Xoghayaha Difaaca ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Sarkaalka katirsan Hey’adda Badaha Caalamiga ah oo ku aadnaa inuu madax ka yahay burcad badeeda oo uu Sheer la yahay isla markaana uu ka gaacsado waxyaabaha mukhaadaraadka
Andrew Mwangura oo ah madaxa Urur Bad-Maaxiin oo xarun ku leh Magaalada
Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in Hadalka Andrew Mwangura uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana uu yahay mid uu ku marin habaabinayo Caalamka.
Indhacadde ayaa ku eedeeyay Andrew Mwangura in ay dilaale ka yahay Burcadda Badeeda iyo Milkiilayaasha iska leh Maraakiibta isla markaana uu u kala dab-qaado.
Yuusuf ayaa iska fogeeyay in uu waligii wax xiriir ah la yeeshay Bur-cad Badeeda isla markaana xilligii uu gacanta ku hayay Gobolka Sh/hoose dhowr jeer lagu afduubtay Xeebta Gobolka Sh/hoose Maraakiibt isla markaana uu isaga soo badbaadiyay iminkana aanu suuragal aheyn in uu isaga wax lug ah kuyeesho afduubka Maraakiibta,
Sidoo kale Yuusuf indhacadde ayaa iska fogeeyay in uu ka ganacsado Waxyaabaha Mukhaadaraadka ah, isaga oo intaa ku daray in xiligiisii uu gubi jiray waxyaabaha Maanka dooriya.
Xoghayaha Difaaca ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa ku eedeeyay Cadde Muuse iyo qaar ka mid ah wasiirada Maamulka Puntland in ay Mas’uul ka yihiin falalka afduubka ee ka dhacaya Baddaha Soomaaliya isla markaana ay guryo iyo magaalooyinba ku leeyihiin Maamulka Puntland.
Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in lacagaha afduubka ay xubnaha Maamulka Puntland qaarkood u isticmaalayaan ololahooda Doorashooyinka.
Dhinaca kale mar la weydiiyay khilaafka Isbahaysiga u dhaxeeya iyo shirka
Sidoo kale sheekh Yuusuf ayaa mar uu ka hadlayay Dhaq-dhaqaaq Al-Shabaab waxa uu sheegay in isaga uusan kamid aheyn Ururka Alshabaab Balse uu taageersan yahay isla ay isku raacsanyihiin in cadowga lala dagaalamo sidii Dalka Soomaaliya xooga iyo sharci darada ku jooga looga saari lahaa

Related posts:
Talo ku socota islaamiyiinta ka wada halganka dalka Soomaaliya, khaasatan hogaamiyayaasha dagaalka. Iska ilaaliya Indha Cadde iyo Sheekh Shariif ( Sheekh Xariif) iyo wixii la mabda’a. Dagaalka Soomaaliya weji cusub ayuu yeeshay. Yaan la idiinku khaldin mujaahiddinta hala mideeyo.
Waa iga talo walaalnimo oo weliba aan khatar ugu badheedhay. Yaanay idinku dhicin mar danbe wixii ka dhacay Manaas, Iidaale iyo Jubooyinka dhamaadkii sannadkii 2006 iyo bilowgii 2007.