Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in nin ku hubaysnaa Bastoolad uu rasaas ku furay Mukhaayad ay dad badani fadhiyeen taas oo sababtay in ay ku geeriyoodaan 2 wiil oo walaalo ah laguna kala magacaabayay “axmed” iyo Shirwac halka qof kalana uu ku dhaawacmay.
Falkaasi ka dib ayaa al-baabada loo laabay goobihii ganacsiga iyada oo ay sidoo kale joogsadeen isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidka intaba.
Lama garanayo illaa iyo hadda cidda falkaasi ka danbeysay iyo waliba sababta loo dilay 2 wiil ee walaalaha ah loona dhaawacay midka kale.
Maydadka 2 wiil ayaa mudo 15 –daqiiqo ka dib goobtii laga qaaday, waxayna arintani ku soo beegmaysaa iyada oo Magaalada kismaayo la wareegeen xoogaga Islaamiyiinta soomaaliyeed isla markaana meesha laga saaray maamulkii horey uga arimin jiray.

Related posts:
ASCM, SIDA MUUQATA KISMAAYO WAXA KADHACAY WAXAY AHAAYEEN DAGAALO FITNO AH,OO QABIIL SALKA KU HAYO IYO ADUUNYO DOON,KOOXII QABSADA WAXAAN OGNAHAY INAY ISKU HAYSTAAN(WAA MAALINTII SAGAALAAD OO MAAMUL LA’AAN TAHAY), OO KHILAAF XOOGAN DHEXYAAL CIDII MAAMULI LAHAYD,WAXAANA DHICI KARTA INAY MAXAAKIIM IYO SHABAAB U DAGAALAMAAN. BALSE HADA WAXAA MUUQATO UGAARSI INUU BILOWDAY BEEL KHAAS AH LA UGAARSANAYO, WAXA KU XIGAANA WAA IN XASUUQ DHACO LAGUNA BAABA’O, MASUULIYADANA WAXAA QAADI DOONO KOOXDII FITNADA BILOWDAY.
WSCM
2 nin la diley waxay kasoo jeedaan beesha majeerteen waxaana diley oo loo malaynayaa iney dileen beesha mareexaan waxaan u malaynayaa arintaan salka ku hayso aano qabiil raga meesha qabsadey hadey wadaado yihiin hasoo qabteen wixii ka dambeeyey gardaradaan hadii kale sheekada wey sii dheeraan ..waxaan kaloo u sheegaayaa kuwa ku faraxsan oo moodey in mareexaan magaalada laga saarey mareexaan weli wey joogaan.. bare iyo tuugtiisii ayaa laga ceyriyey magaalada,,
scww salan kadib ilaah ha unaxariisto wiilasha walaalaha ah ee lagu dilay kismayo oo xaqdarada loodilay
mida xigta anigu waxaan ka soo jeedaa beesha daarood waxaana ku dhashay kismayo waxaana kaxumahay dhaqan xumada kajirta kismayo waqtigii bare hiraale haystay.
kismaayo qabiil soomali ah oo leh majiro waa magaalo somaliyeed qofkii dadka wax uqabanaya ayaana maamulkeeda leh
qurunlayaal dadka dhiigooda raba in ay qaab qabiil ku cabaan ayaa raba in ay dadka isku laayaan
walaalaha midaysnaa ee qabsaday kismayo qabiil ha kuqancinine dad isku dhaf ah somali ah u dhiiba
ilaah ha idin barkeeyo
raga la laayayna ragii dilay hala sooqabto ayadoon qabiil salka loogalin qabiil qori mawada qaato majiro tuug ayaa dadka laaya
shukran
mudane Mohamed
mudane maxamed ayaan kuraacsanahay fikirkiisa saliimka ah qabiil qori ma wada watee ilaahay inta kabaqdaan kursi iyo dhaqaale ha isku haysaninee magaalada maamul usameeya hadii kale tuugtii laga cayriyey maxaad dhaantaan ayaguba markay joogeen dadna waa iska noolaayeen kuwa kalana dulmi ayaa lagu dilayey laguna dhacayaye.
oday xirsi magan layiraahdo ayaan kamaqli jiray asagoo dhahaya adeer rabi rabi daaroodna maahan rabi hawiyana maahan rabi isaaqna maahane waa rabul caalamiin marka nin kasta yuusan isku malayn inuu qabiilkiisu god lagalayo ama asagu xumaanta ka hufan yahay ilaahay waa loo wada siman yahaye aldiina aamanuuda hala taageero ayuu dhihi jiray.
alxikmatu daalatul mu’min meeshii uu ku arkaba wuu qaataa.