2 askari oo ka mid ah ciidamada Booliiska DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya ayaa ku dhaawacantay Qarax Bamnaa oo saaka Abaarihii 07:00 aroornimo lala beegsaday xili ay ku sugnaayeen xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.
Dhaawaca askartani oo la xaqiijiyay in uu ahaa mid culus ayaa loola cararay Isbitaalka Dhexe ee magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu dabiibayo.
Qaraxaasi Bambaano ka dib ayaa waxa la maqlayay rasaas xoogan oo la isweydaarsanayo, lamana sheegi karo illaa iyo hadda cida sida rasmiga ah isku weydaarsatay.
Ciidamada Booliiska ayaa la sheegayaa in ay goordhaw Baaritaano ka bilaabeen goobta qaraxaasi Bambaano lagula beegsaday, lama sheegin illaa iyo hadda wax dad ah oo ay qafaasheen ciidamadaasi.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay falkaasi Balse waxa uu ka mid yahay falalka amaan daro ee bilihii ugu danbeeyay sida weyn uga jiray magaalada Baydhabo oo ay xarun u tahay Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya.

Related posts:
alaahu akbar walilaahil xamdu