Magaalada Jawhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa tan iyo maanta ka taagnaa ismaandhaaf u dhaxeeya Xoogag ka wada Tirsan Ciidamada MMIS oo ka ariminayay Magaalada bilihii lasoo dhaafay ka dib markii ay ka fara maroojiyeen Maamulkii Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.
Ismaandhaafka ka aloosmay Magaalada ayaa la sheegay in uu ku qotomo muran dhexmaray saraakiisha MMIS ee ka taliya Magaalada iyo kala duwanaan xagga aragtida ah oo soo kala dhex galay saraakiishaas.
khilaafka ayaa la sheegay in uu ku bilawday kadib markii godoomiyaha Gobolka Sh.Dhexe ee MMI Sh.Daahir Cadow xilkii laga qaaday isla markaana booskaas loo magacaabay xubin kale oo ka tirsan Saraakiisha Hogaamiya Xoogagga Maxkamadaha ee ku sugan Gobolka, kaas oo lagu magacaabo Sh. C/laahi Macalin Mukhtaar arrintaas oo uu gaashaanka u daruuray Gudoomiyihii hore.
Sh.Daahir Cadow oo maanta u warbixiyay qaar ka mid ah Idaacadaha Gudaha ayaa sheegay in ay magaalada isku hayaan kuwo uu ku tilmaamay in ay la heshiiyen kuwii dalka Cadawga u soo horkacay oo uu ula jeedo Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka uu hogaamiyo Sh.Shariif
Sh. Daahir ayaa sheegay in magaalada Jawhar la rabo in laga soo dejiyo Guddiga amniga ee ay sida wada jirka ah u yagleeleen Isbahaysiga Jibuuti iyo DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga itoobiya taas oo uu asaguna ka soo horjeensaday.
Gudoomiyaha G/Sh.Dhexe ayaa mar la waydiiyay asgu Cidda uu hoostago waxaa uu sheegay in uusan garabyada Jabuuti iyo
Mar aan isku daynay in aan khilaafkan wax ka waydiino Afhayeenka MMIS dhinaca Hawlgalada Sh. C/raxmaan Ciise Cadow ayaa waxaa uu arrinta ku sheegay wax aan sidaa u buurnayn oo ka dhashay xurguf dhex martay Qaar ka mid ah Ciidamada MMIS oo haddana ay Xalinteeda gacanta ku hayaan.
khilaafkan ka dhex aloosmay Xoogagga MMIS ee ka taliya Guud ahaan G.Sh/Dhexe ayaan la saadaalin karin in lagu dhamayn doono wada hadal iyo in uu u xuub siiban doono khilaaf weyn oo isu badala gacan ka hadal
Dadka qaar ayaa waxay khilaafkan u saarinayaan in uu xiriir la leeyahay Dhinacyada Isbahaysiga ee u kala jabay

Related posts:
maasha allaah illaahay baa mahad leh waxaa inoo soo galay bishii barakaysnayd ee khayrku ku dhamaa walalayaal hadaba waxaan idiin sheegaya wallaalaha muslimka ahoow ka faaidaysta bishaan barakaysan
kismaayana maxaad kasugaysaan marka.? amxaaradu markay wadanka kabaxdana maxaad filaysaan? kursi doon iyo madax jacayl waa waxa somalia halkaas dhigay wadaadadu mooryaanta waa ka adag yihiin lakiin wadaado is dagaalay seebay u kala adkaan doonaan soo nin walba meel xiran maayo oo hogaamiya yaal xooxeed oo nooc cusub ah isuma badli doonaan
anigu waxaan kula talin lahaa intiidnaan is dilin masaajidiinii kunoqda hadii kale diinta iyo jihaadka aad alle kula balanteen karun sheega wadaad hebelbaa kursi laga cayriyey u xanaaqay oo koox la dhaqaaqay ayey hadda maraysaaye haddaan la daba qaban allaha sahlo.
A/c walaal runtii waad aragtaan waxa hada dhacayo waxa dhici garo hadee gumaysiga baxaan marka walaalyaal kuwa wadaadada isku dilmaamayo waa dad xukun doon ah marka aniga waxaan aa misanahay hadee baxaan gumisiga in oo dib oo udhici doona dagaal qawiil taasna ilaah hanaga badbaadiyo
waxa hada soobaxay waa wax la sugayay oo marnaba aan la dhaafikarin ayaa ad dagaal ku wda jira haday is khilaafaan waxaa kadha sha in laba garab laka lanoqdo marka danbana waxay ku dan baysaa in xabad la isku rido oo uu dhiig daato waxaan alle ka bar yaynaa in ay dhicin in uu dhiig daato
abuu cabdulaahi
Asalaamu calakum
nimanka meesha isku hayaa ilaahay haka cabsadeen dadka masaakiinta ahna yey gelin qax labaad hana isu tanaasuleen yuu ku wiir san cadawgoodu yeyna farax gelin munaafiqiinta islaamka neceb hadii camalka ay ku jiraan ilaahay dartii ka yahay oo aysan dan kale la hayn.una malayn maayo inuu isbahaysigu ka shaqeeyo gudaha wadanka wax badana ka og yahay , markaa waxaan hadalakayga ku soo gunaanadayaa alle halaga cabsado diinta iyo danta umada halaga hore mariyo danta shaqsiga ah.
Garab ka mid ah garaka ARS ayaa shaqadii loo unkay wata, wuxuuna isticmaalayaa dhaqaale fara badan oo dowlado shisheeye la daba taagan yihiin.
MMIS ee gudaha joogaa waa inay ku kala biiraan garabyada kale waayo way muuqataa dagaal dhexdooda ayay qarka u saaran yihiin.
walalah muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan waan salaamayaa , assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh, bacda salaam waxaan utahniyadaynaya muslimiinta bishan ramadaan gaar ahaan tahniyadaydan waxaan udirayaa walalaha mujaahidiinta ah ee cadawga ku ah laf dhuunta gashay . intaa haddaan kasoo gudbo waxaan aad uga xumahay wararka kasoo baxaya dhankaa iyo jawhar , waana arin laga murugoodo laakiin wax layaabo maaha waa sunna rabbi in dadku markasta oo imtixaan dhaco laba loo kala qaybso, dad imtixaankaa ku baas iyo dad kudhaca , maanta waxaan udiri lahaa fariin dhambaala walalaha mmis ee kutaagan ladagaalan cadawga , arintu way caday ee hadduu jihaadkiinu idinka dhabyahay waa inaad kukacdaan arimahan
1- inaad cadaysaan manhajkiina oo aad kabari noqotaan cidkasta oo kitaabka iyo sunnada kaleexata .
2- inaad kabari noqotaa jaartan dibuxuraynta waayo waxaa kujira wax farabadan oo diinta lagaga baxaayo sida : inay aaminsanyihiin
“sharciya dawliya” oo ha qawaaniinta qaramada midawbay , in layskula xukuntago maxkamada hia ee ay maamusho Q.M , waxaa ilaalinayaan cuhuuda iyo mawaathiiqda Q.M SIIBA KU KU SAAB SAN XUDUUDAHA , JAARWANAAGA ,MADAXBANAANIDA IYO INAAN DAWLADINA KUDUULIN DAWLADINA KALE waxaasoo dhami umaqalmaan inuu aamin qof mujaahidi oo allaah dartii udagaalamaya .
3- markaad talaabooyinkaa aad qaadaan dad ayeydun dariiqa iskugu imanaysaan waa walalaha kale mujaahidiinta ah waxaan markaa idin farayaa wax allaah hore idiin faray oo ah inaydun midawdaan. waxaa midawgiina hadda dhaxtaan arimahaa kagaalooba waa daaquude allaahna kaligii caabuda.
wabillaahi tawfiiq
asc wr wb
islaamiyiintu xaq uma laha inay umada hogaamiyaan jeer oo ay ka gudbaan caqabadahan:
1- kala qabsanaanta xooga ah ee dhexdooda taala, sida aynu ognahay islaamiyiinta soomaaliya waa kooxo midiba mid iska dhawrto waxa mideeya ee keliyina waa la dagaalanka ciidamada itoobiya iyo dabadhilifyadooda.
2- qaar ka mid ah islaamiyiinta oo dano gaar ah wata.
3- khibrada maamul ee ay leeyihiin oo aad u liidata.
4- qiimayn la’aan awooda dhaqaale, siyaasadeed, military iyo mida aqooneed ee cadowgooda.
5- ka dambayn la’aan , tusaale ahaan inanka qoriga sitaa isaga ayaa bolis ah oo xaakim ah oo maamule ah.
waxaan ku soo gunaanadayaa si mashruuca islaamiga ahi u guulaysto waa in laga gudbaa caqabadahaas waana in la xasuusnaadaa hadalka Ilaahay uu yidhi koreeye: ha is khilaafina, khilaafku wuxuu idiin sababayaa inaad jabtaan oo awoodiina iyo dawladnimodiinu tagto.
asc ramadaan kariim
haday daawo bukooto maxaa lagu daweeyaa?
haday qayladu masaajidka ka yeedho xagee loo cararaa?XADIIS AYAA NEBIGU(SSW) KU YIRI QIYAAMAHA WAXAA IMANAYA MUJAAHID MARKAAS AYAA LA WAYDIINAYA MAXAAD U DAGAALAMAYSEY? WUXUU KU JAWAABAYAA ILAAHAOW DARTAA AYAAN U DAGAALAMAY WAXA LOOGU JAWAABAYAA WAA BEENTAA WAXAAD U DAGAALANTAY SI AY SHARAFTU UGU SUGNAATO HEBEL(li takuuna cisatu li fulaan )KADINBA NAARTA AYAA LAGU TUURAYAA. war jihaadku yaanu sidaa inaga noqon
ANIGU RUNTII MARKAY MEELAHAA GASHO DIB BAAN U JOOGSADAA, WAAYO ARIKU WAA KHATAR WUXUU KEENI KARAA WAX AAN SAHLANEYIN OO DHIB AH AAKHIRO IYO ADUUNBA , LAAKIIN KOOXDA SHARIIFKA WAXAAN KULA TALINYAA WAXNA HA BEDELINA WAAYO WAXNA MA XUKUNTAAN HORTA HALA HESHIIYO MARKA WAXLAGU HESHIIYO AYAA LEYS BEDELAA HADII KALE WAXAA LOO ARKAYAA INQILAAB TAANA WAXAY KEENEYSAA ISKU DHAC SABABTAANA WAXAA LEH CIDII WAX BEDESHAYIYADOON AWOOD SHARCIYEED AAN LAHYIN. CIIDANKIINANA HAKU DARINA KUWA GAALADA KA BARBAR DAGAALAMAY LAA QADARU LAAHU E HADEY DHACDO OO AAD KU DHEX DARTAAN CIIDANKIINA CIIDANKA SHUFTADA AH IYADOON WAX LA ISLAAXIN WAXAA LEYDIIN HELAYAA QODOB SHARCIYA OO LEYDINKU LAAYO , WAA HADII AAD U TAQAANIIN NIMAKAN SHUFTADA AH KUWO AY GACMAHOODA AY QOYAN YIHIIN DHIIGA DADKA MUSLIMIINTA AH EE AAN WAX GEYSAN ,ODAY MARKAA CIIDAN KAAGA HAKU DARIN RAG UU SHIISHKU HAYSTO.
ascww walalayaal waa arin cajiib ah ah arinkan ka dhaxtaagan mujaahidiinta ha ahadaan shabaab ha ahadaan jabiso ha ahadaan mmis hadane mahan arin cusub wayaabe maxaa daawada loo la yahay mar hadii cudurkaan hore loo arkay sababtoo ah waa wixii kadhacay afqanistaan xiligii mujaahidintii ay ka xoreyeen ruushka maa taariikhda dib loo aqriyo ogaada wax badan ayaa kajira waxyaabaha aykudhalilaan culimada kale ee saxwiyiinta ah culimadan haddaan wax lagabadalin sidatan waxaamuu qata tariikh madow ee madaama bishii ramadaan lagalay aanu ducayno ilaah wuunaga aqbali donaaye
waxaan aad uga xumahay in dadkii diinta sheeganaay iniyaga isku mashquulaan waayo cadawgiina waxuu laaynayaa umadii muslimka ahayd iyagiina way dagaalamaayaan waxaasi mawanaagsana walaalayaal tan kale waxaan kula talinayaa shacabka soomaaliyeed in ay samir iyo dulqaad muujiyaan ay uduceeyaan kuwa xaqa kutaagan in ilaahay ku guuleeyo kuwa baadilka wadana alaah naga qabto aamiin aamiin
a/c walaalayaal ramadaan kariim kuna sooma khayr iyo bashbash meel kasta oo aad joogtaan walaalaha muslimka ah intaa ka dib walaalayaal waxaa jira dhowr arimood oo isdhexdaadsan runtii marka laga hadlayo midowga maxakiimtu dadbadan oo aan u bislayn ku dhaqanka shareecada ayaa ka buuxo kuwaas oo markasta halis ugu jira in ay dabin ugu dhacaan cadawga allah marka waxaan anigu kula talin lahaaa in ilaahay laga baqo la iskuna duubnaado waayo farkali ah fool madhaqdo yaana la idinka dhexfaa iidaysan walaalayaal haydaysan inka ahayn xukundoon marka hore hawshan oo aadan dar ilaahay uqabanayn waana mahadsantahiin
Soomaaliyey waxaa wanaagsan in wax halakala saaro:
1. Al-Shabaab iyo JABISO wax mugdi ah ama kala qaysanaan ah oo hadda ku jirtaa ma jirto.
2. Ururka kala qaysanaantu ku jirtaa waa MMIS. Suaal ba imaanaysa oo odhanaysa maxaa u sabab ah. Aniga waxay ila tahay sidatan, aniga oo xiganaya warbixinta ay qoreen http://www.pinr.com iyo masuuliyiin ka mid ah MMIS.
a) Heshiis baa dhex maray garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif iyo dowlado shisheeye.
b)Heshiiskaasi wuxuu dhigayaa in lakala qaybiyo dagaalyahaniinta ka dagaalamaya dalka Soomaaliya. Waxaa loo soo jeediyey in awooda dagaalyihiinta ka dagaalama dalka Soomaaliya la qaybiyo oo loo kala saaro qunyar socod iyo muslimiin mintid ah.
c)In dalka laga saaro Ethiopianka laguna bedelo ciidamo shisheeye. Wax haba yaraatee heshiis ah oo laga gaaray ma jirto khasaarihii ay Ethiopia iyo xulafadeedu ka geysteen dalka Soomaaliya iyo kuwa hadda ay gaysanayaan. Wax damaanad ah oo laga soo saaray in aanay ciidamada Ethipia kusoo laabanaynin dalka Soomaaliya ma maqal mana akhrin.
d) Waxaa loo sheegay in haddii ay doonayaan in Ethiopia Soomaaliya ka baxdo iyaguna (Garabka Shariif Axmed) ay ku biiraan dowlada federalka is la markaana la diriraan ururka Al-Shabaab.
e) Waxaa ka jirta waxyaabo qarsoon oo aan ilaa iyo hadda soo shaac bixin.
f) Sida ay aaminsan yihiin dowladaha shisheeye qodobka ugu muhiimsan ee midaynaya mujaahidiinta Soomaaliya waa diidanaan ay diidan yihiin joogitaanka ciidama Ethiopia dalkooda hooyo (Soomaaliya). Si taas meesha looga saaro waa in ciidamada Ethiopia dalka laga saaraa oo lagu bedelaa ciidamo kale oo shisheeye iyo Soomaali ka kooban DFKMG ah, garabka ARSta uu hogaamiyo Sheekh Shariif, iyo ciidamo laga qorayo qabaa’ilka Soomaalida. Ciidamadaas shaqadoodu waa dabargoyta ururka Al-shabaab iyo Islaamiyiinta kale ee doonaysa in dowlad ku dhaqanta shareecada Islaamka laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.
Waxaa Wanaagsan inaad qorshahaas aynu fahano dabadeedna caqligeena ka shaqaysiino waxa qof kasta oo Soomaali ah oo muslim ah la gudboon.