Ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ayaa muddo 24 saac ah u qabtey dadka radyidka ah ee degan inta u dhaxeysa KM4 iyo Airport Muqdisho ee deegmada Wada jir in ay uga guuraan guryahooda.
Ciidamada ayaa amarkan bixiyay ka dib qarax miino oo saaka ciidamada Uganda la gula beegsadey wadada KM4 iyo Airport u dhaxeysa, kaas oo aan la ogeyn inta u leegyahey khasaaraha u geystey.
Ciidamada ayaa amar guud ku siisay dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafada Kaluunka ee Degmada Wada Jir in ay barri subax 07:00 wixii ku eeg nafar loogu imaan guryaha xaafada.
Marka laga reebo amarka guud ee Dadka Rayidka looga dalbanayo in ay uga guuraan guryahooda waxaa loo raaciyay in ciddi loogu yimaado talaabada ku haboon ka qaadi doonaan, taas oo aan la ogaan Karin waxa ay tahey.
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafada ciidamada DKMG ah galeen ee ku amreen in ay ka guuraan, ayaa qaylo dhaan xoogan ka muujiyay arinta la soo gudboonaatey iyaga oo sheegay in ayna garaneyn meel kale oo ay u qaxaan.
Maaha markii ug horeysay ee sidan oo kale amar deg deg ah loo siiyo dad rayid ah oo meel degan, in guryahooda wakhti kooban uga guuraan, waxaana dhawaan arintan oo kale la soo gudboonaatey dad rayid ah oo ku dhaq dhaqnaa, xerooyin xaqooti oo ku yaala agagaaraha guryihii hore ee Saraakiisha ee shirkoole, ka dib amar deg deg ah oo ay siiyeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee degan xaruntii hore ee Gaashandhiga.

Related posts: