6 Nin oo Rayid ah kana mid ah Shaqaalaha Shirkada Korontada iyo Biyaha ee Wiif ayaa saaka lagu diley Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, ka dib markii rag hubeysan rasaas ku fureen.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka 6 qof ee ka tirsan shaqaalaha shirkada Wiif, waxaana wararka qaar sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya uu rasaas si ula kac ah ula beegsadey gaari yar oo ay wateen.
Lama oga ilaa iyo hadda ujeedka rasmiga ah ee ka danbeysa dilka ragan, marka laga reebo in uu qeyb ka yahey dilalka micno darada ah ee wakhti walba la gula kaco dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Falkan ka dib waxaa goobtii soo gaarey ciidamo ka tirsan saldhiga Degmada Yaaqshiid, iyo kuwa Copy-ga Itoobiya ee ku sugan Somalipost kuwaas oo in muddo ah hakad geliyay dhaq dhaqaaqyadii guud ee ka jirey Suuq Bacaad.
Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli shaley sidan oo kale askar ka tirsan kuwa Milateriga DKMG ah rasaas xoogan la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa isgoyska Soobe, halkaas oo 5 qof ku dhinteen 5 kalena dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Ka dib soo gelitaanka ciidamada gumeysiga itoobiya, waxaad dib u soo nodey dilalka qorsheysan ee lala beegsado indheer garadka umadda.

Related posts: