Isbaarooyin hor leh oo dhiganayaan Ciidamada DKMG ah

Published on August 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

ciidamada-dfkm.jpgIsbaarooyin hor leh ayaa ku soo badanaya qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dhiganayaan ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya. 

In ka badan ilaa 10 isbaaro ayaa maalmihii ugu danbeeyay la soo dhigtey inta u dhaxeysa isgoysyada Maanabooliyo iyo Afarta Jardiino oo ka wada tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho. waxa Sidoo kale jirta isbaaro cusub oo Maanta la soo dhigtey halka loo yaqaan Tabeelaha Jaceylka.

  

Isbaarooyinkan ayaa waxa dhiganaya ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah, kuwaas oo lacago baad oo kala duwan ka qaadanaya gaadiidka radyidka qeybihiisa kala duwan.

  

Waxa sidoo kale jirta isbaaroyin loo yaqaan soo boodo kuwaas oo ciidamada qaar inta ay yara dhaqaaqaan gaadiidka meel aan sidaa uga fogeyn isbaarada uga qaata lacago kale oo dheeraad ah.

  

Darewalada gaadiidka ayaa cabasho xoogan ka muujinaya isbaarooyinkan cusub ee ciidamadu soo dhigteen, kuwaas oo midba lacagta uu doono ka qaadanayo gaadiidka.

  

Isbaarooyinkan ayaa caqabado xoogan ku noqonaya xaaladaha amaan iyo dhaq dhaqaaq, mana jirto cid ilaa iyo hadda isku howleysa wax ka qabashadeeda oo ka tirsan saraakiisha ciidamada DKMG ah.

  

Marka arimahan wax laga weydiiyo saraakiisha ciidanka DKMG ah, waxa ay ku andoocaan in ayna dadka rayidka ah ciidamadoodu dhibaato u geysan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Isbaarooyin Farabadan oo la Dhigtay 4-ta Jardiino & Maanabooliyo
  2. Dadka Rayidka ah oo ka Cabanaya Dhaca & Amaan dara Ciidamada DKMG ah Kula Kacaan
  3. Darewal Rayid ah oo Ciidamada DKMG ah Toogteen
  4. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwa DKMG ah oo Dad Rayid ah Qafaashey
  5. 50 Meeyo Qof oo Ciidamada DKMG ah Qafaasheen

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Isbaarooyin Farabadan oo la Dhigtay 4-ta Jardiino & Maanabooliyo
  2. Dadka Rayidka ah oo ka Cabanaya Dhaca & Amaan dara Ciidamada DKMG ah Kula Kacaan
  3. Darewal Rayid ah oo Ciidamada DKMG ah Toogteen
  4. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwa DKMG ah oo Dad Rayid ah Qafaashey
  5. 50 Meeyo Qof oo Ciidamada DKMG ah Qafaasheen

Latest Headlines