Daladaha Waxbarasho ee Soomaaliya oo Cabasho Xoogan Muujinaya

Published on September 1, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

ardey.jpg6 dalad wax barasho oo ka jira Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa go’aan ku gaarey in muddo 3 Maalin joojiyeen howshii waxbarid ee bulshada u hayeen. 

Sababta 3 maalin waxbarida u joojiyeen daladaha waxbarashada ee Soomaaliya ayay ku sababeeyeen tacayiada ka dhanka ah goobaha waxbarashada ee ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya geysanayaan.

  

Dhibaatooyin kala duwan ee 6 dalad waxbarasho ka cabanayaan waxa ka mid ah rasaas si bareer ah mararka qaarkood loola beegsado goobaha waxbarashada oo khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jiraan ka soo gaaraan ardeyda iyo macalimiinta ku sugan.

  Waxa sidoo kale dhibaatooyinka la soo gudboonaada dhac iyo bililiqo la gula kaco agabka kala duwan ee waxbarasho ee yaala goobaha waxbarashada ee ciidamadu u soo dhacaan. 

Macalimiinta iyo ardeyda ayaa mararka qaarkood kala kulma ciidamada in xabsiyada u taxaabaan sabab la’aan iyo danbi la’aan.

  

Afhayeenka guud ee 6 dalad waxbarasho C/Qaadir Cumar Rooble ayaa ka dalbadey madaxda DKMG ah in arimaha ay ka cabanayaan wax ka qabtaan, maxkamadna la horkeeno dadka ka danbeeya falalka guran ee goobaha waxbarashada lala beegsado.

  

Dad weynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu sidoo kale ugu baaqey in ay u istaageen sidii arimahan wax looga qaban lahaa loona hor istaagi lahaa.

  Mararka laga reebo goobaha yar ee waxbarasho ee furan ee dhibaatooyinka sida joogtada ula kulmo, waxa jira goobo waxbarasho oo badan oo wali xiran kuwaas oo qaarkood fariismo u noqdey ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Cabasho Ka Soo Yeeraysa Gaadiidleyda G/Banaadir
  2. Warbixin ku saabsan Hanaanka waxbarasho ee Maamulka S/land
  3. Qafaalasho Xoogan oo Ka Socota X/Weyne
  4. Barakac xoogan oo ka Bilowday M/Muqdisho
  5. Barakac xoogan oo ka socda Baladweyne

Readers Comments (1)

  1. C/QANI CUMAR-HARGEISA says:

    SORRY WAAN KA XUMAHAY ARIINTAAS YADA AH




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Cabasho Ka Soo Yeeraysa Gaadiidleyda G/Banaadir
  2. Warbixin ku saabsan Hanaanka waxbarasho ee Maamulka S/land
  3. Qafaalasho Xoogan oo Ka Socota X/Weyne
  4. Barakac xoogan oo ka Bilowday M/Muqdisho
  5. Barakac xoogan oo ka socda Baladweyne

Latest Headlines