhaafka ku saabsan u abtirinta suugaanta ee ay qoloba meel ku dhufanayso iyada oo aan la raacaynin qawaacid ama shuruudo lagu sugi karo suugaanyahanka dhab ahaan gabayga laysku hayo tiriyay, waxaana ku rajo weynahay in tallaabdani wax uun ka xallindoonto khilaafaadka noocaas ah .

Gabagabadii waxaan codsanayaa bal in baadi goobka la sii wado, birmadkana la sii abaabulo; si loo dabaqabto suugaanta Soomaalida ee waraabaha u bilqan, bahalkuna saanyaday, wax badan oo ka mid ahina dayac u baaba’ay .

Xasan Maxamad Ibraahim

xasanyare@msn.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo