Shil gaari oo ka dhacay G/SH. Dhexe

Published on August 31, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

gaari-rakaab1.jpgHal qof ayaa ku Geeriyooday 3 kalana waa ay ku Dhaawacmeen Shil Gaari oo ka dhacay Deegaanka Qalimoow ee u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe. 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in qofka geeriyooday uu ahaa ilmo yar- halka 3 qof ee dhaawacantayna ay ku jirtay haweyn da’ ah kuwaas oo la geeyay dhaawacooda Isbitaal goboleedka Degmada Jowhar.

  

Gaarigan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay degmada Balcada isla markaana uu ku sii jeeday Degmada Jowhar Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

  

Dadka ayaa la sheegayaa in ay u soo gurmadeen Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo xiligaasi ku sugnaa meel aan ka fogayn ka dib markii lagu wargaliyay in uu shil-qaari ka dhacay Deegaanka Qalimow.

  

Shilka gaarigan ayaa la sheegayaa in uu sabab u ahaa wadada oo aad u bur-bursanayd iyo gaariga oo ku socday xawaare aad u sareeya.

  

Ma aha markii ugu horeysay oo shil gaari uu ka dhaco wada isku xirta Degmooyinka Balcada iyo Jowhar, mana jirto illaa iyo hadda cid isku xil-saartay Dayac tirka wadadaasi.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shil Gaari oo ka Dhacey G/Sh.Hoose
  2. Dagaal Beeleed ka dhacay G. Jubadda Dhexe
  3. Rakaab Dhac & kufsi loogu Geystay G/Sh. Dhexe
  4. 5 Qof oo Lagu Diley G.Sh/Dhexe
  5. 2 qof oo ku dhaawacantay gaari rakaab ah oo ay dablay ku rasaaseysay degmada Wanla weyn ee G/Sh.Hoose

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shil Gaari oo ka Dhacey G/Sh.Hoose
  2. Dagaal Beeleed ka dhacay G. Jubadda Dhexe
  3. Rakaab Dhac & kufsi loogu Geystay G/Sh. Dhexe
  4. 5 Qof oo Lagu Diley G.Sh/Dhexe
  5. 2 qof oo ku dhaawacantay gaari rakaab ah oo ay dablay ku rasaaseysay degmada Wanla weyn ee G/Sh.Hoose

Latest Headlines