Magaalada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan ayaa shalay galinkii danbe looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ay sameysteen dadka degan deegaankaasi.
Saraakiil ka mid ah Mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa sheegay in ay in mudo ahba qorshaynayeen Qaabkii ay magaalooyinka hoos yimaada gobolka Hiiraan uga hir-galin lahaayeen Maxkamad Islaami ah oo shacabka ku dhaqda Shareecadda Islaamka.
Mid ka mid ah Saraakiisha Mujaahidiinta soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh C/raxmaan Macow ayaa sheegay in ujeedada loo sameeyay maxkamada ay tahay sidii ay wax uga qaban lahayd arimaah danbiyada iyo dacwadaha shacabka ka dhaxeeya.
Maxkamadan ayaa gudoomiye loogu magacaabay Sheekh C/laahi Macallin Hilowle waxaana uu ka codsaday Shacabka reer Buulo-Burde in ay la shaqeeyaan kuna garabsiiyaan hir-galinta Shareecadda Islaamka.
Saraakiisha Maxkamadaha ayaa sheegay in ay maal-maha soo socdana Maxkamada tan la mid ahi uga dhawaaqi doonaan degmooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay Jalalaqsi, Buqaqable, Matabaan iyo Maxaas oo dhamaantood Hoos taga Gobolka Hiiraan.

Related posts:
Allaah Akbar futuuxaadka islaamka oo sii balaartay,Rabina waxaanu ka baryaynaa inuu horay usii wada ilaa ay koonka camimto.
KU: DHAMMAAN MUSLIMIINTA SOOMAALIYEED IYO MADAXDOODA MAXAAKIIMTA ISLAAMIGA AH
asalaama calaykum wr wb
Salaan ka dib waxaan idiin soo jeedin lahaa talooyin dhawr ah.
1. Waxyaalaha aan shareecada Islaamka ku banaanayn ee hadda dadka qaar isticmaalaan ha isku dayina in aad markiiba joojisaan
– sida Qaadka
– Sigaar ka
– Shaneemooyinka
Waayo waxaa loo baahan yahay in si tartiib ah loo joojiyo, ka dib marka qofkii ka ganacsanayey ama kii cunayey loo sameeyo madiil kale oo uu kaga maarmo.
Qaybta ka ganacsata, waa in loo helaa shaqooyin kale oo uga faa´iido badan.
Qaybta cuntana ama cabtana waa in la fahansiiyaa waxyaalahaasi in ay Diintu xaraantimaysay isla markaana laga qaado cuduro. Waxaa dhacaysa in dadka isticmaalaa yaraadaan, ka dibna la joojiyo.
Shacabka Diinta ha la baro si ay u noqdaan dad jecel Shareecada Islaamka.
Cadawga Muslimiintu yuusan innaga faa´iidaysanin oo waa in ay waayaan meel ay inoo soo maraan.
Mida labaad iska ilaaliya telefishanada gudbinaya sawiradiina oo gaalada innagu soo jeedinaya.
Talooyinkan kama wado in aynu cabsano, laakiinse waa xeel dagaal
Jama Abdullahi
Alle ayaa mahada leh walaalayaal. Hadii mar Labaad ay Mujaahideenta Somaliyeed ay soo noqdeen . Waa Bishii guusha Ee Muslimiinta waa Ramadaaan Islaamka Alle haguuleeyo u ducee Fadllan. salamulaahcalyk
waa arin fiican in lahelo wax dadka kala haga oo ku saleesan diintooda
Ilaahayow ilaah aana diga aheyn adduunkan in lagu caabido diidney oo qowlkeena iyo ficilkeena adaa is waafaji karee is waafaji. ilaahow maxkamdaha guuley oo gacanta sare sii
waaleyaal fadliga bishan hala duceeyo in ilaah nasri degdeg ah inoo keeno sidii kii hore oo kale.
AAmiin
Wa Alle mahadiisa in maanta mar kale nasrigu uu so iftiimay wa bishi barakaysnayd ee guusha muslimiinta walaalayaal aan badina ducada walaalaheena mujaahidiinta in uu sufuuftooda midayaan. Gaalada Ilaahay ha duleeya, Muslimiinta cizi iyo sharaf Ilaahay ha ku irzaaqa.
alxamdulilah waa wax lgu farxo dadkii markay arkeen in diintoda loo didayo in ayayba diintii dib guu noqdeen maxayelay in llanoolaado wa sharaf diinteena macaanka badan ee sidaa kuwda hadi kale nolol shraf leh ama shahiidninmo
ass/c iyo Ramadaan Kariim!!
Illaahaay Muslinka quluubtiisa haysu soo jeediyo..laakiin:
Hadaad adigu tuur leedahay
iyo tootir iyo qaalo
mid kaleeto inaad toosisaa
waa tu aan dhicin!!
(X. Aadam Af-qalooc)