Su’aalo & Jawaabo ku Saabsan Bisha Ramadaan
By Somalimirror on 1 Sep, 2008 5:51 PM in Fat/Ramadaanka
Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
34-Su’aal:- Dadka qurbaha jooga zakaatul fidrigooda waddanka ma u soo diri karaan mise waa in ay ku bixiyaan halka ay joogaan?.
34-Jawaab:- Way u soo diri karaan wadanka oo isaga ayaa masaakiin badan.
32-Jawaab:- Laguma bixin karo Zakaatulfidriga lacag ,waxaana u daliil ah xadiiska Ibnu Cumar:”nabigu wuxuu faradyeelay hal saac oo cuna ah”.
31-Su’aal:- Maadaama tobankii danbe lagu jiro ma jiraan calaamado gaar ah oo uu
leeyahey Leylatul Qadar-ka oo lagu garan karo?.
31-Jawaab:- Haa waxaa ka mid ah daganaansho uu qofku dareemo,dabaysha oo
dagan,in uu riyo ku arko,in ay qoraxdu subaxaas shucaac la,aan ay tahay.
30-Jawaab:- Gabadhaas walacday oo soonku dhibahayo way afuraysa ,ka dibna way
qalaynaysa,saas baa raajaxsan aqwaasha culumada,sababtu waxay la mid tahay
qof jiran. fidyana lagama rabo,saxaabada qaarkeedba waxay qabaan in fidyo
kaliya laga rabo.
29-Jawaab:- Waxaan u qaatay in ay xaaskaaga ahayd oo ay dhimatay ayada oo soon
lagu leeyahay. Haday dhimatay ayada oo soon lagu leeyahay waxaa ka soomaya waligeedii,ama waxaa laga bixinayaa cunto sidii la rabo baa la yeelikara,waxaa u daliil ah:xadiiska labada shaykh ay wariyeen: qofkii dhinta isaga oo lagu leeyahay
soon waxaa ka soomaya waligiisa. (waligu waa qariibkeed ama
ama casabada,waxaana xoog badan qofkasta oo qaraaba ah)(Jumhuurku waxay
yiraahdeen waa laga quudinaya kaliya ee laga soomi mahayo,waxaase xoog badan
in laga soomi karo ama cunto la bixiyo).
28-Su’aal:- Waxan kalo rabaa hadii aan ku noolahay wadan gaalo hadana laygu khasbo in aan afuro oo aan afuro malaygu leeyahay mise soonkaygii waa ii jiraa?
28-Jawaab:- Haddi qof la khasbo in uu afuro(khasabkuna macnuu leeyahay) way isku khilaafeen culimadu axnaafta iyo maalikiyada waxay qabaan in uu qalaynayo maalintaas la khasbay,shaaficiyada iyo xanaabilada iyo daahiriyada waxay qabaan in uunan qalaynayn oo soonkiisii u jiro waxay daliishadeen xadiiska ah: ilaahay madayda waa ka kor qaaday wixii ay hilmaanto ama kama, ah ama lagu khasbo.(saasbaana xoogbadan)
27-Jawaab:- Qof sooman waa rumaysan karaa waqti kasta sida adilada ku cad,waxaa kaloo jira is honqaacintu way fasahaadisa soonka,marka haday is hunqaacin kaa ahayd waa kaa buray oo waad qalaynaysa,haday kaa ahayd cadayo oo uu kaa yimid ula kacla,aan soonkii kaa ma burin meeshii baad ka sii wadaysa.
26-Su,aal:- Haddaad qof la caytanto soonkaaga sidee noqonayaa isagana ma la qalaynayaa mise waa la iska wadanayaa.
26-Jawaab:- Qofka muslimka ahi wax ma caayo waxna ma lacnado ,qofka soomanina ka sii daran,waxaa ka sugan nabiga nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee:qofkii aan ka tagin beenta iyo xumida ilahay waxba ku falimahayo in
uu ka tago cunada iyo cabitaanka.waxaa kaloo ka sugan in uu yiri:qofka sooman hadii la caayo ama lala diriro ha yiraahdo waan soomanahay.Shaki kuma jiro in ajarku nuqsaamyo,laakin ma qalaynayaa mise qalayn mahayo
,waxaa raajaxsan in uunan qalaynayn.
25-Jawaab:- Haddii dhaqtar muslim ah oo lagu kalsoonyahay uu ku taliyo in soonku u dhibayo ama biskoodka uu dib u dhigayo waa afurayaa.
24-Su’aal:- Haddii qof soman uu ku dhaarto in uu soonkiisa furayo hadal uu sheegay haduu beeno noqdo inuu soonkiisa furayo saasna u furay soonkiisii maxaa u xukun ah?
24-Jawaab:- Soonka ma furayo,wuxuuna ku dhacay danbi wayn ee ilaahay ha u toobad keeno hana qaleeyo maalintaas.
23-Su’aal:- Hadii qof dagaal galo isaga oo sooman dagaalkaa dartiina u afuro maxaa u xukun ah?.
23-Jawaab:-Dagaalku muxuu yahay ma mid jihaad ahbaa mise waa si kale? haddu yahay jihaad waa afuri karaa (horay baan uga jawaabnay) haddu yahay dagaal kale dagaalkuna uma banaan oo Alle ha ka cabsado mana afuri karo.
22-Su’aal:- Hadii qof si cad u diido inuu soomo waajibna ku yahay soonka aan haysan wax cudur daar ah ” safar ma ahan da’ ma hayso wax uu ku suxuurto ama uu ku afro ma waayin ” hadda waxaa uu diiday in uu soomo maxaa u xukun ah?
22-Jawaab:- Qof muslim ah oo aan cududaar haysan oo afuraya oo diiday in uu soomo waa arin halis ah oo dhaawacaysa iimaanka,ilaahay ha ka cabsado oo ha u deg dego taybad iyo in uu soomo, haddo saas ku dhinto waa halis iyo khatar wayn.
in uu soomayo,in lagu dhawaaqo niyada waa bidco meeshaan.niyada soonku ma
waxaa loo baahanyahay habeyn walba mise habaynka ugu horeeya ayaa ku
filan?khilaaf baa ku jira,qofka su,aasha waydiiyay ma khuseeyo khilaafkaas,
sababtu isagu waa uu suxuurtay waxuuna u suxuurtay in uu soomo,marka niyadii
waa uu la yimid.
20-Su’aal:- Haweenka qaarkood waxa ay isticmaalaan dawooyinka ka keena xaydka, haddaba wakhtiga soonka ka waran arintaas wax dhib ah ma u keeneysaa soonkooda? sababta ay isticmaalaana waa in hormoonkii keeni lahaa xayka uu daciifey.
haday aruntu tahay daawa dhakhtar u qoray jira jirta owgeed dhib malahan
danbina kama soo gaarayo.
Hadayse dhiiga isaga keentay sidii ay u afuri lahayd arinkaasi uma banaana
waana xeelaysi danbi ka soo gaarayo,waxay la mid tahay qof safray si uu u
afuro.
19-Su’aal:- Qofku haddii uu tamar yareeyo maalin soon ay tahey oo uu u baqo naftiisa, ma furi karaa maalintaa soonkiisa?
liqayo ee waa tufin,wuxuu la midyahay qof luqluqday,aathaar salafka ka soo
aroortayna waa jirta, saas haddu yeelo soonkiisii ka fasahaadi mahayo.
17-Su’aal:- Qof sooman ma ku cadayan karaa dawada ilkaha lagu cadaydo.
tufaya.
tufaya.
sanbabka wayniisa waxaa saas fatwooday Sh.Bin Baas Iyo Sh.Ibnu Cuthaymiin
iyo Lajnada Fatwada Ee Sacuudiga.
Haddii aan qoraxda la arkin bisha ramadaan waa la qadarayaa waxaana u daliil ah xadiiskii dajaalka inta uu joogayo maalin sanad le eg iyo maalin bil le’eg,markii saxaabadu waydiisay nabiga nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: waad qadaraysaan.
Qadaraadaas waa laysku khilaafay waxaa ugu saxsan in la raaco baladka kuugu
dhow ee qorax laga arko.
cabidba. Waxaa suu arooray xadiis uu wariyay axmad iyo abu daawuud oo macnihiisu yahay:haddi qofkiin maqlo adinka isaga oo weelka gacanta ku haya yuunan dhigin ilaa uu xaajadiisa ka guto.(waxaa saxiixiyay albaani) culumadu waxay ku fasireen in adinkaasi yahay kan hore oo uunan ahayn kan danbe sababtuna waa ayada quraanka ah oo sheegaysa in aan lacuni karin la cabi karin haddi fajarka sadiqa ah uu galo iyo axaadiista saxiixa ah oo saas
taageeraya.(waana fatwada jumhuurku).
Waxaase culimada qaarkeed qabtaa in habaynka laylatulqadarka uu ku jiro tobanka dhexe waxaa qaba cali iyo ibnu mascuud iyo sayd ibnu thaabit, waxaase raajaxsan in uu ku jiro tobanka danbe.waxaa kaloo jira in nabigu
sanadkii la oofsaday uu ictikaafay tobanka dhexe iyo tobanka danbe.
Waa la habaaray qofkii haleela ramadaan oo aan loo danbi dhaafin.
Waa bishii cibaadada iyo danbi dhaafka iyo sadaqada iyo qaraabo xiriirinta.
Waa bishii guulaha iyo jihaadka waxaa dhacay badar iyo fatxumakkah iyo
yarmuuk iyo qaadisiya iyo cayn jaaluut iyo kuwakale.
yaqaan(fajru saadiq).inta ka horaysa waa la cuni karaa la cabi karaa(وكلوا
واشربو حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر).
وقال النبي صلى الله عليه وسلم : { لا يمنعنكم من سحوركم أذان بلال , ولا الفجر
المستطيل , ولكن الفجر المستطير في الأفق } . قال الترمذي : هذا حديث حسن.Ibni cabaas ninbaa wuxuu kuyiri :waan suxuurtaa ilaa aan ka shakiyo fajarkii
ma dhashay mise waa wali,markaas buu ku yiri :cun inta aad
shakinaysid,markuu shakiku kaa baxana jooji.
تسحرنا مع رسول الله صلى الله عليه وسلم ثم قمنا إلى الصلاة . قلت : كم كان قدر
ذلك ؟ قال : خمسين آية . متفق عليه .
macnuhu waa: nabiga ayaan la suxuuranay ka dibna salaadii subax baan u
kacnay,markii la waydiiyay intee u dhaxaysay wuxuu yiri: in konton ayadood
laga akhriyo.
suxuurta barakadeeda iyo u jeedadeeduba waa in la dib dhigaa,waqtiga aad
sheegtay suxuur lama yiraahdo.
danbaba waxaana u daliil ah :nabigu nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee
madaxa ayuu biyo iskaga shubi jiray kulaylka darti ama haraad darti isaga oo
sooman,c/lahi ibnu cumarna wuxuu qoysan jiray maradiisa isaga oo sooman,saas
darteed way banaan tahay qubaysku labada galinba.
tukanaya nabigu naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri:
imaamku waxaa imaam looga dhigay in la raaco.
Salaad kale oo jamaaco la isugu yimaado ma ogi.Haddi dad qaarki taraawiixda ay ka dhigtaan saq dhexe oo ay wada tukadaan waa wax fiican culumada qaarkeed waxa ay leeyihiin tahajudku waa hurdo ka dib.
Dadka isuguyimaada tahajudka waa in ay makarafoonka gudaha kaliya ka dhigaan sababtu waxaa jira dad jiran iyo caruur salalaya iyo haween aan tukanayn saas darteed waa in lagaabiyaa makarafoonada.
saas fatwooday.
والعدوان“oo macnu yahay: isku kaalmaysta wanaaga iyo alla ka cabsiga,ha isku kaalmaysanina xumaanta iyo gardarada.
Saas darteed mabanaana in aad cun karsan ka gadid qof muslim ah oo aan cududaar lahayn,ama qof gaal ah,sababtu gaaladu waxaa laga rabaa in ay shareecada qaataan,marka in aynan qaadan ma keenayso in ay noo banaantahay in aan ugu kaalmayno wax ka soo horjeeda shareecada.
وعليه : فلا يجوز للمسلم أن يقدم طعاماً لغير المسلم في نهار رمضان ؛ لأن
الكفار مخاطبون بفروع الشريعة .
مجموع فتاوى الشيخ ابن عثيمين ” ( 2 / السؤال رقم 164 )
1-cunid iyo cabid iyo galmo.
2-in uu ka yimaado haweenka dhiiga xaydka ama dhiiga dhalmada.
3-In uu iska keeno shahwada siigaysi ama taataabasho.wixii hurda ku yimaada ma buriyaan.
4-in uu qofku is hunqaaciyo haddii uu ceshanwaayo kama burayo.
5- Waxaa kaloo buriya in faleebo lagu rakibo ama irbado cunta u dhigma la siiyo.
6-Dhiiga la qaado ama lagu tabaruco ma buriyo,saboosada haweenku isticmaalaan ma buriso goojada isha ma buriso.
Waxay culumadu isku qabteen istoobintu ma burisaa? waxaa xoogan in aynan burinayn.
Fadaa isha ramadaanku waa badanyihiin:
1-Waa bishii qoraanka la soo dajiyay oo waxyigu bilooday.
2-Waxaa ku jira habayn loo yaqaan laylatul qadar oo ka fadlil badan kun habayn waxay u dhigantaa 83 sano iyo dhowr bilood.
3-Qofkii sooma maalintii habaynkiina tukada waa loo danbi dhaafin.
4-Waa bishii deeqsinimada iyo u naxariisashada dan yarta iyo qaraabada.
5-Waa bishii ay muslimiintu guulaysanjireen dagaaladii kala baxa ahaa waxay dheceen ramadaan badar fatu makaha iyocayn jaaluut iyo guwa kale.
6-waa bisha cibaadada iyo quraan akhriska(imaam maalik waa laabi jiray kutubta cilmiga wuxuu ku ikaan jiray quraan akhriska).
hadii dhakhtar saami dhiiga kaa qaado maalin Ramadaan soonku maka jabayaa qokaasi?
soonka.
yaqaan(ixtilaam) qofka hurda wax ma korsaarna arintaasi waa ijmaac.
1-Jawaab:-Qofka soomani waa in uu ka fogaadaa wixii wax u dhimaya soonkiisa ama keeni kara in uu ku dhoco wax la reebay. waa la ogolyahay dhunkashada iyo tabashada xaaska sida ku sugan axaadiis saxiix ah(Bukhaari iyo Muslim baa wariyay). Ibnu cabaas wuxuu kala saaray ninka dhalinyarada ah iyo kan wayn oo wuxuu u diiday shaabka (waxaa wariyay Bayhaqi waana ka suganyahay) sababtuna waa: hanasha la’aanta nafta bay ku salaysaysantahay.
Haddii ay ka timaado mino taabashadaas darteed soonku waa ka burayaa sida
jumhuurku qabo(afarta imaam) waana uu qalaynayaa maalintaas ,lagama rabo
kafaaro aqwaasha culumada kiisa xooga badan.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:
Daabaco
Fikrad ka dhiibo