Sarkaal ka Tirsan WFP oo la Dhaawacay

Published on August 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

wfp.jpgMid ka mid ah saraakiisha Hay’adda Cunada Aduunka WFP ee ka hawlgala Gobolka Sh.Hoose oo lagu magacaabo Cali C/raxmaan Sh.Cali ayaa waxaa galabta rag hubaysan ay dhaawac ugu gaysteen gudaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh.Hoose.

  

Sarkaalkan ayaa la sheegay in ay rag hubaysani huwiyeen Tacshiirad xilli uu gaarigiisa ku dhex marayay Xaafadaha Magaalada Marka taas oo sababtay in uu dhaawac soo gaaro.

  

Mas’uulka ayaa waxaa dhawaciisa loola cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada halkaa oo hadda lagu baxnaaninayo waxaana la sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid fudud lagana rajo qabo in uu ka kaco.

  

Shaqaalaha Hay’adaha Q.M ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Koonfureed ayaa waxaa loo beegsadaa si joogta ah lamana garanayo cidda ka danbaysa falalkaas.

Hay’adda WFP oo ka mid ah Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay ka shaqayso curyaaminta wax soosaarka dalka ayada oo raashinka ay bixiso ku soo beegtay xilliyada ay soo go’aan dalagga beeraha iyo xilliyada abuurka taas oo hanjabin ku samaysa beeraleeyda Soomaaliyeed oo an wax Suuq ah u helayn Raashinka ay soo saaraan. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida DKMG oo la dilay
  2. Sarkaal ka tirsan WFP oo la toogtay
  3. Sarkaal ka Tirsan WHO oo la Dhaawacey
  4. Sarkaal ka tirsan Ciidamada CID ee DFKMG ah oo la dilay
  5. Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Nabad Sugida oo la Diley

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida DKMG oo la dilay
  2. Sarkaal ka tirsan WFP oo la toogtay
  3. Sarkaal ka Tirsan WHO oo la Dhaawacey
  4. Sarkaal ka tirsan Ciidamada CID ee DFKMG ah oo la dilay
  5. Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Nabad Sugida oo la Diley

Latest Headlines